DAAWO: Madaxwaynaha Puntland oo Imaaraadka kulan kula qaatay Madaxda ugu Saraysa Shirkadda DP-Word

Dubai ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

Madaxweyne Deni oo ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo dar-dargelinta arrimaha maalgashiga ayaa balanqaaday in Xukuumadda cusub ee Puntland samayndoonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Dhowaan ayuu wuxuu sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan Heshiisyadii Hore, waxaana hada muuqata inuu dhaqan geliyey Heshiiskii Maamulkii C.wali Gaas ku Wareejiyey Dekedda Boosaaso.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 31)

  1. Dabshid says:

    Labo sano iyo labo bilood ayey Madaxweyne Farmaajo ku qaadatey inuu Dekedahii Koofur hoos keeno maamulka Koofurta, hadduu middaas ku fashilmey awalba sharaf ayuu ku dhex lahaa Shacabka Muqdisho,

    Ha iska dhex jiifo Villa Xamar hadibna Turkey ha uga dabo tago Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh.

    Waxaa kuu soo harey Amiirul-Muqdisho
    Rasalwasaare Kheyre kama yeeleyno waxaan ka diidney Xassan Shiikh, u qeybinta Canshuurta Xamar Dooli iyo Doorshaan, asagoon xataa maamulinkarin Dekeddii Kismaayo ee 5ta Soomaaliyeed, iskaba daa Waqooyi iyo Berberee.

    – Nina Qaran buuxo ayaa u muuqdo, Nina Labo Gaaweeto ayaa u daran.

  2. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Oday Dabshid
    Maanta aadbad u xanaaqsan tahaye maxa sokordhay
    Beryahan waxa badatay oohintaadi iyo xamarba cashuur
    Laga qaada hadiiba cashuur laqaado ma meelkala lageya
    Sow xamar loguma shaqeyo ilay mushaharka shaqalaha
    Dowlada
    Waxa bixiya dowlado iyo hayado caalamiya e war nin waynbatahaye
    Islayaab mise waxad tahay mooryaanti ku waynaatay
    Bililiqada o cad aad cunijirta ku muuqda kkkkkkkkkklkk
    Car nosheeg cashuurtad tiraahdo waxa laga qaada xamar
    Meesha lageyo iyo cida lasiiyo WBT

  3. Dabshid says:

    Khaatumo hanoolaato

    Dhulka aan ka hadlahayo kuma jiro dhulka uu maamulo Muuse Biixi,

    – Qaran buuxo ma jiro ilaa Hargeysa iyo Muqdisho ka wada hadlahayaan. Laakiin labada shacab waa ka shaqeysankaraan,kuna dalxiisi karaan labadii Caasimadood.

    – Adigoo Hargeysa qabiil ku diidan, inaad Xamar igala doodo, soo maahan AQLI DABANGAALE.

  4. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Maxaad soo kordhinaysaan?

    30 sano wixii aad keeni waydeen,miyaad maanta keenaysaan?

    Mise waxaad rabtaan inaad dawlad beenbeen ah aduunka lacag kaga gurataan,sidii hore u dhacday?

    Xoogan,abaabulkan,Banaan baxyadan iyo dagaalkan bilaamay,miyaad Alshabaab ku qaadaan.

    Adinka iyo Alshabaab ayaaban kala garan waayay.

    Dalmida

  5. Dabshid says:

    Khaatumo hanoolaato

    Canshuurta waxaa la siiyaa,

    50 xildhibaan oo reer waqooyi ah
    5 wasiir oo reer Waqooyi ah
    3 Guddoomiyeyaal sare
    2000 Shaqaale oo reer Waqooyi ah

    Dhamaantoodna mategikaraan Gobolada Waqooyi, dhamaantood daacad uma ahan Koofur

    Qaarkood waxey aaminsanyahii- Ka xamaalo Xamar, daarna ka dhiso Hargeysa

    Bal adiguna ii sheeg, halka Tuulo oo uu Rasalwasaare Kheyre BOOQDEY iska daa inuu CANSHUUR KA QAADEE, Oo kutaalo, Goboladaan la midownay 1960kii.

  6. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Kkk

    Markuu Rasalwasaare Kheyre maamulo Dekeddii Kismaayo ayaan ka yeelaynaa inuu Canshuurta Xamar u qeybiyo Dooli iyo Doorshaan.

