MUUQAAL: Xildhibaan ubax Tahliil oo Khudbad Taariikhiya Jeedisay, Soona Bandhigtay Sirta Xildhibaano Mucaarid Ah Iyo Xaalada MUQDISHO ! [Daawo]

Muqdisho ( Kalshaale) Xildhibaan Ubax Tahliil oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa Jeedisay Khubad Taariikhi ah ooo ay kaga hadalay xaalada dalka Gaar ahaan magaalada Muqdisho iyadoo Farta ku Fiiqday Xildhibaanada Muraacidka ee dhibaatada ku haya Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dalku wuxuu soo Maray Marxalado kala duwan,  Mar waxaa jirtay in Makka Al-mukara aysan Baabuurta Marin,   Dhibaatada aynu soo marnay ee Gacmaheena aynu isku gaysanay , Maanta way ka wanaagsan tahay Shalay, Waa in gacan Bir ah looga Qabto kuwa dadka Laynaya”

“Waxaan ka xumahay in Anagoo Xildhibaano ah inaanu dadkeena Kicino, oo dhibaato Abuurno, Waxaad ogtihiin in Qaar kamid Xildhibaanadu ay Xisbiyo ku Jiraan, Marka  Nin Xisbi sheegtay Miyuu Rabbaa Dawladda,  Miyuu Rabaa Nabad inay Jirto, Miyuu Rabaa inuu wax Wanaagsan Sheego,  Waa MAYA !  Wallaahay waxaan ogahay in Habaynkii ay dhamaantood Taleefano Dirsadaan “ Ayay tidhi Xildhibaan Ubax.

Waxay ka hadashay Horumarka ka socda muqdisho iyadoo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan Nanbadda oo aan la khalkhal gelin.

“Maanta Ninkasta oo Tamartiisu tahay inuu wax dhisto Daartiisa ayuu dhistay, Canshuurta la qaadayo waxaa wax loogu qabanayaa waa idinka,  oo la idiinka Qabanayaa Kuwa idinku soo duulay,  Xildhibaanka dadka kicinayaa Nin ladan oo  Berri Boorsadiisa Qaadanaya.”

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 27)

  1. Guulwade says:

    Xildhibaano. Waxa jira aan donayn in caasimad noqoto muqdsho. Oo uhaysta hadii muqdsho nabad noqon in iyaga wax noqon ayaan. Waase lagu kalatagI. Nin walba rerkiisa ha aado. Safarada ha .beesha hawiye malaha ee ha iska tagaan bal in muqdsho casimad ahaa to. Waayo gabdhan way kacaqlibadan tahay kuwa badan oo.mucaarad ku ah dawlada.

  2. Jabhad says:

    Sida cad wadankenu wuxuu wajahaya xaaladii ugu

    Adkayd ee isbedel AMNI iyadoo markan xooga la

    Saarayo in la helo cidan QARAN oo somaliyed o ka

    Koban dhaman shacabka somaliyed isbedelka

    Socda ma fududa lakiin waxaa muhiim ah in si wada

    Jir ah loo fuliyo lana ilaliyo wada jirka shacabka

    Waxaa xaqiiq ah hadii amni sugan loo helo Xamar

    In somaliya oo idil xalkeeda la helay waxaa kaloo

    Muhiim ah in la ilaaliyo jiritanka qarankeena oo aan

    Fursad la siin UGUS iyo dalalka aan rabin in somalia

    Cageheeda ku istaagto

  3. Dabshid says:

    Dhibka Soomaali ka jiro waa Federaal beeleed ay soo abaabushey Ethiopia.

    Qarannimo buuxdo maahan in maamulka Banaadir State la wada kortaagnado, waa in marka hore la mideeyo goboladdii Koofu, ka dibna la wajaho sidii dib loogu mideyn lahaa KOOFUR iyo WAQOOYI.

