Fahad Yaasiin iyo Xildhibaano Su’aalo waydiiyey wax kala Qabsaday maanta

Muqdisho ( Kalshaale ) Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo kamid ah Masuuliyiinta Maanta ay Baarlamaanka Soomaaliya Su’aalaha waydiinayaan ayaa Xildhibaanada uga jawaabay illaa 3 Su’aal oo la waydiiyey.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Su’aalaha uu Fahad ka jawaabay ilaa hadda inkastoo ay weli socoto Su’aal waydiinta:

1 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Mushaarka Ciidamada Dowladda ee aan weli la bixin ayaa sheegay inay arrintaas tahay in wax laga waydiiyo  Hanti dhowrka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

2 – Kusimaha Taliyaha NISA oo mar kale loogu celiyay su’aashii mushaarka Ciidamada ayuu ka codsaday xildhibaanka su’aashaas weydiiyay oo ahaa Khaliif Cabdi Cumar inuu u keeno haddii uu jiro sarkaal aan xuquuqdiisa ka qaadan Hey’adda Nabadsugidda.

3 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Xarigii Mukhtaar Roobow ayaa sheegay  in aanu arrintaas shaqo ku laheyn oo aanay iyagu soo qaban, markii la weydiiyayna Maxkamad maxaa loo geyn waayay, wuxuu yiri Hey’adaha Garsoorka ayay quseysaa oo ay tahay in la waydiiyo.

4 – Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Xildhibaanada waxay waydiiyeen Jidadka Xiran ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku jawaabay inuu yahay go’aan ay gaareen Hey’addaha Ammaanka oo aanay si gaar ah u quseyn Nabadsugida.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Dabshid says:

    Ali Zubeer

    Salaan sare eebow

    Ma waxaad leedahey Maamulka Villa Xamar kama hadlikaro dekeddii Ummadda Soomaaliyeed ee Kismaayo, laakiin 4.5 halagu qeybiyo Dekedda LA MIDKAA EE XAMAR.

    1. QARAN SOOMAALIYEED = Somali Republic
    2. Maamul ku eg Goboladdii Greater Banaadir = Maamul Beeleed

    * Qaran buuxo mise Qaraab gooniya

  2. somalijecel says:

    @Dabshid kill waan ku salaamayaa in badan.Waxaan is weydiiyaa markii madaxweyne Xasan joogta doodaan ah dekedaha ma jirin maxaa hadda keenay?ma ahi dadka caadifaddu madax martay.
    Kismaayo/Bosaso sababta looga celcelinayo waa iska caadifad qaldan,ninkan ayaa qabiil la rabaa in looga cagta jugleeyo(abtiyaashay aan jeclahay HG)mana shaqaynayso nin aan tagi karin Kismaayo ayaa na leedihiin canshuur kuu ka keeno sow caadifad ma ahan?wali
    gay ma maqal intii uu xasan joogay .
    Dekedahaa waxaa canshuur laga qaadi oo kaliya marka ciidan qaran la help,ciidanka Gedo ama Bay ama Hiiraan ma ahan ciidan qaran waa ciidan beeleed,balse guri guntaa laga soo dhisaa maxaa maamul kastaa focus u saaraa caasimadaha?ciidanka dhisidiisa ayaa canshuur imo 11 senetor oo xamar ka mihiimsan CAASIMADA CID GOONI U LEH MA JIRTO AAN WADA DHISANO

  3. Dabshid says:

    Somalijecel

    Salaan sare eebow

    Labo arimood ayaad ku kuftey,

    Marka hore maadan joogijirin kalshaale, markaan dhihijirey – Xassanow hadaadan Maamulikarin Kismaayo oo wasiiradii loo doidey, kaa yeelimeyno inaad Canshuurta Xamar u qeybiso DOOLI IYO DOORSHAAN hoteelada Xamar jiifo, WALIBA U DAACAD AH MAAMUL BEELED KOODA.

    Sidaas ayuu ahaa Qoraaladeydii 2012 – 2017, hadaadan joogin Kalshaale waqtigaas waa caadi, hadaad markaas u aragtey GAR, hadana u aragto XAJIIN (Prof Samatar ) waa yeelkaa.

    See -2-

  4. Dabshid says:

    -2-

    Midda labaad Xassan iyo Farmaajo waxaa u roon Jufaba hadaan GAAWEETO GUNO u raadin, Farmaajo maxaa yeeley Xassan wuxuu dhihijirey – ma anaad i baadikartaan, manaad i garyaaceysaan .

    Laakiin Farmaajo waa dhinkaad taqaan dhankasto oo wuxuu leeyahey, armaad ku istaagtaa saqiir jiifo oo eed laguu raacdaa.

    RUNTA.
    Sxb Soomaali labo isku helimeyso, MAAMUL BEELEED sidaad ogeyd ugu shirahayey Ineysan hoos tagin Villa Xamar,

    iyo Labo Gaaweeto oo 4.5 lagu qeybiyo Maamulka Greater Banaadir State.

    * Waxaan XassanShiikh ka diidney kama yeeleyno qof kale, sidii Xassan ninkii u dhaqmana sidii Xassan ayow qulqulaa.

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Dabshid adeer, Maqribki ayyaan ka bixi jirnay XAMAR markaasan maqaayaddi UNTE Axmedey Hadaafow oo ku TIIL Jowhar ku soo qayili-jirnay Dabadeedna aroorti ku soo noqon jirnay Xamar BAL maanta waa kaase Orod oo Caliyaalo ku soo qayil (waa haddaad cunto) MARKAA waxaad ka hadashaa canshuur laga qaado Kismaayo & Ceel-buur. *War markii qabiil laga hadlayo muxuu caqligu idiin DAYRIYA?. *Adeer canshuurta ka soo qaad Caliyaalo Markaasa Kismaayo laga soo qaadiye. WBT

  6. nuurkanederland says:

    WAXAAN LA YAABAA KUWA U DOODA MUQTAAR ROOBOOW!!!!.
    ROOBOOW WAA DANBIILE SHACABKA & QARANKA SOMALIYEDBA DANBI KA GALAY WAANA IN LAGU CIQAABAA TAAS,MIDA KALE ROOBOOW KUMAANKUN OO DHALINYARO SOMALIYED AH BUU DUUFDSADAY,QALDAY,WAA NINKII KU FAANI JIREY QARAXYADII HOTEL SHAAMOW,WARSHADA HARGAHA.IWM.ROOBOOW IN LA CAFIYAA DANBI AH.
    WHY NOT? HE IS CRIMINAL…

  7. Jabhad says:

    Nuurkanederland

    Waa wax yaabaha dalkena uu hagagi la yahay

    Denbiile dalkeena la degey oo hadana la difaacayo

    Laga soo bilaabo 1991 ——2019 dadkii dalkaan

    Burburiyey qof maxkamad la keenay ma jiro waxaa

    Taas ka sii daran denbiile yaalka dalkeena jooga waa

    Lasii dalacsiiya oo darajooyin ayey helaan yacni

    Qaab belaysan ayaa lagu difaca hadan la. Helin

    Maxkamad gaar u ah dhagarqabasha dalkena joga

    Wad adkaani in la helo shacab sharciga ilaaliya




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!