    -Canshuurteena, Ciidankeena iyo Ciideena ninkii Wax ku darsadey ha ii sheego.

    • Mo says:

      @dabshid
      30 sanaad qashin dhex jiifteen oo isgoo buuraha dhaafay oo uu waddooyinkii xidhay turkigu idinka guray!!! indha adaygaagu xadkuu ka baxay.
      inaad rag la doodaba ma ahayn.

  7. Zaki says:

    Dabshid

    Horta Ma dhabaa in Cashuurta Muqdisho Lagu bixiyo Mushaharka Shaqaalaha DFS,mise Beesha Caalamka ayaa Bixisa oo Muqdisho Canshuurteed Goleheeda Deegaanka Ayay Ku baxdaa?.

    WAATAN HESHIISKII NAIROBI AY KU GAADHEEN DFS IYO BAANKA ADUUNKA,KAASI OO DHIGAYA IN BAANKA ADUUNKU BIXIYO MUSHAHARKA SHAQAALAHA DFS, SHAN SANO OO 2015-KII KA BILAABMAYSAY,MARKAY DHAMAATONA DIB AYAA LOO CUSBOONAYSIINAYAA.

    2015-2019-KA.

    MEESHA LACAGTAASAA LAGU WADA JOOGAA EE BERI HORAA LAGU KALA TEGI LAHAA.
    KABKA BISHII BAANKA ADUUNKU SIIYO SOMALIA WAA $1.700.000
    1.700.000×12 MONTHS = $20.400.000
    XAMAR ANAKAA LEH WAA SAX,LKN CASHUURTA MUQDISHO KELIYA AYAA LAGU BIXIYAA MUSHAHARKA DADKA MEESHA LAYSUGU KEENAY WAA YAAB.

    https://www.radiomuqdisho.net/dowlada-soomaaliya-iyo-bangiga-aduunka-oo-nairobi-ku-kala-saxiixday-heshiis-lagu-bixinayo-mushaarka-shaqaalaha-dowladasawirro/?_e_pi_=7%2CPAGE_ID10%2C7365347590

  8. Garqaad says:

    Ninka emaraadka u dhoofay haduu xaaf noqon lahaa ama waare waxaad arki laheyd jawi midkaan ka bedelan. Oo dagaal ayaa lagu qaadi lahaa. Waxaa laysku dayi lahaa in uusan dalka kusoo laaban. Kheyre ayaad arki lahayd

    Dee wakaase emaraadkii xiriirka loo jaray ayuu jogaa Mr Dani. Miyaad buuq maqleysaa?

    Raisulwasaare xasan cali kheyre. Ma fahmi karo siyaasadda farmaajo. Wayoo isaga dadkiisa ayaa lagu dirayaa la nacsinayaa. Halka madaxweyne farmaajo uusan ka hadleyn Pudland iyo jubaland. Hadda wuu awoodaa in uu ka hadlo laakiin isagaan rabin.

    Waxaa ilaahey mahadiis ah maanta Reer muqdisho in ay indhaha kala furaan.

    Imisaa waqti iiga dhumay. Inaan dareensiiyo.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      “Imisaa waqti iiga dhumay Inaan dareensiiyo.” Waxaa yiri ninkii qalbi-camoolaha ahaa. Garqaad *War hoy Dhammaa xilligi Mooriyaanta ee yuusan abtiga Laalays hog kaa ridin. *Yasidda Aad u hayso reer Garas-baaley & gobonimada aad ka doontay reer Bulloxaar yaysan ku hodin DADKU WAA ISKU DADKIIYE. WBT

  9. Zaki says:

    Dabshid

    Dee hadday jirto in Cashuurtiina meesha lagu Cuno waa Nacasnimo ee Dadka Aad meherada ka Shaqaalaysiiseen Soo Caydhiya inta laga helaayo Dawlad wadaag Reer Koonfur ka dhaxaysa meesha waad Ku dhacantihiinee
    kkkk
    SE MAXAA DHIB AH EE KU JIRA INAAD MASRUUFTAAN SOMALIDII ITALY KA XOROOBAY,SHAQADOONKAYAGANA NOOSOO MUSTAAFURISAAN MISE DHAMAAN WAA WADA SHAQO TAG AAN MANFAC LAHAYN
    KKKKKKK

  10. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Hadii aad waxba qaadataan,oo dawladda oo dhan la idiin daayo,u malayn maayo inaad wax soo kordhinkartaan.Wax yaabo badan oo socda ayaa cadayn u ah arinkaasi.

