Cabsi lasoo daristay Ilhaan Cumar kadib Muuqaal uu baahiyey Madaxwayne Trump

Muqdisho ( Kalshaale ) Ihaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aamusin doonin ka dib markii ay cambaarayn xoog badan kala kulantay qaabka ay uga hadashay weerarkii daaraha Maraykanka lagu qaaday bishii Sabtembar ee sannadkii 2001, dadka aadka u dhaliilayna waxaa ka mid ah madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha.

Hadal-qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump.

“Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey Ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda.

Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    OO KALSHAALOOW DUNIDA & SHACABKA USA-ba WAA OGYIHIIN IN WEERARKAAS AY KA DANBEEYEEN:-
    GORG W.BUSH-kii yaraa.
    DIG JENI.
    RAMASFIIL.
    NATENYAHUNA DAAQAD UDHOW KADAAWANAYEY.
    KU QOR YOU TUBE:-
    ISRAEL DID 9/11.DABADEEDNA FIIRSO.
    DONALD TRUMP ISAGA
    LAFTIISAA LAHAA XILIGAAS 9/11 WAA IN SIDE JOB.
    19 WIIL EE HIJACKERS-ka AHANA QAAR NOOL OO FAAFAATINAYA DUNIDAN BAABA LASOO HELEY BACDA 9/11/2001.
    KU YOU TUBE:-
    19 HIJACKERS STILL ALIVE & WEL.
    CALA AYI XAAL DONALD TRUMP WAA OGYAHAY WIXII KA DANBEEYEY 9/11. DIB UFIIRSO DOODIHIISII & WARAYSIYADIISII INTII AANU NOQON MADAXWEYNAHA.
    ISRAELI FINGERPRINTS ALL OVER 9/11 ATTACK.
    ISRAELI DID 9/11 & IN SIDE JOB.
    ANTI MUSLIMS AGENDA.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    KU QOR 6-daan Qodob YOU TUBE AMA GOOGLE OO FIIRSO:-
    1)ISRAELI DID 9/11.
    2)ISRAEL FINGERPRINTS ALL OVER 9/11 ATTACK.
    3)KEN O KEEFE:ISRAEL DID 9/11.
    4)DONALD TRUMP SAYS:9/11 IN SIDE JOB.
    5)19 HIJACKERS STILL ALIVE & WEL.
    6)OSAMA BIN LADEN STILL ALEVE (BAHAMAS).
    DONALD TRUMP WAXAAN LEEYAHAY ARE YOU HATE MUSLIMS!? GO FUCK YOUR SELF.

  3. Mo says:

    Ilhaan guul bay soomaalida usoo hoyisey, waxaanse
    la yaabanahay cidda la talisa, waxay u egtahay ama u muuqataa in dad dano kale lihi ku adeeganayaan.
    iyadoo soomaaliyad ah maxaa ka khuseeya arrimaha yuhuudda iyo carabta iyo waliba september 11, ma dad soomaali ah baa weerarka fuliyey? waa maya iyadoo siyaasadda socod barad ka ah maxaa arrimahaas aadka xasaasiga u ah dhex geliyey? soo yaab iyo amakaag maaha.
    haddii lagu colaadiyo arrin soomaali khusaysa dhib ma lahaateen!!! marka dee bal adba !!!!

    Waxaa la yiraahdaa dadka waxaa ugu caqli badan
    qofka dhagaysiga badiya hadalkana yareeya, dhagaysigu waa sida adoo daraasad samaynaya, fahamkaagaa badan,

    Soomaalidii horena oo ay iska caddahay in ay kuwa maanta jooga aad uga caqli iyo xigmad badnaayeen
    waxay ku maahmaaheen “ af daboolan waa dahab”




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!