MUUQAAL: Odayaasha Raggii lagu eedeeyay Dilka Caasha Ilyaas oo kasoo Horjeestay Xukunka Dilka [Daawo]

Garoowe ( Kalshaale ) Odayaasha iyo Waxgaradka ay kasoo jeedaan Raggii Maalintii shalay Lagu Xukumay Inay Kufsadeen Caasha Ilyaas, kadibna dileen ayaa Xukunkaasi kasoo Horjeestay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Iyagoo Warbaahinta kula hadlay deegaan Burtinle Waxay sheegeen inaysan ku Qanacsanahay Xukunka, Islamarkaana dadka la Xukumi karo Marka loo hayo Cadayn, Ama uu Qirto dambigaasi, waxayna Dhaqan Reer Galbeed ku sheegeen Baadhitanka la sameeyay ee DNA-ga, iyagoo xusay inaanu shareecada islaamka ku jirin.

Dad badan ayaa Markii hore Mugdi uga jiray in Odayaashu ay Dhiiri geliyaan Kuwa dambiga gaystay guud ahaan magaalooyinka dalka, Waxaana tani daliil cad u tahay sida Odayaasha ay uga Fogyihiin Cadaaladda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. leopon says:

    Hala xidho min 5 sano oo xadhig ah halagu xukumo odayaal maahee waa qawlaysato waxay tani kamid tahay qaran jabka wali laga soo kaban la’yahay.

  2. Cadaado says:

    Somalida waxeey u badanyahiin gaalo madow. Bal arka, odayaashaan rabba daanyeeradaas gabadha yarta inta eey kusfadeen dilay, ee ku doodaya waxa lagu xukumay dhaqan gaalo. Daanyeerta Somalida odayaashooda isku sheega, waa bil caksi, gaaladii ayaa ka muslinsan, iyagiina waa gaalo, oo waxeey rabaan shareecada Islaamka in aanan lagu qaadin dadkaan gabadha dillay oo eey tahay in la dillo. Gaalada eey sheegayaan ayaa ka muslinsan, oo kaga dhow diinta Islaamka. Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Kacaanboy21 says:

    Wataasaa dadka puntland. Kibir qabyalad laandheere. Shaciga yaan la raacin. Qofkii danbi gala. Tolkii baashrci u ah .wayahay ok yaa yaa gabdha kufsaday dilay. Bal dadka itass degan oo rag iyi dumar leh. Waa inay keenaan cida falka gaystay. Mudug waxa dadka maajida iyi meel walba oo gu laayay wadad raali ka h in hoos hoos inta danbi looga lo. Lanagaraynayo iyo hebel waa ladilay. Kadib mscawiso inta lasoo xidho iyi.nacnac lasoo fadhiisto. Ssdf snm. Waligood qabyalad bay waden ilaa kacaankii waxay jecelyihiin qabyalada.

  4. Land of Punt says:

    Odayaashaan in wiilashooda la dilin in u dagaalaan oo buuraha jafaan waa wax ka filayey laakiin suaashu waxay tahay miyaa laga yeelin?
    Ayagoo indhahooda shanta yihiin ayaa la toogan.
    Ilaahow muu walaalkay dhalo, walaal dulmi u hiilinayn.
    Odayaashaan mid baan isku reer nahay, muxuu u ceshan waayey markii hore daanyeerta guska la ordaysa hadduu u kanaxayo dilkooda.
    Ma inta gabar reer dhalay kufsadaan hadana dilaan ayey nolol sugayaan…. ?
    Adeerayaal wiilashaas karfantii u diyaariya intaad buuqa daysaan.

  5. xaange says:

    Daanyeeradan ciyaya waa in lasoo qabtaa oo lasoo xiraa.Damiir xumida kuwa wax kufsaday show kuwan baa ku dhalay nacalad baa idinku taal idaacadaha inaad soo istaagtaan ayaad ka xishoon lahaydeen wax damiir leh hadaad tihiin.Marka aan sidaa leeyahay kuwani waxay ka mid yihiin kuwa aanu haybta hoose wadaagno

  6. Land of Punt says:

    Leopon
    Waa kugu raacsanahay in ayaga lagu xukumo in sharciga ishortaageen oo qalaase amnidaro wadaan.
    Odayadhaas ma oga haddii waxaan oo kale loo dulqaato oo xaalxaal mastuur lagu dhameeyo in beri gabadhiisa ku xigto….
    Daanyeerta gabdhaha kufsada waa in cashar loo dhigo, weliba arinkani kufsi iyo dil labadaba ka weyn.
    Gabar sidii loo jir dilayey oo iskugu bedeleyeen kufsi ku dhimatay, waa sida ugu xun oo qof ibnu aadan ah u dhinto.
    Wado u furan oo u noolaadaan ma jirto, weliba DNA shahwadooda laga helay….this is extremely rare brutal murder.🙁

  7. Hayaan says:

    Asc:

    Shalay ayaan Comment year Ka qoray aan leeyahay in dil lagu xukumaa waa cadaalad, laakiin reerkaan aqaanoo waan sugayaa inta cadaaladaasi laga fulinaayo!!!