    30 sano kadib ayuu Suudi Yalaxaw Ciidan hubaysan ku haystaa Muqdisho.Waliba taageyaal iyo dad u daacad ah ayuuba haystaa.

    Waa yaabe,sidee Muqdisho oo jirtay,3000 oo sano ay dadkeedu noocan u noqdeen?Su’aashan ayaan iswaydiiyaa runtii.

    Dalmida

  11. Dabshid says:

    Zaki

    Markuu Rasalwasaare Kheyre la shishey Jaaliyadda USA,

    Wuxuu sheegey inuu si fiican u maamuley Canshuurtii Xamar oo Ciidamada miishaar ku filan siiyo

    Oo shaqaalaha miishashka siiyo waqtigii loogu talo galey,

    Oo daqliga dekedda iyo Airport kordhey,

    – Waa sax waa runtaa ayey ugu jawaabeen, laakiin intuba waa Hal maamul State,

    aawey Qarankii Soomaaliyeed ee aad balan qaadeen inaad mideyn doontaan.

    1. Koofur ka mideysan Canshuur iyo Maamul

    2. Ciidan ka kooban dhamaan gobolada Koofur oo Tayo leh.

    3. Bixitaanka ciidamada shisheeye,

    4. Wada hadalkii Qarankii Soomaaliyeed ee ka koobnaa Koofur iyo Waqooyi

    5. Ka gudbidda Beel-daaqe soo xulo Xildhibaan qaran.

    Maxaa kaaga qabsoomey Qarankii u baahnaa qodobadaas.

    War wuxuu ku soo dhamaadey, hadaadan canshuur ka keenikatin, Kismaayo oo aadan Hargeysa hoos keenikarin Xamar, Socodka iska toosi Xassan Shiikh ayaa ku kufaye, oo meel saar Meeqaamkii Muqdisho iyo Nabadgelyadii Muqdisho.

    – Qaran mise Qaraab.

  12. Jabhad says:

    Dowlada federalka markii la yagleelay casimada
    Waxaa haystay 3 awodow oo midka ugu xooga
    Badan uu qarsoona
    1 xagjiriin awood lahaa lakiin qarsona
    2 hogaamiye. Kooxedyo awood lahaa
    3 shaqsiyad dhaqaale haysta o caqabad aha
    Walow la fashiyey oo laga saray casimada xagjirintii
    Weli waa awood jirta oo somalia samayn ku leh
    Lakiin maanta maleh baro cidan oo loogu hagaago
    2019 dowlada faderalku waxay aragtay QATARTA
    ay yelan karan 3 daas awododod ardaydoda hadii
    Ay fursad helaan ayna wiiqi karaan qarankan
    Dhismaya marka mudnanta 1,aad 2aad iyo 3aad wa
    Amniga muqdisho NOT somalia

  13. Dabshid says:

    Zaki

    Shacabka Koofurta xisaab gooniya ayaan kula dhaqmeynaa,

    Shacabka Waqooyina xisaab gooniya,

    – Aan shirkowno waa gar, waxeyga ii gooni, taadana kula lihi – Buuga Caalamka kuma taalo.

    Qaran mise Qaraab.

  14. khaatumo haanoolaatoo says:

    oday Dabshid
    kalagaro qaran iyo qabiil war anagu waxanu
    rabnaa qaran duliyohow ku meeraysanaya qabiilka
    hora loyiri qabiil qaran manoqdo hadu qabiil
    qaran noqonayo beesha isaaqba noqon
    lahayde
    sodon sanay shacabkodi ku xidheen jeel ilahadeerna
    waxba mahayaan waan ogahay o adigana waxa kumuqata
    bililiqadi aad u baratay sidaa awgeed marabtid dowlad
    ogow hadaad dowlad nimada diidid in xamartaad
    somaalida ku xagxaganaysid in lagaa fara maroojin
    doono hora logu maahmaahay doqontu waxay
    leedahay 12 indhood mid keliyey ku aragtaa cadowgeeda
    11 kale waxay ku aragtaa dadkeda miyaanad ka dhergin
    sodon sanadood o aad ku shaqaysanay sen qabiil WBT

