MUUQAAL: DF oo Baajisay Imtixaankii Dugsiyada Sare, Kadib markii Suuqa Lagu kala iibsaday iyo Waxa dhacay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in la joojiyay Imtixaankii mideysnaa ee dowladda qaadeysay, kaasoo Saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday Muqdisho iyo gobolada Koofureed ee dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Goodax ayaa qiray in la helay Su’aalaha dhamaan Lixdii maado ee la kala galay maalmaha Sabti, Axad iyo Isniin oo maanta aheyd.

Wuxuuna si rasmi ah ma aanu u sheegin cida Su’aalaha bixisay, wuxuuse carabka ku adkeeyay inay jiraan dad iyadoo Bil Ramadaan lagu guda jiro dhaqaale ka raadiyay iney iibsadaan Su’aalihii Imtixaanka ee ardeyda loo diyaariyay.

27-ka bishan ayuu tilmaamay inay dib u bilaabanayaan dhamaan maadooyinka Imtixaanka fasalka ugu dambeeya ee dugsiga Sare, isagoo sheegay in la baabi’iyay kuwii la galayay maalmahan, kuwaasoo habeen kasta dhex yaacayay baraha Bulshada.

Wasiir Goodax ayaa sheegay inay Baadhis ku wadaan dadkii Falkaasi ka dambeeyay, Wuxuuna xusay in Maxkamad lasoo taagi doonaa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Land of Punt says:

    Shalay wuxuu lahaa Goodax: waa in Xamar usoo dirtaa ixtiraamka dugliga sare ardayda Puntland, Puntland maaha dal gooni ah oo xaq uma laha in shahaado bixiyaan ama ay intixaan diyaariyaan….. Hade hanti la bililiqaysto gartay ee aqoon la bililiqayso xagee laga maraa.
    Gurigaaga waa la dhici karaa laakiin aqoonta maskaxdaada ku jirta cidna kaama qaadan karto inta nooshahay……
    Nin weligiis jaamacad takhtar gelin oo dad qalaya ka waran intuu shahaado soo gatay….yaab.

  2. Cadaado says:

    Ninkaan Goodax waa daanyeer. Kheeyre iyo Farmaajo oo magacaabay isagana waa daanyeero.

    Somaliya waa meel dadka “incompetent” karti laawayaasha ah ee horboodayaan dadka masaakiinta ah ee Somaliyeed.

    Daanyeer Kheeyre, musuqmaasuq ka weeyn miyaa jirra in su’aalaha imtixaan suuqa lagu kala gatto. Markaasuu daanyeerkaas dadka uGu sheekeeyay musuqmaasuq Ayaan yareeynay amaba la dagaalanay. Daanyeer.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Land of Punt says:

    Xamar waxay noqotay Magaalo dhalan rogmatay…
    Waa meel aduunkii iyo Somali ka jaabtay.

  4. xaange says:

    Waa alle mahadii hadii Goodax arkay waxay puntland diidanayd shalay markii uu lahaa imtixaanaadkan sidaa u dayacan oo suuqyada lagu kala iibsanayo ardada puntland haloo geeyo.Waana ku bogaadinayaa inuu qirtay in khaladaad ka jiro imtixaanaadka koonfurta soomaliya.Soomaalidu uma badna inay khaladkooda qirtaan lkn karti dheeraad ah ayuu muujiyey ee waa in ardada loo turaa oo looga gaashaantaa inaan khaladaadkani soo noqnoqon ardadana aan wakhtiga laga dhumin

  5. Dabshid says:

    Waxa la isku heystey waxey ahey hala hubiyo in caruurta la barey basic education ka.




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!