R/wasaare Khayre oo magacaabay Guddi Cusub oo Wasiiro ah [Warbixin]

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo ka shaqeeya dhamays-tirka qorshaha deyn cafita dalka oo meel gebogebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubno ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe Dedaal Xoogan ku Bixisay Sidii Soomaaliya daynta looga Cafin lahaa, Arintaasi oo u Gogol Xaadhaysa sidii dalku uu mar kale Cagihiisa ugu istaagi lahaa, Islamarkaana u heli lahaa Maalgelin Cusub  iyo Dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaallaha dalka.

 Khayre ayaa dhowaan dalka Maraykanka uga Qayb galay Kulamo muhiim ah oo Arintaasi looga hadlay, Barnaamijka Dayn Cafinta ee Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!