  15. Jabhad says:

    Arinta CANSHURTA waa siyasad lagu kicinayo

    Dadka masakinta ah laguna wiiqayo dowladnimada

    Waxaa dabada ka riixaya urur ka soo bilowday

    LONDON waana H.A.G waxaa xubin ka ah nin aan

    Saxiib nahay lakiin waxaa xujo ku boqotay hadaad

    Dadkiina u naxayaaan maxaad CANSHURTA ugu

    Badan U siisan alshabaab laga soo bilabo degmada

    Xarardheere ilaa jowhar ilaa ganacsatadoda waxay

    Canshuurta siiyaan alshabaab mana ka hadli karan

    2 shilin oo dowlada amnigoda ku sugaysana wa nala

    Biisha iyo wawareey waa un siyasad iyo isbaaro

  16. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Waa su’aal fiican, waana midda keentay

    1967 in reer Muqdisho yeelaa,
    Madaxweyne Daarood ah
    Rasalwasaare Dir ah
    Guddoomiye Parliament Raxanweyn ah

    Maxaan ka dheefnay, Qarankii Qabiiloobey,

    Hadana waxaa taariikh ah inuu Xassan Shiikh xilka Villa Xamar ku wareejiyo nin Buug ka qorey iney Qalad tahey inuu ku guuleysto Kursi Doorasho ku yimid oo uu ka jeclaa Kursi xoog lagu heysto.

    – Waan fileynay iney wax hagaagan oo uu Farmaajo Fadhiisto Kismaayo, Hobyo iyo Boosaaso, waxaa Alle Xugmey inuu ONLY TAGEY HOBYO.
    LAAKIIN UU LUGTA DHIGI WAAYEY BOOSAASO IYO KISMAAYO.

    Mr BaHal
    Aabahey wuxuu ogolaadey Sidaan kuugu sheegey 3 masuul ee ugu sareyso oo uusan Hawiye ku jirin, laakiin Ciidan, Canshuur iyo Ciidooda la maalo 1967.

    Waxaan kaloo maanta ogolbahey sidii oo kale, ee bal adigu XABAD GALEY ah ka Keen Boosaaso oo dharigaan when ku soo dar.
    .

  17. Dabshid says:

    Canshuur, Ciidan iyo Ciid ninkii ku soo darsadey Maamulka Banaadir State – BARXADAAN HA UGU SHARAXO XERTA KALSHAALE.

    -HAG GROUP aan RASALWASAARE KHEYRE aheyn miyaa jiro, Nimaan Kheyre aheyn miyaa maamulo Canshuurta Xamar.

    – Jalmad iyo daboolkeed kala qaad qad, ileen adiga SHAAHA KUJIRO AYAA KUU DARANE.

    -AQLI LABO GAAWEETO

  18. Garqaad says:

    Hadaad aragto darood qaranimo u qeylinaayo qabyaalad ayaa ka hadashiineyso. Waa hunguri. Waa xigmad laga qoray. Awoowe jaamac.

    Waxa aad sheegeysaan hadeey idinka daacad tahay. Maxaa loo waayay hal shaqsi oo idinka mid ah oo yiraa dekadaha kismaayo iyo bosaaso lacagta kasoo baxdo. Dr beyle ha maamulo.

    Qabyaaladdu ha nolaato.

  19. Kalsame says:

    Dabshid

    Xamar nabad iyo xasillooni unbay u baahantahay sida kale ciirteedaa jugle, hadday Xamar xasisho oo ay dawladdu ka hana qaaddo maammul goboleedyadoo dhan iyagaa iska wada iman caanshuurta iyagoo gacantooda ku sida. Haddaba ha isku maqshquulin canshuurtee ku mashquul sidii Xamar loo xasilin lahaa dawladduna dalka ugu fidi lahayd haddaadan qorshe kale oo kuu qarsoon wadan.

  20. Dabshid says:

    Xerta Kalshaale

    Siyaasadda reer BARI waa HAL MID, oo aan waxba uga dambeyn

    Sidey isugu shacaan – Hiraab iyo Mariixaan
    Oo halkaas uga faa’iideysataan.

    @ Jabhad waxba hadaadin Jalfisada, hadduu xataa Farmaajo tago 2022 ninkale oo reer Diini ah ayaa meesha imaan sidii Saacid, ama sida Farmaajo.

