Maxaa u qabsoomay R/wasaare Khayre iyo Safarkii Washington oo uu Soo Afmeeray

Muqdisho ( Kalshaale ) Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa soo gebagabeeyey safar shaqo oo uu maalmahan ay ku joogeen magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gelay shirka sanadkiiba ay mar iskugu yimaadaan hay’adaha Maaliyadda dunida, iyadoo sanadkaan uu jiray qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeeyey dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa intii uu joogay magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Sidoo  kale, Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde oo ay isla soo qaadeen horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay sida dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan oo ka mid ah wafdiga Raisul wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna ka mid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Bayle

Waxaa uu intaas ku daray in dowlada Somalia ay gaartay heerkii ugu sareeyay ee kalsoonida Beesha Caalamka.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Washigton ayaa Raisul Wasaare Khayre waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalalka caalamka iyo heyadaha taageera dalalka soo koraya, kuwaasoo ay isla soo qaadeen qodobo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa horumarka ka socda Somalia.

Madaxda uu Ra’iisul Wasaaraha la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaasoo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta Maamulka Maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Khayre ayaa sidoo kale kulan aad muhiim u ah la qaatay maamulaha heyadda kaalmada dibeda u qaabilsan Maraykanka ee (USAID) Mark Green, iyagoo isla soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaalada lagu horumarinayo Waxbarashada, Caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist ayaa ka mid ahaa madaxdii uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyagoo isla gorfeeyey qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada iyo xoojinta amniga dalka.

Safarka Khayre iyo wafdigiisu ku joogeen dalka Maraykanka oo guul ku soo dhamaaday ayaa madaxda kale ee ay halkaas kula kulmeen waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft, Wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, Ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale, iyo madax kale oo fara badan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Jabhad says:

    Ninka aad adkayso ee albabka gariga laga furayo

    Waa raisalwasare XASAN ALI KHAYRE wa halyeey

    Sharaf u yeelay dalkiisa iyo dadkiisa KARTI. IYO

    HUFNAAN wa hogamiye meel maray hadad ku

    Farxayso somali ciduu ka yahay waa HAWIYE ka si

    Ah MURURSADE maalqaben ah tageer ninkaada

    Meel marka adoo kor u qaadaya sharaftiisa. LOL

  2. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Hora losocinaya insha alaah guuuul iyo gobanimo
    Kuwi markay arkaan horumarka somaaliya xanaaqi jiray
    Kiniinka dhiigkarka halaqaan indhahana haka qarsaden
    WBT

  3. Dabshid says:

    Labada arin oo aan kalaheyn in Mr Farmaajo uu horjooge ka noqdo Villa Xamar waxey aheyd.

    1. Inuu reer Qurac ka soo dejiyo geedaha, taas waa lagu guuleystey oo maanta waa ayagaas leh Xamar waa nabad, horey waxey u dhihijireen ka warama Qarixii Xamar ( Guno Bilaash ah ayaa dadka u daran)

    2. Inuu ka soo reebo Federaal beeledkii uu Meles u soo dhiibey taas wuu ku guuldareystey, xataa wuxuu ku fashilmey inuu halkii ka sii wado – heshiiskii 6 bilood laha ahaa ee Dekeddda Kismaayo

    Sidaas daraadeed waxaa soo vaxdey inuu, RasalwasaareKheyre fuliyo Amaraduu fulin jirey Xassan Shiikh,

    Madaxweyne Farmaajo iska jiifo sidii Rasalwasaare Saacid.

    – ilaa ay wada hadlahayaan Hargeysa iyo Muqdisho oo Qarankii lagu heshiiyey 60kii dib loo saxahayo, Xamar waa laga xamaalankaraa laakiin lama wada sheegan karo.

  4. Dabshid says:

    Qoys aan Aabo iyo Hooyo laheyn maahan Qoys buuxo,

    Xamar iyo Hargeysa oo aan mideysnayna ma jiro Qaran Buuxo.

    – Nin Qaran buuxo ayaa u muuqdo, nin Labo Gaaweeto ayaa u daran.

  5. Jabhad says:

    Dowlada federalka markii la yagleelay casimada

    Waxaa haystay 3 awodow oo midka ugu xooga

    Badan uu qarsoona

    1 xagjiriin awood lahaa lakiin qarsona

    2 hogaamiye. Kooxedyo awood lahaa

    3 shaqsiyad dhaqaale haysta o caqabad aha

    Walow la fashiyey oo laga saray casimada xagjirintii

    Weli waa awood jirta oo somalia samayn ku leh

    Lakiin maanta maleh baro cidan oo loogu hagaago

    2019 dowlada faderalku waxay aragtay QATARTA

    ay yelan karan 3 daas awododod ardaydoda hadii

    Ay fursad helaan ayna wiiqi karaan qarankan

    Dhismaya marka mudnanta 1,aad 2aad iyo 3aad wa

    Amniga muqdisho NOT somalia




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page