Daawo: Taliyaha Ciidamada oo Go’aan Culus kaga dhowaaqay Muqdisho kana hadlay Ciidamo dagaalamay [Muuqaal]

Muqdisho ( Kalshaale ) Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil ciidan loo xidhay isku dhacyo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Saraakiil ay u xidhanyihiin falalka Ciidamada ka dhex dhacay, Wuxuuna  xusay in saraakiisha xabsiga la dhigay lagula xisaabtamayo waxyeellada ka dhalatay dagaal Ciidamo Milatari iyo Boolis ah Muqdisho ku dhexmaray labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dagaal Milatari iyo Boolis u dhaxeeyay ayaa Jimcihii ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Sidoo kale Shalay oo Sabti ahayd Ciidamo u kala baxay Milatari iyo Booliska ayaa ku dagaallamay Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Warta Nabadda,waxaana halkaas ku dhintay labo qof oo shacab ah halka labo ka mid ah Booliskana lagu dhaawacay.

Dhinaca kale Taliya Ciidanka Booliska ayaa sheegay  in askarta dadka rayidka ah ku disha Muqdisho ay mas’uuliyadda la qaadi doonaan dadka ay waardiyayaasha u yihiin ama mas’uulka ka ah Askartaas. Taliyaha Booliska ayaa intaas ku daray in Askarigii shalay dilka geystay uu baxsaday ayna ku daba jiraan, waxaana uu sheegay in beddelkiisa uu xiranyahay taliyihiisii iyo qofkii damiinka ka ahaa markii uu Booliska ku biirayay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    EED MA LEH ASKARIGU SAA WAX DISHIBILIIN AHBA LAMA BARINE.
    GAARDIS & DIREYS LA GASHADO LAGUMA NOQDO ASKARI,
    ASKARIGU WAA QOF HUBAYSAN SIDAA DARTEED WUU QATAR BADAN YAHAY MARKAA WAXAA SI FIICAN LOO BARAA MASUULITYADDA SAARAN & KHATARTA UU YAHAY & XAQA SHACABKA & DAWLADU KU LEEDAHAY & XAQA UULEEYAHAY.
    LLKN WAXAAN ARKAA INTII DIRAYS LOOSOO GALIYEY IN SHACABKA LAGU SOO DHEX TUUREY OO
    LA DHAHAY HAYE SOCO HADABA ASKARI BAAD TAHEE QARANKA U ADEEG.
    FANKU MAAHA
    FOOKH LASOO KORAYO
    FARSAAMAA KA HORAYSA
    FARA BADAN!!!.




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!