    Farmaajo iyo Shacabka Xamar waa yaqaaniin SUNTA ABEESADA BARI.

  21. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Waar arinkan Cashuurta ee siyaasadaysan dadka ka daaya.Walee in aan faaiido laga gaadhidoon.
    Waar cadiifada iska yareeya.

    Oo awalba cashuurtan aad sheegaysaan yaa qaadan jray?

    30kii sano ee ina dhaafay yaa cashuurta qaadan jiray?

    Maxaa qasaare ah oo soo kordhay?

    Cashuurta Alshabaab ma diidi kartaan kkkkkkkkkkkkk

    Dawlad diid,Alshabaab,Ganacsade Cashuur diida ah.Hogaamiye kooxeed iyo Tuug isbarkan ayaa hogaamiya siyaasada Beelaha Hawiye.

    Waar Khayre siyaasadiisa raaca ,walee waa ni karmeed.

    Dalmida

  22. Zaki says:

    Dabshid

    Sxb horta Koonfut Fureheeda idinka ayaa haya idimkaana Dadka meheradiina ku Qurxistay ee meherada iska Qurxiya oo meesha ka kaca oo Ha laydinka helo Gacan Ku haynta Dhulkii Koonfur oo dhan,dhaafa Caasimada oo Mideeya Dadka Dalku idinkala dhexeeyo.

    Canshuurta Kismaanyo,Baydhabo,Boosaaso waxa ka horraysa gacan ma kuugu jiraan?.
    Haa hadday tahay Cashuur waad ka heli,hadii kalena Nin Meel fog kasoo Qaylinaya uun baad Noqon,waxase Amakaag idinku Noqday Dad iskasoo Fadhiya oo Cuud,Ciidan,Metelaad Naftiisa dhaafsiisan aan lahayn!!!
    kkkk

    KALSOONI,GACAN KU HAYN,WAX-WADAAG.

    Haddii kalena Waxaad tidhaahdaan Reer walba ha bixiyo Mushaharka Raga u fadhiya Xamar,kuwayaga Maalintaasaa Xamar ugu Dambeysee
    kkkkkkkkkkk

    AMA LAGU DHEREG AMA LAGU DHACAN
    KKK

    SIDII AY WAX IDIINKU HAGAAGAYAAN YEELA.

  23. Garqaad says:

    Jabhad eboow.

    Xaguu ku danbeeyay ururkii sahal.

    Hallo jigjiga hallo gaarisa hallo garoowe hallo kismaayo.

    Qaranimada berigaas xaad u arki weyday.

    Ilowsha dhawaa ma umulaa.

    Waxaan ciil ka qabaa. Imaam dabshid in uu ku heeso farmaajo 4 sano ayuu villada joogayaa.

    Walaahi shaamuug ayaan la dhihi lahaa ee imaamka iga horleexsho.

    War xukunka villa somaliya ma geysaan. Ee mar kale haku soo qaldamina.

    Dowladda in aan noqdo ayaan rabaa waxna dhiibi maa. Aduunka kama sheqeyso

  24. Jabhad says:

    Garqaad

    Eebow yaan la isku dheelin maxaad canshuur dhibta

    Dhulkadii alshabaab ayaa canshuuta ka qaada wad

    Ogtahay xamar oo xogii somali isugu tegey lagu

    Xoreyey xogaga laga qado LIGLIGA haysata war

    H,A,G siyasada canshurta bedela waa fashil nin

    Reer xamarka cad cadka ah ayaa laga hayaa

    INA GODANE haduu hawiye xukumay oo canshuur

    Ka qaaaday maxaa ii diidaya ana inaan XUKUMO

    War ku daba fayla KHAYRE si ay u badbadan inta

    Nool

  25. Kalsame says:

    Dabshid iyo Bahal

    Aniga sida ay ila tahay wax walba oo qaldan way hagaagayaan marka ay Xamar xasisho oo ay dawladdu ka hana qaaddo, meesha ay ka fadhido waa Xamar, dawlad Villa Soomaaliya lagu oodeeyay siday ula xisaabtami kartaa gobollada ama sharci iyo nidaam u geyn kartaa meelaha fog fog?.