    – Qaran mise Qaraab

  4. Dabshid says:

    Ninka aaminsan inuusan Farmaajo u goynkarin shati doomaha ka ksluumeysto Boosaaso, hadana rabo inuu magac Qaran Guno ugu helo Canshuurta Xamar soo maahan Labo Gaawerto.

    – Qaran buuxo, mise Qaran Gaaweeto.

  5. Garqaad says:

    Xildhibaan ubax tahliil. Waan xishmeynaa.
    Laakiin uma muuqato dhibaatada shacabka ku dheceyso ee waxaa u muuqdo xildhibaanada iyada la midka ah ee ay kala aragti duwan yihiin.

    Xildhibaanadu maaha in ay ayagu isku mashqulaan ee waa in ay ku mashqulaan shaqada adag ee hortaalo.

    Awoodi wexey ku jiraa gacantooda. Waa dadkii la xisaabtami lahaa golaha fulinta.

    Waa dadkii la xisaabtami lahaa madaxweynaha.

    Ayagii ayaa laysku diray. Si aysan ula xisaabtamin golihii fulinta. Halkaa waxaa faa.iido weyn ugu jirtaa golaha fulinta iyo madaxweynaha.

    Sharciga wax hallaga bedelo. Qof xildhibaan ah hallaga mamnuuco wasiirnimo.

    Musuq maasuqa ugu weyn waa xildhibaan wasiir.

  6. Mustafe Daacad says:

    Dhamaan waan idin salamy.Xildhibanadan waan hambalyeynya wana geesiyad hadalkeduna wuu cadyahay,Dadka inta noool nabad haloo daayo bedn maha .
    Dawlad an lala shaqeyneyn maha Dawlad kuwa mucaradka ah dantooda ayey wataan.
    Dhibku waxuuku dhacaya mar walba waa shacabka wana iney ogadaan in dantoodu ku jidho nabada bes.
    Xildhibanad Ubax ragg badan ohadlay iyadaa dhana wana sax in Barlamanka o dhan dumar laga dhigo waayo raggu waa wada kursi doon iyo dantoda iney eegtaan wbt.

  7. Mustafe Daacad says:

    Dabshid
    Wanku salmay.Adiga aqligaagu madhafo canshujr aya lauga qaata intaas o sano bal sheeg halka canshuur lagaga qaato anigu waxan ahey puntlander xitaa hal wiil o schoolarship ah kuma helo magaca dawlada slmaliyed halka adigu aad qaadatid dhamaan,Mashariic Ciidan Schoolarship lavag kaash ah adigoo casumadii haysta madaxdii haysta dhaqalaha l dhana u dadkaga dib ugalo ayan anigu leyahay haku qabooben bal in nabad yar ama wax dawlad u eg lahelo balse adigu waxna weyku deeqi wayeen dawladna marabtid.
    Dhibja kuhaysta waxa wayee waxad ogtahy rerkagu ama adigu inaad guryo xarana haysatid o hafii dawlad lahelo laga qadayo maxkamana lagusooso tagayo marka Dawlad marabtid e waxay kuugu badisa dadku iney dhamadan nidaam iyo kala danbeyna lahelin ogoow manta hadii laka dhaqaaqo cida koow hubka isku qaadaneyna o aan ismamuli karin wacna isku ogolayn waa rer muqdisho.
    Canshuur cidka qadata maleh isku xishold o calacalka beenta ah iska dhaaf guriga ad haysatidna iskaga celi maskinki lahaa wala dhimanaya tan danboy daran xogaaga amin iyo xalasha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkķk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Mustafe Daacad says:

    Garqaad sln sare
    Besha Hawiye wax walba waan udeynay dawladi i dhan casumadii madaxdii dalka hadana rerka qura e maanta cabanaya waa iyaga intay islayaan ayey leeyhiin farmaajo iyo kheyre ayana layey kkkkkkkkkkkkkkknkkkkkk labo mid sogala rer xamaroow isku taga.
    1 inan kala dhaqaaqno iyo inaad qaylada iska deysaan manta wax walva idinka gacanta idinku jiraaan.
    Somalida kame maxay haystan waa waxba adiga aya ayaa leh taliye dabke agaasime ilaa kan qashinka gura hada adigay oohintu kaadhamtay yaaab kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Hawiyow adiga iyo jarjarladu waxad noqoteen hasha cunta o cabaada somali cidkasta ha ahaato hantidoodi iyo beerahoodi waad haysatan waxadna ku haysan qabiil ayaa naloo shegtay kkkkkkkkkkkkknkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Dabshid says:

