SAWIRRO+Daawo: Madaxwayne Farmaajo Casho-sharaf u sameeyay Wafdiga Jabuuti iyo Fanaaniin Wacdaro ka dhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wafdigiisa ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha kala duwan ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa madasha lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo ka hadlaysa Wadaniyadda, Xidhiidhka wanaagsan ee Labada dal iyo Kuwa kale oo Jacayl ah.

Cawaalle Aadan, Axmed Cali Cigaal, Xasan aadan Samatar, Salaad DERBI, Kooxda hobolada Qaranka, iyo Fanaaniinta Muqdisho ayaa Heeso kala duwan ka Qaaday Munaasibadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Cadaado says:

    Baashaala, oo tuna, oo tusa, hooyadood wasooyinka argagixisada alshabaab in dadka hadii eey rabaan eey is wassi karaan. Waxeey rabaan sameeyn karraan.

    Dadka muslinka iyo Ilaahooda halaga dhex baxo. Daanyeer cawaan ah, waaye, dadka argagixisda alshabaab ee iska dhigaya in iyaga loo soo dirray dadka. Xataa kuwa culumada Somalida sheegta ayaa badow ah, oo aanan fahamsaneeyn qofka iyo Ilaahiisa wax u dhaxeeya majirto.

    Wadamada Islaamka waxa wasay, oo laharay waa daanyeero gaalo ah, khawaarij ah, oo dad cawaan ah, oo aanan fursad eey ku bartaan diin islaam, amaba cilmi maadi ah helin iska harawsanaya. Waxa eey wadamada Islaamka sheegta oo dhan dib ugu dhaceen waa qalooc kujirra fahammka, fasiraada, iyo barashada diinta Islaamka.

    Sidee beey ku dhacday masaajida kuyaala Yurub iyo Ameria in eey nabad ahaadaan, oo masaajida kuyaala Somaliya eeysan nabad aheeyn? Oo dadka lagu hordila, amaba marka eey kasoo baxaan lagu dilla, oo uu dilaya, daanyeer kale oo eeysan Somalida fahamsaneeyn in uu gaal yahay qofkaas dilaya qof salaad kasoo baxay.

    Fulaya hooyadood wasooyin ah waaye waxa Xamar kunoo, waana sababta eey ula noolyahiin, oo eey darris u yahiin 2019 20 kun oo gaao Afrikaan ah oo ilaalinaya.
    Daanyeero.

    Cismaaciil Cumar Geele waan taageersanahay. Dadka ha tuntaan, waxii eey rabaan hasameeyaan. Iyaga iyo Ilaahooda ayeey u dhaxeeysaa.

    Laakiin, madaxweeyne Farmaajo hakusoo laabto Buffalo, New York, sababtoo ah, waaba nin caqli xun oo daanyeer ah.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Cadaado adeer, noosheeg adoo balballaarina wuxuu Farmaajo galab saday HANA isku qaldin hawsha Farmaajo & tan Khayre. WBT

  3. Cadaado says:

    Ahmed Somali, madaxweyne Farmaajo waxuu galbsaday waa beenlow munaafaq ah. Gabre iyo Ethopia ayaan kasoo horjeedaa ayuu ku qalday dad caqli daanyeer ah oo dantooda aqoon, waana kaas tagay Ethopia in kabadan madaxdii ka horeeysay issaga. Aniga waxaan ahay dadka aaminsan in Ethopiya cadow aheeyn, laakiin, dad wax magarato ah, ayuu beentas anti ethopiya in uu yahay ka dhaadhiciyay. Waxuu kaloo dhahay diyaaraddo maraacayo, oo safaro magalaya, waa been kale. Waxuu dhahay ciidan ayaan dhisayaa, oo amniga ayaan wax ka qabanayaa, waa been kale.

    Meeshaan kuma soo tixi karro inta been uu sheegay daanyeer madaxweeyne Farmaajo.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...