MUUQAAL: Banaanbixii ka dhacay Muqdisho iyo Eedaymo loo jeediyey Wasiir Goodax

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax ay dhigeen  kamid ah ardaydii maalmahan u fadhisay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga ee xalay dowladu joojisay, Waxayna sheegeen inay siwayn uga soo horjeedaan, Iyagoo dhaleecayn kala duwan u jeediyey Wasiirka Waxbarashada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa ay ku dhawaaqayaan ardayda banaan baxa dhigaya ereyo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada ay kamid ahaayeen ha is casilo Wasiir Goodax iyo Ereyo kale oo Wasiirka lidi ku ah, iyagoo Xusay inay Muddo Saddex Casho ah Dedaal iyo Rafaad kasoo mareen Imtixaanka.

Ardayda banaan baxa dhigaya ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in xilka ka qaado Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax ay sheegeen in uu fashilmay.

Ardayda ayaa sidoo kale waxay Cabasho ka Muujiyeen Rasaas Ciidamadu  u adeegsadeen intii ay banaanbaxa dhigayeen, Taasi oo lagu kala Caydhiyey.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Cadaado says:

    Ciyaalkaan waa fashilanyahay iyo caruurta Somaliya guud ahaan. Sababtoo ah, dad xaaraan quutayaal ah, ayaa guryo/villa inta uGu yeereen dugsi sarre, dhexe, iyo jaamacaddo, dadkaas caqliga xun lacagta uga gurto. Iyaga oo habayaraatee aanan waxba barrin. Hadii imtixaan dugsiga primariga ee hoose laga qaado ciyaal badan oo Somaliya jooga oo ku doodaya jaamacaddo Ayaan kasoo baxnay, waxaan ku dhaaran walaahi in eey ku dhici lahaayeen imitixaankaas. Sababtoo ah, waxba lama barrin. Hab iyo nidaamka lagu barray wax xataa ma caddo. Daanyeerta dhashay caruurtaan ee waalidka isku sheegtana waa cawaan caqli xun oo xisaabtan waxa layiraahdo maba yaqaanaan.

    Dowlad iyo nidaam la’aanta waxaan in eey keeneeyso dadka daanyeerta maba oga. Umad dhan oo jaahil ah. Umad dhan, oo tuugo ah. Waalid dhan, oo caqli laheeyn.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...
Prof. Samatar oo Waraysi uga hadlay Kulamadii Isaga iyo Cali Khaliif, Dooda 18-may iyo Arimo Xiiso leh [Muuqaal]
- May 23, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya, waxaana ugu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!