    Mustafe

    Soo adeerka Faroole maheyno, maanta hadduu odayaasha howl gabkaa iyo dooli iyo doorshaan ay guno ku helaan Hargeysa anigoon canshuur iyo Tabac ku darsan,

    Waan u mahdinlahaa kana xishoon lahaa reer Hargeysa

    Laakiin Dabato maleh mahad celin.

    * Naga Xishooda Faroole iyo Jurile ayaan heynaaye.

  10. somalijecel says:

    Acww:Ubax tahliil xog badan ayay haysaa.
    1-Xildhibaano telphone dirsada dadka kiciya qabiil addeegsada kkkk 2019 ayaa isku bedeshay 1991
    2-Dalal shisheeye oo lacag looga qaatay in amaanka faraha ka baxo illaa iyo hadda Emarate iyo Kenya ayaa la xaqiijiyay.
    3-Kooxo danlay abaabulan bal inoo sheega marka dal dadkiisii sidaa yahay sida uu nabada u heli karo?
    Sida la ii xaqiijiyay qaraxyada shabaab ay fuliyaan waa yar yihiin.Haddii dawladdu tilaabo qaadi lahaydna reer qansax ayaa loo socday qofkii la xiro MP iyo oday baa idaacadaha ka qaylinaya kkkkkk
    @Dabshid Xamar haddii ay degto waxaan aad ku qaylinayso ma jirayso bal wakaase xal muqdisho keen?sidoo kale muqdisho canshuurta laga qaado iyaday dib u gashaa oo lagu dhex cunaa balse wixii caawimo magac Somali lagu soo helo muqdisho ma dhaafto sidoo kale canshuurta muqdisho dad gaara lagama qaado maanta muqdisho ma ahan muqdishadii 1991 maanta ayay ka qurux badan tahay sidaan bayna ku fiican tahay kuma qurxan tahay aan u dayno.

  11. Baaruud says:

    Jaahilnimadii ugu weyneyd baa halkan ka dhacday, ma tanaa dimoqraadiyad loo wadaa oo doorasho qof iyo coda lag rabaa, bal hadda hadalka xildhibaanka u fiirsada: Waxaad ogtihiin in Qaar kamid Xildhibaanadu ay Xisbiyo ku Jiraan, Marka Nin Xisbi sheegtay Miyuu Rabbaa Dawladda, Miyuu Rabaa Nabad inay Jirto, Miyuu Rabaa inuu wax Wanaagsan Sheego, Waa MAYA !

  12. Ali Zubeer says:

    Waar maamadu runta ayay qeexday/

    Waa dal dumarkii ka roon yihiin rag badan.

    Dabshid

    Waar Xamar ma adigaa iska leh. Miyaad ka xigtaa Soomaalida kale. Adeer naga daa canshuur baa la cunay iyo Cali baa lala xammaashay. Xamar waa caasimad Soomaaliyeed iyada iyo Somaliya oo dhan Sooomaali baa leh.

    Xamar haddii ay degto dan baan u cantuugi doontaa cashuurta Hargaysa, Kismaayo iyo Boosaaso ee hadal tirda dhaaf

    Haddii kale waxaan kuu aqoonsan doonaa qaswadii lixaad ee CC shakuur, Yalaxow, C cabdirashid, Mahad Salad iyo Fiqi

    kkkkkkk

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  13. Baaruud says:

    Ali Zubeer,

    Haddii ay Somali oo dhan leedahay Xamar markaa waa in cashuurta Jigjiga, Gaarisa iyo Jabuutina lagu soo shubaa Xamar

    • Ali Zubeer says:

      Baaruud

      Bro Asa

      Waa hadal fiican laakiin Soomaalidu waxay tidhaa oodo dhacmeed sida ay u kala sarreeyaan baa loo kala qaadaa.

