Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii April Sannadkii 1960-kii waxuuna ka kooban yahay ciidamada Lugta, Badda iyo Cirka.

Markii ay Soomaliya xoriyada qaadatay Sannadkii 1960-kii ayaa waxaa ogolaasho ama fasax ay ka heshey Qaramada Midoobay U.N Si ay u dhisato ciidan ilaaliya xuduudeena.

Waxaa ciidamadii ugu horeeyey ee soomaaliya dhisato laga kala keenay labadii qaybood ee ka xoroobay gumeystayashii Ingriiska iyo Talyaaniga British somali land and Italian Somali.

Waqooyiga Soomaaliya waxaa laga keenay Somaliland Scouts iyo Koonfurta oo laga keenay Somali Police Force’s Mobile Group ciidamadaa oo isku darkoodii noqday 5,000,kaas oo noqday ciidankii ugu horeeyey ee isku dhaf ah ee ay Soomaaliya yeelato.

Taliyihii ugu horeeyey ee ciidanka Xooga dalka soomaaliya yeesho waxuu ahaa Alle ha u naxariistee Genaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi, ku xigeenkiisuna waxuu ahaa Alle ha u naxariistee Genaraal Maxamed Siyaad Barre.

Ciidanka XDS wixii waqtigaa kadambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcayey.

Ciidanka xooga dalka soomaaliya isagoo sadex sannadood oo kaliya jira ayuu dagaalkiisii ugu horeeyey la galay Itoobiya ciidamadeeda oo waqti dheer dhisnaa waxaana geesiyaasha ciidanka soomaaliyeed ay cashar u dhigeen kuwii Itoobiya.

Sidoo kale ciidamadeenu sannadkii 1977-kii ayey mar kale dagaal la galeen kuwa xabashida dagaalkaas oo guulo baaxad leh ay kasoo hooyeen iyagoo kuwii Itoobiya ee loo yaqiin Libaaxa geeska afrika ka dhigay Bisad.

Sannadihii 1970-meyadii ciidanka xooga dalka soomaaliya waxuu ka mid ah kuwa ugu tababar sareeya,ugu geesisan uguna qalab wanaagsan qaarada afrika.

Bur burkii ka dib ciidanka qalabka sida waa kala daatey waxaana dawladihii kala dambeeyey ee soomaaliya laga dhisay ay mid kasta ku dadaashey in ay dib u dhisto ciidanka iyadoo ilaa haatan hawshaasi ay socoto.

Haddaba sida aan la socona beryhan waxaa jirey in qaar ka mid ah askarta ciidanka xooga ay gadoodeen oo kasoo baxeen goobo ay ku sugnaayeen iyagoo ka cabanaya in mushaar iyo Iidaan ay lahaayeen la siin mudo 4 bilood ah.

Waxaa haddaba muhiim ah in xukuumada soomaaliya arimahaas ay ciidanku ka cabanayaan si dhaqsi leh u xaliso sidoo kalena shacbiga soomaaliyeed ay garab istaagaan ciidankooda oo waxii taakuleyn dhaqaale ee ay heli karaan siiyaan geesiyaasha soomaaliyaad ee har iyo habeen u taagan daafaca dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Ugu dambeyn in la siyaasadeeyo arimaha ciidanka ma haboona waxaana wanaagsan in madaxda iyo saraakiisha xukunta looga dambeeyo shaqadaas shacbiguna kula xisaabtamo.

Kalshaale | Warar sugan iyo Sugaan

Email : Kalshaale.com@gmail.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. mohamed abdi jama says:

    Wiilashan yar yar ee mustaqbalkoodii lagu ciyaaray ee ay soomaaliya xabada la dhacayso ee hadana lacagtoodii diyaaradaha lagu raacayo waa dhibaato waanu u sheegnay aduunyada in laga qabto somaaliya laban nin ee waalay waa armaajo iyo qoslaaye ama khayrlaawe waa in ay burburkay ka wadaan dalkooda joojiyaan jaar baanu nahay habqankooda iyo qaxootigoodaa na soo gelaya ? Miisaaniyad badan baa nagaga baxda isilaalinta aanu xuduudahayaga ka ilaashano fawdada ka jirta dalkan aan jaar nahay ee soomaaliya? Qaramada midoobay iyo yurubna waxaan ka dacweynaynaa qadar oo taageerta ururada argagixisada ah ee dunida in nalaga qabto iyadaa hubka siisa dawladan jaarkayaga ahi isku disho cunaqabataytii hubkana dhagaha ka furaysatay

  2. mohamed abdi jama says:

    Saudi arabia ha qabsato qadar waayo fidno ayey ku haysaa bariga dhexe ama jasiirada carabta qadar waxay la yartahay magaalada jeddeh baaxaday ku fadhido shacabkeeduna waa mid aad u yar waxaan saudi arabia weydiisanaynaa inay qabsato qadar dhibkey carab ku hayso aweed hadaad ciidan qabta qadar u baahantahay saudi arania anagaa kuu soo dirayna 20 000 askari oo qadaroo dhan kuu qabta iyadoon nin kaaga dhiman adiga

  3. mohamed abdi jama says:

    Magacii dalkeygaan ilaaway inaan saudi arabia u iftiisho waa jamhuuriat ard somaal ama rebuplic of spmland oo hore loo odhan jiray british somalind brotecterat? Saudi arabia rebuplic of somland waa dalxoriyada ka hor qaatay somaliya oo la midoobay danadkii1960 kii wixii soomaaliya la odhan jiray

  4. Dabshid says:

    Ciidanku uma baahna Oriteeshin iyo imada daali ee waxey u baahanyahiin daryeel iyo Tayeyn.

    – Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo qaran la aas aaso.

  5. Dabshid says:

    Gurigeena waxaa surnaanjirey walina suran Sawir ay ku wada jireen

    1. Aadan Cabdulle Cismaan – Madaxweyne
    2. Jeneraal Daa’uud – Taliye Ciidanka
    3. Maxamed Siyaad – Taliye kuxigeen
    4. Xusseen Kulmiye – Taliye Police
    5. Generaal Salaad Gabeyre – Amaanduulaha Ciidamada.

    4.5 iyo Baahi keento Boondheere ma joogin waqtigaas.

    * Qeylo,Qabyaalad iyo Qurac waxaan aheyn kuma soo kordhiyaan Qaranka Soomaali.

  6. Mustafe Daacad says:

    Dhaaman waan idin salamy akhyaray.Md farmaajo 2 sano waxuu dhisayey cidan qabiil o ulahaa waa cidan qaran rer amrku waxay dhahaan aboo kaxaaxawi nooh kkkkkkkkkkkkkkkkkk Cidanki qabilku wakuwaas meel walba kaso baxaya o malin madactoyada qabsanaya malina wadoyinka xiranahaya farmajooy kan cidaaan qaran maha waligaba mushaharaii walee isbaaro kama daayan kkknnnknknkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkķkkķkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Mustafe Daacad says:

    Mohamed abdi jam marka hore wanku salmay odey .20,000 kun o cidanka oku qabsaneysod Qatar maxaad puntland iskaga celin weyday 28 sano ayaadku calacalaysa sool iyo sanaag ayey nagu haystaan knkknkkkkkkkkknnnnkknñnnkkkkkk Waar xuduuudka adku faantid ayaa cidankaga bahan mantana ceerigabo ayaa 7km loojira odey xooshod o halkaan waxas okale hakusoo qorin mise marka aad mirqaantid ayaad isku dhex yaacdaa knnnnnnnnkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Aarka hargaysa says:

    Cidanka dalkeena layninee nimankani waa hawiyee ama waxtara ama kadaaya cayda maalina waa mooryaantii oo aad ulajedaan waa hawiye dhaha maalina xooga dalka

  9. Dabshid says:

    Aarka

    ilaa waagi xornimada la qaatey ee la isugu yimid Xamar, ciidamada Qaranku waxey ahaayeen Hawiye, miishaarka la siiyana waxey aheyd Canshuur laga qaadey Hawiye.

    Haddana waa isla sidii.

    Adinku goormaad soo qabaneynaa Caarre Shufto.

  10. Barwaaqo says:

    Testing

  11. Mustafe Daacad says:

    Aarka iyo Dabshid
    Daarood iyo hawiye ayaa dalka xukuma labadina maxa idi ka quseya shekhaal iyo idoor ayaad kalatihiine calaacalka kalshale kadaaya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. mohamed abdi jama says:

    Adeer abtiyaashay sharaftooda iyo karaamadooda waan dhawrayaaa ? Maahmaah baa tidhaahda qalaad nin aad necebtahay yuu kugu dirin nin aad jeceshay ? Daraawiish iyo warqangeli waan jecelahay oo dhalasho iyo dhul iyo degaan iyo dhiig baa naga dhexeeya ? Majeerteen igu dirimaayo abtiyaashay laakiin garoowe haddii lagu dagaalamayo xamar kamay sokeeyeen marjeerteen ? Adeer dadkiisii iyo degaankiisii intuu majeerteen colaad kala yimaado abtiyaashay inuu xabad la dul uimaado waan diiday ? Fuliynimadaad doonto igu sheeg adigu laakiin garoowe iyo boosaaso oo habqanku ka dhaco iga qor adeer inshallah? Dagaalku ma fiicna laakiin halkii ugu danbeysaanu maraynaa iga qor adeer carro majeerteen bay xabaday rabaan ka dhici doontaa ka dhicimayso taleex laascaanood kala beydh iyo intay abtiyaashay degaan waloonay ka dgacayn buraan badhan ceelaayo laasqoray intaana ka dhicimaysee majeerteen diyaar ha u noqdo in iyagu qaxaan oo dhintaan oo dhaawacmaan khayrlaawana waxba uma tari karo




Daawo Barnaamij xiiso leh Dhoolatuskii Ciidamada GOR-GOR ee Turigu Tabaray iyo Khudbadihii laga jeediyey (Video)
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan ...
MUUQAAL: Dawladdaha Soomaliya iyo Masar oo Gaadhay Heshiisyo Taariikhi ah iyo Wasiir Cawad oo Sharaxay
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise ...
DF-Somalia oo Dhisaysa Hay’ad ka hor tagta Waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo
- Apr 19, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ...
DAAWO: Oday kasoo jeeda Buuhoodle oo Xaalad Murugo badan ay ku haysato Magaalada Muqdisho [Warbixin]
- Apr 19, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Xaaji Cabdillaahi Samatar ( Xasan Qoofal)    Muddo ku dhow ...
Sawirro: Dr. Cali Khaliif & Prof Samatar oo Fagaare kala hadlay Shacabka Burco
- Apr 18, 2019
Burco ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay ...

Follow us Facebook Page