Daawo: C.raxmaan Cirro oo si kulul uga hadlay Xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo Fariin uu Muuse Biixi u diray (Muuqaal)

Hargeisa ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa maanta,  ayaa ka hadlay arimo kala duwan, Wuxuuna tacsi ka diray ugu horayn dadkii dhibku kasoo gaadhay Roobabka, isagoo xusay inay Haboontahay in loo Diyaar-garoobo, Wuxuuna alle uga  mahad naqay Raxmaadka Roobka ee Bulshada  uu siiyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu ka hadlay Warar sheegaya inuu Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka Dalka Qatar ee Soomaaliya  iyo Safiirka Maraykanka, wuxuuna xusay inaanu la kulmin, Balse aysan wax dhibaato ah ku jirin haduu la Kulmo, wuxuuna xusay inaysan Somaliland u baahnayn inay dal gaar ah colaadiso. “ Safiirada aan La Kulmayo cidi iima yeedhin Karto, Danjireyaasha dhammaantood waan la kulmi karnaa, Diyaar baan u ahay inaan Kuwaa la sheegay iyo kuwa kalaba la kulano Goorkastaba”. Ayuu yidhi Cirro.

Wuxuu ka hadlay Xadhiga   Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Baarlmaanka Somaliland  isagoona ku tilmaamay Arin Sharci darro ah “ Lama Xidhi karo, oo lama Baadhi karo Mudane ka tirsan Baarlamaanka, Waxaana dhacday in Mudanaha [Dhakool] Goor habayn ah isagoo Hurda oo aan dambi gacanta kula Jirin lasoo Xidhay,   Waxaana la yaab leh Markii sharci darro lagu xidhay in isagoo Katiinad ku xidhan tahay la keenay Maxkamad, hadana  Maxkamadii markii ay Arintiisa diiday , waxaa la yaab leh inuu weli xidhan yahay, Iyadoona Gudiga baarlmaanku soo saaray inay Sharci darro tahay, Iyadoona Gudoomiyihii Golaha Wakiilada loo diiday inuu soo eego “. Ayuu yidhi Cirro

Madaxwaynaha Somaliland ayuu ugu baaqay  Ilaalinta Sharciga , Wuxuuna xusay inay dantu ugu Jirto ilaalinta sharciga Qofka Xilka Haya, Isagoo xusay inaan Aragtidiisa lagu xidhi Karin Mudane Baarlamaanka ka tirsan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Ali Zubeer says:

    Waar cirro waa in la xidhaa suu xamar u qabto ama Caarre ugu tago. Nac nac been buu hayaa,

    Inta doorashii laga boobay, dadkiisa la bah dilay ayuu weli sii niic leeyahay,

    Waar wuxu miyuusan lahayn digil danqada

    Waar hororka Muusa shaani iyo beeshiisa ka soo carar intaan lagu liqin

    Nin kuu digay kuma dilin.

    Yaab

    Viva Soomaaliwayn

    Down all Somali traitors

  2. wagad wyrah says:

    Dhakool maalina shafka calankeeda haku soo qaato maalina waa qabiil ha yidhaahdo ma hadui ogaaaday inaad gumburka geela inoo ku raacdo Qprileyna shaah usoo doonato baa kuu dhaantay




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!