    War yaan bahasha meela kale lag doonine halka ay sarto ka huyacday ha la abbaaro oo ah Banaadir iyo labada Shabeelle dawladdu ha ka hirgasho, ka dib baa lala xisaabtami Deni iyo inta kaleba oo waliba lama baryi doonee keenaa la odhan furayaasha Madaarrada, Dekedaha iyo dhammaan |Hantida qaranka Canshuurtana laga qaadi, dalkuna yeelan maaliya iyo dhaqaale habaysan oo cid walba qaybteeda ka dhiibato dibna loogu dhiso dalka.

    • mo says:

      kuligiin runtaad ka gabanaysaan anaase idiin caddeyn.

      Xamar mushkiladeedu waa sidan: Dowladdii kacaanka oo lhaladaad badan samaysay laakiin 20 Sano gudahood waxqabad baaxad leh ku tallaabsatay. waa la dumiyey sababna waxaa looga dhigay waa dowlad Daarood, hagaag; waxaa xigay in dad badan oo daarood ahaa lagu laayo xamar intee kale iyo soomaalidii kalena iskaga qaxaan. waxaa xigay in hawiye isku billaabaan oo magaaladii burnout yaan. waxaa xigay in hawiyihii reer magaalka ahaa iyana qaxaan: waxaa ku soo haray hawiye intii ugu cawaansanayd noloshooduna ay noqotay in ay is diirtaan saasayna ku jireen muddo dheer. waxaa xigay maxkamadihii oo wax yar oo rajo ah muujiyey laakiin balo waxay dhacday markay ku hanjabeen sidii dawlad xoog leh in ay addisabeba qabsanayaan, waxaan isweydiiyey malaha itoobiyaankay hoosta kala shaqeeyaan waayo waa intey itoobiya rabtey saasayna ku qabsatay. waxaa caddaan ah in hawiye aysan ahayn dad dowladnimo u diyaarsan! hadday dowladnimo rabaan waa horay iska qaban lahaayeen kuwooda dowladnimada diidan. aniga waxay ila tahay in dowladdu ka guurto xamar oo ay u guurto magaalo yar oo ay sugi karto amnigeeda, kadibna ay ku dhaqaaqdo dhisidda dalka intiisa kale. dowladda dhaqaaleheeda iyo awoodeeda waxay isugu gaysay xamar, maamulkeeduna ma dhaafsiisna wadada maka al mukarama!!! oo aan ognahay inta qarax ee bishii ka dhacda. ma waxaasaa dowlad lagu sheegi karaa ??? waa dad habeen iyo maalin been isku maaweelinaya.

      Dal iyo dad baab’ay !!!

  26. Land of Punt says:

    Xamar godka aakhiro ayey u duleeshaa, waxwalba ku gur walle in dharjin karin.
    Halaga guuro Xamar, aniga oo ku dhashay hadaan gaari soo salaami waayey 30 sano ma caruurtayda oo weligood arkin ayaa u xiisin.
    Deni danbaa baday in gobolkiisa nolol u raadiyo.
    Hiraab bililiqo ka doortay qaranimo iyo Iidoor maqas u sita in lagu kala guuro oo Deni dhexda ugu jiro, dee wadadee u furan aan ahayn dadkaaga nolol u raadi.
    Ninkaan dhulkiisa dhisan karin eey ha cuno.
    Vivo Dhul Udug😗

  27. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Hadal culus oo Garqaad ku tiri waa ka helay= Yasida reer Garas Baaley iyo gobonimada aad u hayso Buloxaar..kk
    Garqaad wuxuu noo dheegay reer awoowe u yihiin Isaaq xitaa u malayn maayo in fir u galay…
    Darood iyo Isaaq ayuu mid fulaynimo uu ka qabo kan kale mid u raacay sida Dabshid..
    Kkkkkkkkkkkk

  28. Mo says:

    iidoor iyo majeerteen waxay daba ordayaan
    Dubai oo wata boorso madhan, imaaraadka waxaa wali shidaal soo saara waa abudabay, intooda kale waa horuu ka fhamaaday, dubabai waxay isu baddashay dullaal ka qadhaabta dunida sadexaad.
    daliilna waxaa kuugu filan jabuuti oo markay ogaadeen in nimanku boorso madhan la wareegayaan waa kuwa iska caydhiyey, kadibna maryoolayda habsaantay bay riwaayaddii usoo wareejiyeen,




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page