      Bal inta aynu ka xoreynayno Jigjiga iyo Gaarrisa ama plankeeda la imanayno inta soo hadhay aynu yab yabno.

      Umalayn maayo inaad leedahay imminka Jabuuti canshuur halaga soo qaado ama hala xoreeyo ama Xamar beel baa leh.

      Viva Soomaaliwayn
      Down all Somali traitors

  14. NUURKANEDERLAND says:

    CARMAL YAHAY
    GAROOB YAHAY
    WAXAAN KAA CODSANAYAA
    QARANKANA HA CEEBAYN
    CALANKA HA SHAASHAYN
    IYADOO CUSBURATOO
    WALIBA CUUDNA SHIDATAY
    ISIS SOO BIKICISEE.
    CUUD BAA KU JAQAYEE
    FULI CAADADAADII.

  15. NUURKANEDERLAND says:

    JACBURKII HADRAAWI.
    CARMAL YAHAY
    GAROOB YAHAY
    WAXAAN KAA CODSANAYAA
    QARANKANA HA CEEBAYN
    CALANKA HA SHAASHAYN
    IYADOO CUSBURATOO
    WALIBA CUUDNA SHIDATAY
    ISA SOO BIKICISEE
    CUUD BAA KU JAQAYEE
    FULI CAADADAADII.

  16. C/Raxmaan says:

    Midkastaa oo u RUCLEYNAYA qabashada kursiga Macangagweynaha waxuu nagu soojiitaa erayadan :
    01) Waxaan dhisidoonaa ciidan isku dhaf ah.
    02 ) Waxaan sugidoonaa amniga.
    03 ) Xisbiyada ayaan sharciyendoonaa.
    04 ) Doorasho q & C ah ayaan horseedidoonaa .
    ___
    Dastuurkoo loo codeeya iyo arrimaha gobolada Waqooyina way garabsocdaan sharuudahaas. Lkn marka horeba kuma dhiiradaan , waana wax fiican iney ka aamusaan . Afarta qodob ee kor ku xusan oo ay ku wardiyaan Macangagweynayaasha Soomaaliyeed midkoodna ma fuliyaan .

  17. Garqaad says:

    Somalidu isuma runta sheegto.

    Hadii loo sheegana ma qataan.

    Aderayalooow. Markaan wax ku qeybsaneynay4.5 xisaabka kuma jirin inta dalku ka degaayo canshuurta xamar halla wada cuno.

    Tan kale dekadda kismaayo iyo bosaaso wey sheqeyaan. Hadii wax laga qadaayo.

    Dalka waan wada leenahay ee aan xisaabtano.

    Darood wuxuu barlamaanka ku leeyahay 61 kursi. Hawiye wuxuu ku leeyahay 61 kursi.

    Madaxweynihii waa darood raisulwasaarahu waa hawiye.

    Sidaan kuraastaas ugu simanahay. Aan ugu sinaano canshuurta iyo ciidanka qaranka.

    Canshuurta xamar waa lawada leeyahay. Midda kismaayo iyo bosaaso waa lakala leeyahay waaye warka darood.

    Xamar 1991 oo kale maaha. Laakiin farmaajo kama dhigin ee ragbaa hortiis ka dhigay kuna wareejiyay furaheeda.

    Hadii
    Suudi yalaxoow mahad salaad fiqi iyo cabdi shakuur. Mooryaan yihiin.

    Farmaajo faroole ina cabdi rishid. Axmed madoobe. Xidig. Waa mooryaan kuwaas la mida.

    Dulqaadku maalin ayuu dhamanayaa.

