MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !

Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, Wuxuuna Xanaansanaa Alle ha Caafiyee  Muddo ku dhow 10-Sanno.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadaba Qisada Cajiibka leh ayaa Noqotay inuu  Xafiday Qur’aanka Kariim ah, Weliba Labadii Sanno ee ugu dambaysay, Wuxuuna ka waramay taariikhdiisa iyo  Waayihii kala duwan ee uu soo Maray.

Maxamed ayaa sheegay   in Aabihii iyo Qoyskiisu ay ku Noolaayeen dalka Yemen, Balse ay halkaasi ka Qaxeen Markii lagu dilay Nin Dhulbahante ah, Islamarkaana Aabihii oo Shirkadda Bartoolka ee Ingiriiska Wakhtigaasi ka shaqaynayey loo Hanjabay.

Wakhtigii dawladii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu kasoo Shaqeeyay Wasaaradii Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Soomaaliya, Isagoona u shaqaynayay 8-Sanno, Wuxuuna xusay in Xiligii dagaalada uu dalka Itoobiya u Qaxay, Markii dambana uu Ganacsi Bilaabay .

“Anigu muddo Toban Sano laga Joogo waxaan Xanuunsanaa,   Anigoo Jooga Yurub ayaan Xanuunsaday,   Kadib dalka ayaa kusoo Noqday Balse 2016-kii  Maalin Ramadaan ah  ayaan Bilaabay inaan Qur’aanka Akhristo, Laba Sanno ayaan ka dhameeyay,  Xiligii hore ma ahayn  Nin Qur’aanka ku xidhan.” Ayuu yidhi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Haliye says:

    Maasha Allah

  2. Baaruud says:

    Ninkaan sheekadiisu waxay ina baraysaa inaan ku dadaalno waxbarashada carruurta. Ilaahay ah ku caafiyo waxaad leedahay hadalkii geesiyaasha iyo indheer garadkee




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!