MUUQAAL: Khudbadii MD. Farmaajo oo Ku dhaartay inay Gacan Bir ah wax uga Qaban doonaan kuwa diidan Dawladda

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa  Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhalinyarada ah oo Nin Askari ah maanta dilay, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan, Kuwa dhib u gaystayna sharciga la horgayn doono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn.

“Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

 “Mudaaharaad aaan sharciyeysneyn.. mudaaharaad lagu burburinayo hantida ganacsatada ma ogolaaneyno… argagixsiada waxaa u haray inay idinku soo dhex dhuntaan… dowladdaan Wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.. umadda Soomaaliyeed way socotay… hore ayaan u soconeynaa… shacabkeena ayaan u adeegeynaa…” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo ay ka muquatay inuu cadheysan yahay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka digay in Soomaaliya lagu celiyo dhibaatadii ay kasoo baxday, Wuxuuna sheegay inay Gacan bir ah wax uga Qaban doonaan Qaswadeyaasha kasoo Horjeeda Dawladnimada.

“Danley yeysan been idin sheegin… Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta.. annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustaqbalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.. Waxaan Alle hortii ku ballan qaadeynaa ciddii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Dowladnimada Soomaaliyaad iyo karaamada wallaahi gacan adag ayaan ku qabaneynaa…” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Farmaajo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 13)

  1. Laalays says:

    Armaajo hadalkiisa wuxu egyahay mid wiil yar oo naxsan. Baqdin iyo khal khal ayaa wejigiisa ka muuqda.

    Wuxuu ka baqay in sidii Omar al-Bashir Wiil Hiiraab uu villa Soomaaliya kala baxo!

    Baqdin.com

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Garqaad says:

    Madaxweyne farmaajo. Markuu la hadlaayay banaan baxayaasha waxaa hadalkiisa ka muuqato.

    Kaligii talisnimo.

    Adkaysi dulqaad yari.

    Ka damqasho la.aan dadkii dhibaatadu gaartay.

    Dadkii soo banaan baxay ee dadkooda gardarada lagu dilay. Wuxuu usoo jeediyay hadal Canaan ah. Wuxuu dariinsiiyay in uusan ka naxeyn dadkii dhintay. Laakiin ow ka xun yahay banaan baxa iyo meelaha ay dumiyeen.

    Sorry in uu sidaas ula hadlo dadkii dhibanayaasha ahaa.

  3. sOmalilander says:

    War waxa dhafoorka ka toogta nacalaayee…

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  4. Jabhad says:

    Madaxwayne farmaajo well done

    Waxaad la soo baxday kartidii lagugu dortay waxaan

    Ka helay hadalka ah DANLEY YEYSAN BEEN IDIN

    SHEGIN iyo HADALKA ah WALAHI GACAN ADAG

    AYAN KU QABANAYA CIDII QARANIMADENA. KA

    Hor yimaada xornimada iyo dowladnimada waxay

    RabTaa dhiranan iyo HOGAMIYE MAYAL ADAG oo

    Ku dhirada dib u yagleelida QARANKENA

  5. Guulwade says:

    Farmaajo alaah baa doortay. Waa madaxweyne. Ilashay keenay. Kii cadawad uqaban guul.ma garayo. Mashaa alaah. Jegaanta hajabto .dumarka jegaanta mashaalaah. Laakiin ragooda waxay doonayaan inay gabdhood a u xayaysiiyaan. Tikreega iyo oroma. Gabdhaha jegaanta. Waa dawlad. Geesiyaal. Laskin ragooda. Waadad jilicsan oo.bilaa tarikh. Gabdhohooda. Waxay jecelyihiinwiilasha darood iyo hawiye. Laakiin ragooda. Waxay rabaan inay uduleeyaan tikreega iyo amxaaro. Si ay ula tuntaan. Citiraafka beenta. Fadlan dumarka hargaysa yo burco imaada. Kismaayo iyo burco walaahay jaadka way karaysan. Way raxaysan. Habeenkii iyo maalintii. Guul dumarka hargaysa. Waxay neceen nimanka wawayn ee qabyalada lasoo taagan oo.marba meel ku duulay a. E jaadka shaqo kadhigtay. Ee tikreega isku dhadhajiya. Farmaajo guul alaah baa doortay alaah baa mahadleh.

  6. Kalsame says:

    Warku waa cadyahay, bahashu xiniinyay doontaye aammusnaanta jooji iyo iba-salaaxa. Soomaali nin aan indhaha galka ugala bixine ma hagi karo. Labadii sano ee ay Nabad iyo nolol aammusnayd waxay diyaarsamayeen ciidammada masaska cuna hadda waa waqtigii ilkaha biinsada/kalbadda la isaga siibi lahaa.

