Laba Markab oo Sucuudigu leeyahay oo la Weeraray (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin waxyeelada la sheegay in maraakiibta ay gaartay.

Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan “ficillo lagu arbushayo” maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta.

Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.

Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin “kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo”.

Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka badda.

Isha VOA-Somali

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. xaange says:

    Waxaa laga shaqaynayaa sidii Iran dambi loogu samayn lahaa loogana dhigi lahaa mid khatar ku ah wadamada ay deriska la tahay si loogu duulo ama ugu yaraan looga dhaadhiciyo wadamada ay ka midka yihiin China iyo India oo wali shidaalka Iran iibsada inaanay waxba ka iibsan wadankaa sidaana Iran halka kaliya ee ay dhaqaaliha ugu badan ka hesho loo af qabto.
    Weeraradan waa been abuu aan sal iyo raad toona lahayn iyo xaalad abuur aan jirin

  2. NUURKANEDERLAND says:

    WE ARE IRAN….
    OK,WAA IIDHEH MARAYKAN,SACUDI,UAE & FAKE NEWS LKN MARAYKAN KUMA DHACO HADEER IRAN INUU WEERARO,HA SUGIN TAA HADEER.WHY?MARAYKAN WAA OGYAHAY AWOODA IRAN & INUU XIRMI DOONO MARINKA HORMOS,
    Maraykana WAA OGYAHAY IN IRAN AAN LOOGU HANJABI KARIN MARKAB DIYAARADO XAMBAARSAN WHY?HAL GANTAAL BAA KU FILAN,OK,IIRAANA WAA AWOODAA INAY HAL GANTAAL KU DEJISO MARAAKIIBTAAS XAMBAARSAN DIYARAHA.LKN WAA GOOLAAFTAN IIRAANA WAA SHIICO AAN GOOLAAFTAN & YALAKH YALAKH AQOON.




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!