Kulanka Baarlamaanka Somalia ee maanta Muxuu uga duwan yahay Kuwii hore

Muqdisho ( Kalshaale) Masuuliyiinta ugu sareyso hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo wasiirada Gaashaandhiga iyo amniga xukuumadda ayaa maanta hortagaya baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu ka duwan yahay kulamadii hore ee ka dhacayay xarunta golaha shacabka, waxaana ka maqan warbaahinta sida uu shalay shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan.

Kulanka maanta ayaa seddex arin kaga duwan kulamadii hore ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeelan jireen xarunta golaha shacabka, waxaana ugu horeeya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka mideysan yihiin in kulanka maanta uu ka dhaco golaha shacabka.

Arinta Labaad ee kulanka maanta uu kaga duwan yahay kulamadii hore ayaa ah inuu dhacayo maanta oo Axad ah, iyadoo kulamadii hore looga bartay maalmaha, Sabtida, Isniinta iyo Arbacada.

Arinta Seddexaad ayaa ah in kulanka la isku waafaqay inay warbaahinta Dibad Joog ka ahaato, iyadoo xildhibaanadii kulankii hore mucaaradsanaa aqbaleen inay gole xiran ku wareystaan laamaha amaanka.

Shalay oo Sabti aheyd ayaa Xildhibaanada waxaa ay dood adag ka yeesheen xaalada Amni ee dalka,iyada oo Xildhibaanada ay muujiyeen dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Kulanka Baarlamaanka ay goobjoog ka noqdaan Su’aalana la weeydiiyo, Wasiirka Amniga, taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. nuurkanederland says:

    OO BBC WELI MA CID BAA DHAGAYSATA!?.
    100% VOASOMALI BAA KA FIICAN.




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page