    Durba waxaa soo baxay Dulmi u hiiliyayaal ku doodaya qabiil iyo hadaanu Beeshaas nahay Iyo hasoo fara geliyo Madaxwetnaha Maxamud Saleebaan. Cajaa’ib haday P/land cadaaladi taalo hooyadii dhashay uma Haajirteen Ethiopia yaa loo sheegayaa!!!!!

    P/land cidii aan ku hoos noolayn Maxamud Saleebaan ha iskaga Haajiraan haddii kale Gabdhihiina waxaa ku dhacaysa wixii Caaisha Ku dhacay waxaanse reer P/land u sheegayaa hadaydaan dadkii caaisha dilay meel uga soo wada jeesan kiligiin waxaad noqonaysaan AATHIMIIN.

  8. Hayaan says:

    https://youtu.be/n8Qols3UZUI

    Reer P/Land waxaan uga digayaa Dulmi in ay iska fogeeyaan waa haddii ay yihiin Ummad Islam ah.

  9. Land of Punt says:

    Cadaado
    Odayaashaan daanyeerta ah iyo noocooda waa in umadda laga qabtaa, waan hubaa in ehelada dambiilayaasha is leh badbaadiya in Lacag ugu cuneen in microphone ka matagaan, waa doofaar calooshooda u shaqaysto.
    Xitaa beelqaade run ah maaha ee waa kuwo ka faaiidaysta familo dhib dhexmaray.
    Gadaaladda laba nin kama wada farxiso.
    Waa ma xishodeyaal daanyeer ah.

    • WARAN says:

      IIMAANKA ILAAHAY HAKA QAADO ODAYADAN TUUGADA AH EE BUDHCADA AH ILAAHAY DEMBIGIINA MA DHAAFO WAXAY SOOMAALIYA U DEHI WEYDEY WAA WAXAN OO KALE . IYO ODSYAAL MUNAAFIQIIN AH BAL MAXAY U HADLIWAAYEEN MARKII AY DEMBIGA GALEEN EE AY MAXAKAMADU SOCOTEY ? WAXAAN KU TALIN LAHAA IN ODAYADAA BURTINLE KU SHIRAY EE SHIRKA JARAA IID QABTAY IN IYAGANA DIL LAGU XUKUMO WAAYO WAXAY TAAGEERAYAAN DEMBIILAYAAL

  10. somalijecel says:

    ACWW Waan idin salamayaa Somaliyeey.Odayaasha shaqo aysan xaq u lahaan jirin ayaa loo dhiibay waxaa dib naloogu celiyay 1400 markii la yiri oday dhaqameed dunidan aan la socon,hadduu doono aan wax qorin la yiri suduu doono ha yeelo.
    Angi waxaan qabaa in soo dayntooda lagu la isweydiidyo 5 sanno hasoo cunaan.
    Waxyaalaha dalkan uu la degi la yahay ayay ka mid tahy iyadoo police maxkamado mushaaro ku qaataan ayaa la leeyahay oday ha dhameeyo oo maxaa mushaaro loo siiyaa law enforcement agenies?Police,maxkamado iyo jeelasha maxaa lagu qabanayaa?
    War waxaasi waa nacasnimo reer Puntland ku dayda Garbahaarey oo aan Police maxkamado ka jirin ayaa har cad la toogtay,waliba nin sheegtay laandheeranimo reer Xasan ah ayaa loo dilay gabar Habar-ciise ah iyadoo 5 nin magtood lagu baryaayo ayuu aabaheed diiday 1000 nin magtood ma doonayo shareeadaa i deeqda ku dhamaatay.

  11. Maxamud says:

    Markii dilka lagu xukumay roob ayaa garoowe kada’ay

  12. Dabshid says:

    Maxamuud

    Kkkkk

    Garowe roob kama da’o, xageed ku aragtey Saxaro roob ka da’o.

    Waa JEEY sidey noo sheegtey @ Farxiyo
    Hadaad Saabuun ku qabeysatana 10 bari ayuu kaa muuqan Cad Cadka Saabuunta siduu noo sheegay @ Garqaad

    – Jowhar Bari uma dhaafin, Baabuur dad soo wado iyo asagoo badar sii wado lee arkeynay.

  13. Dabshid says:

    Ceelgaabta markey ENO3 uga dagaan ayey faan bilaabi,

    Walaanan imaadeen hadaan sidaan moodahay,
    Haye shimee laabanee hee hadey sidaan noqotey

    Hadey eedadey baabuur raaca iga dhiibto subaxdiiba waan laaban, Kkk

    4 sano ka dib wuxuu kuugu sheekeyn anigoo ganacsade ah oo lacag wato ayaan Xamar imid,

    Sarahaan anigaa wax ka dhisey.

    Bal adigu dhan u wada –
    Nin qaawan oo leh Armaa Nala furtaa.




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!