Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”

Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr bil heysata Qaar kamid ah  Ciidanka xoogga dalka, taasoo sababtay inay isaga soo baxaan Saldhigyo ay ku lahaayeen Labada Shabeelle.

Isagoo ka hadlayay sababta keentay in Ciidamada inay soo baneeyaan difaacyadooda, ayuu tilmaamay inay tahay mid salka ku heysa hadalkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa inay bixiyeen mushaarka Ciidamada.

“Dhibaatada taagan waxa waaye Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga waxey yiraahdeen Ciidanka mushaarka ayey qaataan oo wax ka maqan ma jirto, arrintaasna waa mid gef ku ah Ciidanka, Ciidankiina Guryaha ayaa laga saaray maadaama iyagoo la yiri mushaar wey qaataan aan kirada iska bixin, sidaas ayey iyagiina u soo bexeen” ayuu yiri Indha Cadde.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay jirto Siyaasad xumo la xiriirta tirakoobka Ciidanka iyo bixinta mushaaraadkooda, loona baahan yahay inay labadaba isla socdaan.

Askariga iyadoo xuquuqdiisa la siinayo ayaa la tira koobi karaa, waa in askarta xuquuqdooda la siiyaa goobohoodana dib loogu celiyo, Askariga inta uusan gadoodin ayaa wax walba la sixi karaa, mar haduu askariga gadoodo wey adag tahay sidii loo soo celin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Garqaad says:

    Hadalka dowladdu waxa waaye.
    Ciidanka dowlada hal dhinac ayaa u badan sidaas daradeed waa in mushaarka laga goyaa si ay u kala tagaan.

    Su.aashu waxaa waaye ciidanka gedo kismaayo difaaca uga jiro miyeysan hal dhinac aheyn. Mise habar yoonis iyo Reer mataan ayaa ku jiro.

    Wadankii daanyeerada iga dheh.

  2. warda says:

    Hadalka raysalwaaruhu wuxu ahaa ciidama Amison mushaharkoodi way heleen ilayn ayaa isaga ciidan u ahe

    ciidamada soomaaliyeed xisaabtaba uguma jiraan

  3. Mr BaHaL says:

    Somaliya si dhib yar u soo noqonmayso.Hadaad moodayso in Somaliya iyo dawladnimadii si dhib yar lagu soo celinayo waad qaldan tahay.

    Wixii abuurmay burburkii ka dib ayaa u baahan in la sifeeyo.Kooxaha danaha isku bahaystay ayaa u baahan in laga adkaado.Dhaqanka siyaasada ee maaanta jira ayaa u baahan in laga adkaado.

    Si loo gaadho guusha saxda ah waa in wax badan oo ka jira Somaliya laga taqaluso.
    Ciidanbaa meel ka baxay,qaraxbaa dhacay,huteelbaa la qarxiyay.Ciidanbaa gadooday,odaybaa la toogtay iyo waxaa hadaad maqasho ha yaabin.

    Wali maad maqasheen qarax ka dhacay huteel ku yaal Muqdisho oo uu ku dhintay ninkii Huteelka lahaa?

    Waa sax in ciidanka la diiwaan galiyo oo meel lagu ogaado.

    Si taasi loo gaadho waa wax badan ay dhacaan.Dadkii ku shaqaysan jiray ciidan beenta ah ayaa taasi diidan.

    Waa la gaadhi doodaan guusha.Daddaal ayaa jira.

    Meeshu maaha meel layska qayilo oo Maleeshiya qaaqaawan lagu sheego ciidan qaran kkkkkk

    Dalmida

  4. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Warkaada waxaa ku jirtey,
    — Wali ma aragteen Hotel la qarxiyey oo ninkii lahaa ku jirey??

    1. Hotel SAXAFI waxaa ku dhintey Mulkiilihii lahaa – C/Rashiid ilqeyte, iyo Amaanduulihii Ciidamada Gen. Dhago-badan

    2. Hotel Saxafi waxaa marlabaad la qarxiyey markii laga soo laabtey Xajkii Dhawaa – Waxaa ku dhintey Wiilkii cidda u weynaa ee hotelka wadey, – Waliba asagoo Xajka ka keenay hooyadiis.

    – Meeshaas Islaan ina adeertaa ah ayaa ku nin weyday, kuna wiil weyday – miyey kaa mudantahey inaad dhahdo “” Adigaa Qarxiyey ninkaadii iyo Wiilkaadi.

    – Nin war hayo hakuu waramo ( Acc- Ali Zubeer ).

  5. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Aaadbaad ugu mahadsan tahay warkaa aad soo tabisay iyo su’aasha aad ka jawaabtay.

    Ilaahay ha u naxaristo.

    Aniga ayaa arintan aad isku waydiiyay.

    Bal cid kalena soo raadi.Saxafi waa arin gaar ah.Laba jeer ayaa la qarxiyay.Labadii jeerba dadkii lahaa ayaa ku dhintay.

    Wxaan uga socday ama uga danleehay in Bulshadu noqotay Bahalo u baahan in la karbaasho.

    Dalmida

  6. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Deee Ina Adeertay inay Oday waydo maaha.Waa inaad aduu meherisaa,lol

    Laakin mid Wacbuudhanba way helidoontaa kk

    Sacadka iyo Caydhka haysla ilaaliso.

    Dalmida

  7. Garqaad says:

    Beyle iyo mareye waa joogi jireen dadkana meysan caayi jirin ee waxa caayda keenay waa in la baraa kadibna geedkaas xididada loo sibaaaa.

    Hawiye wuxuu noqoyay. Ma libaanihii lagu libaanay.

  8. NUURKANEDERLAND says:

    GENARAL FALSO.




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page