  18. C/Raxmaan says:

    Sidaasoo ay tahay kuwii shalay ka degay iyo kan maanta haya xilka dhamaantood waxay u MICIYOLISANAYAAN OO UMALAFSANAYAAN iney markale BADHIDA aka barida aka salka la helaan kursiga Villa Cirka aka Villa Somalia . Maxaa naga qaldan waa yaabe ?

  19. C/Raxmaan says:

    Siday ila tahay aniga ma jirto cid isku dayday iney samatabixiso dalkan . Soomaaliya magaceeda waxaa Lagu cunaa balaayiin , madax-kusheegtana waxaa masaruufa kuwa kusoo qaatay mashruuca. Haddii ay Soomaaliya meelkamid ahi ay noqoto nabad waxaa qasaaraya LAQMADAYAASHII sooqaatay qandaraaska halaagga umadda Soomaaliyeed . Waxaase aan la yaabaa shacabka kala taageeraya SAWIRADA la sura Villa Somalia . Si kale oo waadix ah hadaan u dhiga : Xasan Sheekh Maxamuud waxuu ahaa sawir suran Villa Somalia ! Farmaajona waa SAWIR suran Villada. Inaguna sawiradii ayaan ku dhaaraneynaa iney yihiin dad nool-nool oo waliba kala caaduba SANAMYADA kalayaala Xaradheere iyo Cabuudwaaq.
    ___

    Halka uu SANAMKA Hargeysa soo dirayo qasiidooyin iyo foox uu madaxa isugu galinaya ASNAAMTA-KOONFUREED.

  20. C/Raxmaan says:

    Xamar iyo Baydhabo gadiid = Dayuurad.
    ——— Marka———- = ——–.
    ———-B/Weyne——– = ——–.
    Laba madaxweyne iyo 8 sano ! Inkir ama akhbal . Kan soosocdana waa kan najecleysiindoono FARANJIGA = Last Call for PATRIOTISMUS. Ashahaadada qaybteeda hore ayaan ku shigshignay oon wali ku celcelineynaa ! Halka u Shaydaankuna na leeyahay kugu filan ! waayo reer hebelkii aad necbaybaa u gudbay dhanaca Kale ee ashahaadada !

  21. Mr BaHaL says:

    Dabshid iyo Garqaad
    Hadii runta laga hadlo waa hore ayaa la gaadhi lahaa meelaha aad sheegaysaan,laakiin adinkii ayaa u seeto dheeraynaya ragaa jooga Tulooyinka ee Tuugta ah.Waa hore ayaa mijaha laga soo xidhi lahaa hadaad dawlad ka daynlahaydeen buuqa,iyo dagaalka.

    Hadalkan Cashurta ee aad ka hadashaan waa hadal lagu kiciyo wax ma garata e joojiya.

    Wax badan oo aanay helin meelaha kale ayay helaan Reer Muqdisho;Caawimo aad u badan.Aadna waa loo dhisaa,Dikada Muqdisho,Airporka iyo Laamiyada.Waxaa waxay ku heshaa Magaca Somali ee baladhaaan.

    Sheekada ka daaya sidan aad u wadaan.

    Saa dadkii waxba garatadii ayaaba u qaatay in la cunayo wax ay iyagu leeyihiin.

    Website Caasimada ayaa Wasiirka Bayle shaqo ka dhigtay waa sii horaysay.

    Xamarbuu cashuuraa,Borama waxba kama makeenikaro,nacanac hadal meel waayay.

    Maalin ayaan u diray Emaail.

    Waxaa ku idhi:Ma Formaajo ayaa Caabud waaq ka keena cashuur?

    Ma Jamaalbaa Cashurka keena Badhan?

    Ma Maareeya ayaa cashuurka keena Fuckingstreet?

    Maxaad Bayle gaar uga dhigaysaan?

    Bal jawaab i soo siiya.

    Waxaan u sheegay in Qarniyadii,12naad iyo 13naad degaana Somalida laga biilinjiray Zeylac.

