MUUQAAL: War cusub oo kasoo baxay Xafiiska R/wasaare Khayre iyo Kulamadii uga socday Maraykanka

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, mudadii uu joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo kala duwan la yeeshay dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID, waxayna isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa isla qiray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha, iyadoo Soomaaliya buuxisay shuruudahii ilaa hadda looga baahnaa barnaamijka geedi-socodka dayn cafiska ee ay hay’adda lacagta adduunka korjoogtayso.

Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyn-cafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay in dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaadhay dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Si dhaqaalaha dalka loo hormariyo, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyn-cafiska.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Mr BaHaL says:

    Lacagta la soo furidoono ee aduunku siindoono Somaliya,waa inay diidaan Reer Muqdisho.Waa inay yidhaahdaan – lacagta dadka Somaliyeed ha loo qaybiyo.

    Reer Muqdisho eeyarbay iska dhuuqidoonaan lacaga soo socda.

    Waan ogolahay ina cssimada lay noo hagaajiye la socda.

    Ha la baxsanina lacagtaasi sida Dabagaalaha.
    Dalmida




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!