SAWIRRO: Farmaajo iyo Geelle oo Xadhiga ka Jaray Safaaradda Cusub ee Jabuuti ee Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xadhiga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasibada ayaa waxaa Sidoo kale kasoo Qayb galay Labada Masuuliyiin kala duwan, Diblumaasiyiin iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.

Dhismaha Safaaradda Jabuuti waxaa si wada jir ah u wada dhagax dhigay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Jabuuti Sanadii 2017, Xiligaasi oo Geelle uu kasoo Qayb galay Xafladii Caleemo-saarka ee Madaxwayne Farmaajo.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Garqaad says:

    Somalijecel asc.

    Anigu midbaan kuu hobaa farmaajo iyo kheyre galmudug in ay dumiyaan ayaa ka go.an meeshii ay la gaartaba. Weyna wadaan howshaas.

    Ha iloobin. Garoowe iyo kismaayo wada hadal tuugmo ayaa loogu tegay.

    Dhuusamareeb iyo cadaado in ay heshiyaan dantooda ayaa ku jirto. Waayoo marexaankii iyo murusadihii wax qeybsamo wey dhamaan wayeen hal meel ayey isugu tageen meel aan villada aheyn wax kama maqlaan. Marka hadii cadaado iyo dhuusamareeb is fahmaan qolyahaan kale godkooda ayaa biya ugu soo geli lahayeen. Weyna adkaan lahayd maamulka curdanka in la dumiyo.

    Dalka dowlada hore ayaa soo maray lama dhihi jirin tuulo walbo xamar ha hoos tagto. Iloowsa hadaan ku raaco.hadeey tuulo walbo xamar hoos tagto madaama igaarkeyni joogo Berri hadii nin kale villada fadhiisto sidee la yelaa? Hadana tuulo walbo hays xukunto miyaa la leeyahay?

    Waxaan xasuustaa berigii xasan sheekh. mareexaan intoodii wax garadka aheyd wexey garab istageen axmed madoobe iyagoo iska Indha tiray xasuuqii kismaayo loogu geystay. Hadaan markuu farmaajo villada yimid mareexaankii shalay jubaland dhisay wexey dheheen axmed ma imaan karo gedo xitaa wexey bililaqeysteen madaxtooyadii jubaland ee gedo. Abtoow idinkii ayaa is fashilaa.

    Jawaab hoose.

  2. Jabhad says:

    Masha allah reer jabuti ku soo dhowada dalkiini

    Labad furitanka safaradan waxay ka turjumaysaa

    Horumarka uu samaynayo dalkena iyo hogaminta

    Wanagsan ee madaxwayne farmajo iyo R khayre

  3. UN says:

    Qol yihii somali land meeye afkiibaa juuqda gabay

  4. UN says:

    Maxay dhihi jireen ishii buktoy LOL




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!