    Waxaan u sheegay in Masaajidka ugu da’da wayn Muqdisho iyo sguuladii wakhtigaasi laga maal galiyay Dikada Zeylac.

    Meelkasta oo la joogo iyo wakhti kasta oo la joogo waa inay jirtaa meel lagu arooro ama meel lagu kulmo oo hooyo u ah nololsha lagu jiro.

    Maanta Muqdisho waxay Hooyo u tahay Ummada Somalieed.Wanaageeda waa wanaaga Somaliyeed.Xumaanteeda waa Xumaanta Somaliyeed.

    Waa yaabe,ma bilaa Hooyo ayaan noqonaa?

    Anyway Caasimada online way joojiyeen sheekadii ay ku durayeen wasiirka.

    Haatan Muqdisho waa Hooyada Ummada Somaliyeed.

    Nagama sheegan kartaan Hooyadeen oo ina wada dhashay.

    Waar Caruur qalqaaliya ha nagu noqonina.

    Dalmida

  22. somalijecel says:

    Kkkkkk war canshuurtaan waad naga waasheene ma reer kaliya bixiya?malaayiinta magaca Somaliyeed lagu bixiyo xagee aadaa?wali ma aragteen waddo airport deked waddo loo dhisay gobolada?lacagtaas muqdisho ayay gashaa dhibna ma leh waa our capital cid iska leh ma jirto.
    Dekedahaan aad akhyaarey ku celcelinaysaan waxaa hortaagan in canshuur laga qaado siyaasiyiin iyo maamul goboleed waana og tihiin xaqiiqda jirta ee hortaagan sida ciidankii qabiil la rabo in lagu saleeyo akhyaarey afkaar qabiil qaran laguma dhiso
    Waxaan ka hadlaynaa caqliga inuu shaqeeyo qof dhihi karo dad gaar ah ayaa mooryaan ah kkkk caqliga meel ay kaga taal ma jirto nidaam la aanta dan u ma ahan dalkaan,sidoo kale caasimada karaamadeeda cayaarta ka daaya tuulooyin la mid ma ahan kumana gorgortami karaan reer siyaasiyiin koox iyo beelo gaar ah.

  23. Baaruud says:

    Ali Zubeer,

    Mar haddii dastuurka la wadwadaa qorayo in qof kasta oo Somai ahi, ama af Somali ku hadlaa, yahay muwaadin reer Somalia ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxweynaasha Jabuuti iyo Kililka 5aad, markaa qof kasta oo Somali ah am af Somali ku hadlaa ha iska soo dhiibo cashuurta ku waajibtay. Ha biqlayso Wallee dawlad baan sidaa lagu noqon,

  24. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Mudane BaHaL, Beeldaaje C/Raxman gacanta soo qabo WAXAA iiga muuqda liqliqashe. *Kun faya kun ILAAHAY SWT ayyaa leh. *Mijo dhooqo midba marbaa la siiba. *KHAYRE waa milioneer, xooluu dhaco uma baahna. *BAYLE kiishkiisuu mashruucyo horumareed uga hirgeliyay Gobolka Awdal. *FARMAAJO waa xalaal quute. Aaway tuugi?. *Inti aad ku daba faylilahay-deen bey idinka shaqayn làyihiin. *Somalidu waxay jecelyihiin mid Gabdhahooda beec geeya & mid deeqdi ILAAHAY SWT kumannaystay ummadda Somali Gata sida ina C/Shakuur. WBT

  25. C/Raxmaan says:

    Axmed Somali asc mudane . Ma liiqliiqan ee waxaan eegay hareeraha , markaasaan misana eegay hawsha sugeysa Farmaajo iyo Kheyre iyo waqtiga u harsan . Qabyo ayey yiraahdeen kuwii hore , kuwanna maxay dhihidoonaan laba sano kadib ?

    Xamar waxay madaxweynewalba ku noqotay Kurtunkii HARAWSADAY mudane Cigaal Shidaad. Sorry dhamaantood isku xarig ayey ka garaaceen Kitaarka = Monotone.




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!