Midowyga Yurub oo ka digay Dagaal Qadhaadh oo lagu Qaado Iiraan iyo Abaabulka Maraykanku wado [Daawo]

London ( Kalshaale ) Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu ka shaqeeyo xasiloonida bariga dhexe, xili uu xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo uu safar kadis ah ku yimid magaalada Brussels.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mike Pompeo ayaa kulamo uu la yeeshay hogaamiyayaasha EU-da uga hadlay waxa uu ugu yeeray “khatarta & Halista” kasoo socota wadanka IRAN.

Ms. Federica Mogherini oo ah haweenayda EU-da u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa ugu baaqday Maraykanka inuu is-xakameeyo isla markaana ka shaqeeyo sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa wixii khilaaf ah oo jira.

Maraykanka iyo EU-da ayaa si weyn ugu kala fogaaday siyaasada ku aadan dalka Iran, waxayna Midowga Yurub sheegeen inay weli  taageersan yihiin heshiiskii caalamiga ahaa ee dalka Iran wax ka saxiixay sanadkii 2015, kaasi oo lagu xakameeyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Tehran, walow uu Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka sheegay inuu ka baxay heshiiskaasi.

Xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa olole weyn ugu jiray in la burburiyo heshiiskii 2015 iyo waliba in duulaan militari lagu qaado dalka Iran oo ay ku eedeeyeen inuu khatar ku yahay amnigooda.

Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay inay faafiyaan wararka sheegaya in qaar kamid ah Maraakiibtooda shidaalka weeraro lagu qaaday, xili Maraykanka uu sheegay inuu la socdo qorshe Iran dooneyso inay ku weerarto dalalka jaarka la ah ee Khaliijka iyo saldhigyada uu Maraykanka ku leeyahay dalalkaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    Khabiir Ku Taqasusey Arimaha Argagaxisada.
    HORTA ISWEYDIINTU WAXAYBA TAHAY MARAYKAN HADEER MA KU DHACAA INUU WEERARO IRAN? WAA MAYA.LKN WUXUU RABAA BAL INAY SOO DEBECDO IRAAN LKN,CUNAQABATAYNTA BUUKUSII ADKEEYNAYA ILAA AYSOO DEBECDO,OO GUDAHEEDA DADKU KALA JAJABO,PK,SI KASTOO YUHUUDU UGU RIIXDO INUU MARAYKAN DAGAAL KUQAADO IRAN MA KUDHICI KARO,OK,MARAKIBTA DIYAARADA XAMBAARAANA HAL GANTAAL BAA KU FILAN IIRAANA WAA DALKA UGU GANTAALAHA BADAN BARIGA DHEXE,OK,HA FILAN INUU DAGAAL FDHACO
    MAXAASE MARAUYKAN KAGA DAADSAN IIRAAN? JAWAABTU WAA IIRAAN WAA DAL ISLAAM OO MARAYKAN INTII KALE BUU SOO CUNEY,GENERAL WESLY KLARK WUXUU DHAHAY:”RAMASFIIL BAA IGU DHAHAY 7 DAL WAA IN 5 SANO GUDAHOOD HILFAHA LOO LAABAA SOMALIYA,SUDAN,SURIYA,CIRAQ,LIBIYA,LUBNAN FINISH ON IRAN WAANA 2007kii.”
    GROG BUSHKII YARAANA WAXAA LAGA HAYEY(CRUSADERS WAR)ALMACNAWIYAN DAGAAL KASTA OO MARAYKAN KU QAADAA DAL ISLAAM WAA DAGAAL DIIMEED AMA ISDIIDSII AMA HA ISDIIDSIIN!!!.
    CALAA AYI XAAL DAGAAL MA DHACAYO HADA,WARARKA DHALOOYINKA & WARBAAHINTANA SIDA AY SHEEGAYAAN SI KA DUWAN BAY WAX U JIRAAN WAANA INAAD FAHMI KARTAA.
    MARAYKAN INTUU DAARIHIISII WTC ISAGU QARXIYEY BUU HADANA ISLAAMKA KU SHAAMBADEEYEY OOLAGA DHAGAYSTEY,I AM SORRY,
    AFBUUXA WAXAAN KU LEEYAHAY ARGAGAXISADA KOOWAAD EE DUNIDA WAA ISRAEL & U.S.A.
    FIIRO GAARA:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    DONALD TRUMP SAYS:OBAMA HE FOUNDED OF ISIS.true story ,recoding.
    DONALD TRUMP SAYS:9/11 IN SIDE JOB.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    DONALD TRUMP MIDBA MIDKA UUKA DOQONSAN YAHAY BUU XIL U DHIIBTAA BAL FIIRI MIKE BOMBEO,JOHN BOLTON iwm WAA KUWO KASII DOQONSAN DONALD TRUMP,KKKKK,OO WALIBA NACAYBKA MUSLIMKA UU MADAX MARAY.




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!