Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya

Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo ay tahay tallaabo cadaadis lagu saarayo dowladda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation.

Inkasta oo ciidamada Kenya ay ku andacoodeen in bixitaankan uu yahay xeelad, maadaama ay ku adkaatay in goobo badan oo kala fog sahay lagu gaarsiiyo ciidamada, haddana khubaro ayaa sheegay in tani aysan ka marneyn muranka diblomaasiyeed ee labada dal ee salka ku haya xiisadda badda.

“Ayada oo Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso saldhigyo muhiim ah, Al-Shabaab ayaa saldhigyadaas buuxinaysa, taasina waxy aad uga careysiinaysaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri John Kariuki oo darsa siyaasadda gobolka.

“Waa tallaabo ay Kenya uga aargudaneyso dowladda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday in kiiska badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ay ka laabto, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed ay la gasho Kenya.

Dhammaan saldhigyadii ay ciidamada Kenya ka baxeen ayaa waxaa hadda qabsaday Al-Shabaab, oo sii ballaarinaysa dhulka ay haystaan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda kenya, oo wargeyska Daily Nation uu arrintan wax ka weydiiyey waa ay diiday inay ka hadasho sababta ay ciidankeeda uga saareyso goobo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo.

Kalshaale | Warar Sugan iyo Suugaan

Email : Kalshaale.com@gmail.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Dabshid says:

    Kuukuuyo iyo Kabo-qaad karbaash qaran ayaa u qoran.

    – Nina Calankaa u muuqdo Nina Luf Lufkaa u muuqdo




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!