Dr. Cali Khaliif iyo Somaliland “Faysal Rooble oo Maqaal Xiiso Leh ka Qoray, Iyo Waayihii ay soo wada mareen”

Hargeisa ( Kalshaale ) Dr. Cali Khaliif  Galaydh waa nin aan aad u qadariyo marka laga eego dhinaca aqoontiisa, tifatirka siyaasadeed uu bixiyo, iyo aqoonta af-Soomaaliga. Waxaan Dr. Cali aqaana ilaa 1990. Waxaanu isku baranay shirkii ugu horeeyay ee aasaaskii ERGO (Ergada Wada Tashiga Soomaaliyeed) oo Harisenburg, Virgina, lagu qabtay (1991, December).

Xiligaas marka laga bilaabo ilaa beridhawayto aad baanu u sheekaysan jirnay. Ilaa markuu Khaatumo u jabhadaynay waanu xidhiidhi jirnay.

Kohor, (1990dii illaa matkii uu geeriooday AU Ambassador Cumar Macalin) warar wax ku’ool ah ayaani isdhaafsan jirnay. Dr. Cali nin wargaleen ah ayuu noo ahaa oo runtii xiligi aanu socialmeida jirin ayaan Dr. Cali waran sugan la qaybsan jiray.

(1)  Dr. Cali hadaba, waligiis maanu qiray in uu marnaba taageeray gooni isutaagii Somaliland xiliggii Burco ama Boorame lagu shiray.

(2) Weligiisna muu qiran in jago uu ka raadsaday Soomaaliland hadeer Khaatumo ahaan ka hor.

Hadaba, warka Jawaan ninka layidhaa sheegay ee odhanaya Dr. Cali wuu taageray gooni isutaaga xiligaas waxaanu rabay in uu noqdo Prime Minister, haduu run yahay waxay u ekaanaysaa in Dr. Cali mudo 30 sano ku dhow marin habaabin aniga iyo intakale ee badan ay saaxiibada ahayn kula dhaqmayey. Warkaasi waa xaasaasi.

In uu hada isbadaly Dr. Cali anigu waxba kama qabo oo qofku mabdi’iyan Soomaaliya iyo Xamar wuu ka quusan karaa. Taasi waa la qaadan karaa, oo waxa uu ka la miyahay Sifir (AU), Ina Buubaa, Qaybe (AU) iyo kuwo kale oo badan oo halkaas iyo Hargeysa u xamaan gurtay.

Waxaase Dr. Cali u gaar ah arinta uu anagana si wax noogi sheegi jiray hadeerna warku sheegayo in Burco iyo Booramaba uu adeecay gooni isu taaga Soomaaliland.

Waxaana Rajaynayaa inuu Dr. Cali Khaliif  yidhaahdo ‘ Jawaan ayaa arintaas iska samaystay.’

Siyaasadu waa halkeed,  Shaqsiyaduse (Integrity) waa shay aan la iibsan karin. Si sharaf lah, Cali arintaas ha iska mooso.

W/Q:  Faysal Cabdi Roobe

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Baaruud says:

    Faysalow adigu reer Ethiopia ayaad tahay ood weliba siyaasadeeda ku firfircoontahay ee maxaa arrimaha Somaliya ilaa xadkaa ku dhex geshay. Weligeen ma qabiil uun baynu ku meeraysan, eeday waddaniyadii

  2. Cagey says:

    Phd aqoontu miyaa?
    Maya Maya
    Waa intuu qofba Eebbe geshaa




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!