Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Buula-Mareer uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay weerar culus ku qaadeen Saldhigyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Buulo Mareer ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo dadka deegaanka ay sheegayaan in mararka qaar ay rasaas maqlayaan wallow uusan dagaal jirin.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay weerarrada ka geystan xoogagg Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!