Madaxwaynihii Hore ee Suudaan Dambiyo Culus lagu soo Oogay !

Khartoum ( Kalshaale ) Xeer illaalinta dalka Suudaan ayaa sheegtay inay danbiyo horleh kusoo oogtay Madaxweynihii xilka laga dajiyey ee Cumar Al Bashiir iyo qaar kamid ah saraakiishii la shaqeenaysay oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen dilalkii ay askarta u geysteen dadkii waday banaanbaxyadii looga soo horjeeday dowladiisa.

Cumar Al Bashiir ayaa xilka looga tuuray inqilaab militari 11kii April, kadib todobaadyo mudaharaadyo ay wadeen shacabka oo xiray wadooyinka waaweyn ee caasimada.

Dacwada iyo kiiska xeer illaalinta sheegtay inay kusoo oogtay Cumar Al Bashiir ayaan wax faah faahin ah laga bixin, iyadoo oo uu xafiiska xeer illaalinta horey u sheegay inay Madaxweynihii hore su’aalo ka weydiinayaan arrimo la xariira musuq maasuqa / lunsashada hantida Qaranka iyo Maalgelinta kooxaha argagaxisada ah.

Cumar Al Bashir ayaa hada ku xidhan xabsiga sida weyn loo illaalsho ee Kobar oo ku yaal magaalada Khartuum.

Warkan xeer illaalinta kasoo baxday ayaa lagu soo beegay xili ay Isniintii shalay militariga rasaas ooda uga qaadeen dadka weli sii wada mudaharaadka ee xiray wadooyinka Khartuum, waxaana la sheegay in ay dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof oo rayid ah.

Militariga xilka la wareegay iyo ururada rayidka ah ayaa weli isku khilaafsan qaabka loo sii maamuli doono dalkaasi, iyagoo aan weli ku heshiin wakhtiga militariga xilka ku wareejinayo xukuumad shibil ah iyo awood militariga kusii lahaan doono xukuumada dalkaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!