    Laalays mayla socotaa.. kkkk

  7. Garqaad says:

    Waa xaqiiq. ciidanka gobolka banaadir laga qoray waa ciidan beeleed. canshuurta banaadirna waa canshuur qaran isma qabato.

    Khudbadda farmaajo jeediyay. Wejiya badan ayey leedahay.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ah si. Cad ayuu alshabaab ugu tilmaamay.

    Wuxuu sheegay dalkaan in uu burbursan yahay 30 sano. Dowladdi siyaad barana aan dowlad ka danbeyn tiisa moyee.

    7 qofood ayaa dhimata. Wuxuu u tacsiyeey 2 qof oo kaliya inta kala waa inkiray.

    Bal aan arag. Hadii cirka laga doortay.

  8. Guulwade says:

    Alaah baa doortay. Nabiga muaxmad isku magacyihiin. Alaah baa jecel farmaajo waa nin ilaahay wadanka usoo diray iuu badbadiyo jegaanta. Aamina taas. Dhulka dhulbahante kabaxa. Walaahay inay daan ilaahay qofkii doorto lamsdagalsmikaratan xataa gaalada way ixtiraam. Waayo maxamed waxa layirahdaa waa magaca ugu fiican magayada caasimada guul farmaajo jegaanta tukreega waa tagay ee aamina farmaajo iyo ismaciil cumar geele. Juquraafiga hargaysa olaa gabileey 150 km. Berbera haka wareegina. Heesaha waxa kafiican juquraafiga dhulbahante. Maalinta uu isgarto harti waa labida gatama. Idoor calaacalka daaya. Rag iina xayaysiiyaan tikreega si gadhiina u guursadaan. Waxasa bilaa caqliya gabdha idoor waa nasab laakiin rag malaha. Jaadka kacararaan. Waa gabdho xabsi kujira. Waa in laxoreeyaa. Mustaqbalka. Wakaa muse waxa lagu haysta guri uu dhacay.

  9. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Anigu ma aaminsani inuu Garqaad yahay beesha uu sheegto SABABTA oo ah ma laha dhaqan Abgaal. *Abgaal waxaa lagu yaqaan; AhluDiinimo, Iimaan, Samir, Dulqaad, Marti soorka, soo Dhaweynta habaqlaha, Dulmi-diidnimo KUWAASO ka mida sababta uu uga gudbay Qabiil ee uu Qaran u noqday, Garqaadna arkimaysid isagoo WAXAAN dulmi & Shar ahayn ka shaqayna. *Aaway Ajuuraan? malaha waxay ku kaceen WUXUU Garqaad la damacsanyahay Abgaal. *Arrintaan ka harimaayo maadaama aan Jab & Cuqubo la doonayn Abgaal. *Malaha Dabshid wuxuu raalli ka yahay in XAMAR laga hayyaamo HADDA waa lagu soo hirtaaye. *Awoowe hadal. WBT

  10. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Qaran-diidkiyo!!! Farmaajo dariiqi caddee SEEFTI Khayrana wey idin sugaysa ALLAAHU AKBAR!!!. WBT

  11. sOmalilander says:

    HOCKEY TIME TONIGHT!

    Boston Bruins vs Toronto Maple Leave!

    The War on Ice!!

    Share Gif: https://media0.giphy.com/media/wAxlCmeX1ri1y/200.gif?cid=029136eb5cb288696f49443677d4c59f

  12. Garqaad says:

    Axmed somali.
    Igadaa baarlaxowsiga abgaalbaa saas ah iyo reer hebelbaa xun waa wixii aad dalka kusoo qaribeen rijiimkii kaligii taliska ee kusoo baray guul wadeynta.

    Muduloodku waa gobta somalida kofureed uma baahno in aad adigoo kale aad amaanto.

    Yaa qolo fogeeyay qolana soo dhaweystay. Ninkaan madarkicis arki Karin muduloodna ma jeclo. Igadaa beenta

  13. NUURKANEDERLAND says:

    FARMAAJO WAA HADLAY!!!!!.
    LKN MARAYKAN BUU NAGU NOQDAY,
    ALSHABAB WAA MARAYKAN.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    ANIGUNA SOOMAALI BAAN AHAY LA GADAN KARIN,LA YEELAN KARIN,QABYAALADNA MAYA.




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page