PUNTLAND oo Garoonkii Boosaaso ee Caalamiga ahaa Suuq La’aan dhigaysa, Iyo Halka looga wareegay [Dhegayso]

Garoowe  ( Kalshaale ) Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) ayaa sheegay in diyaaradda Daallo Airline oo kamid ah diyaaradda kaliya ee duulimaadka caalamiga ka sameeya garoonka diyaaradaha Boosaaso loo wareejin doono madaarka Gen.Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada shalay xariga looga Jarayay Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee madaarka Gen.Maxamed Abshir taas oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wasiir Gabilay ayaa sheegay in dhamaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta laga wareejinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso loona wareejin doono garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe.

Waxaan rajeynaynaa labada Week (Todobaad) ee soo socota inaan Xaruntii duulimaadka ee shirkadda Daallo Airline uu yimaado halkan (Garowe) oo diyaaradaha kale ay dadka soo qaadaan oo halkan ay diyaaraduhu toos uga aadi doonaan Dubai tii Cargo-ga laftigiida wadahadal baa noo socda bisha 4-aad (April) gudaheeda in aan soo gaba gabeynayo qorshahan.

HALKAN KA DHEGAYSO WASIIRKA

Si kastaba hadalka wasiirka duulista Hawada iyo garoomada Puntland ayaa kusoo aadaya xili garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Boosaaso ay ka wareegeen shirkado badan oo horey uga sameyn jiray duulimaadyo iyadoona ariintaasi ay sababtay in yaraadaan duulimaadyada garoonka oo ka mid ah garoomada caalamiga ah ee ka jira Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    ALLAAH, waan lays maqlayne maxaan ka digay inay Bosaaso saan ku dambayn. *Haddaan Somalinimo la rabin ee ay Dunidi noqotay HALLA kala danaysto waa gooni LAAKIIN haddaan la rabin inay Bosaaso noqoto sidii Xaafuun WAA in 2ba mid la yeela; kow IN xoolaha laga dhoofina; Hiiraan, Galgaduud & Mudug LAGA dhoofiyo Bosaaso AMA siduu AUNTE M. Ibraahim Cigaal yiri WAX kasta oo u socda Gobollada Dhexe & agagaarkooda waa in laga soo dejiyo Bosaaso. §*???Garqaad wil Hawiye, maxaad arrintaa ka leedahay MISE waxaad qabta M/jeerteen Somali ma ahee hala CEEJIYO?. WBT

  2. Garqaad says:

    Axmed somali asc

    Horta wiil waan dhaafay oo oday ayaan ahay. Tan labaad maahi oday hawiye qofka iima dooran waxaan ahay qof somali ah.

    Mana ihi adiga oo kale ma sheegto qolo aanan aheyn.

    Reer galguduud iyo hiraan hadeey heli karaan dekaddi hobyo maxaad ula jeclaatay safarka dheer ee bosaaso?

    Maya anigu weligeey kuma fikirin dad somaliyeed in la dhibaateyo. Majeerteenku dadkaas somaliyeed ayey iila mid yihiin. Hormarkoodu waa hormarkeyga.

    Midda kale ma kuu sheegay aabeheey In uu dhalay 42 caruur ah kana dhalay 8 sideed haween somaliyeed ah.

    Bari. Borama jabuuti gaarisa hargeysa galguduud jowhar oodweyne. Intaasba waxaa ku nool dad ila dhashay. Yaan turaa yaansa reebtaa.

    Maxamed xaaji ibraahin cigaal. Allaya raxma iyo hooyo laba guri oo iska soo horjeedo ayey ku dhasheen. Aabeheey wuxuu ku dhashay goofka xamar cadeey.

    War aniga haymoodin laangaab adoo kale ah oo ay iska dhaleen 2 mareexaan ah aka cabdi yuusuf sheegto.

    Kaftanka iyo booxaleysiga ayaad run mooday.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Abwaankii wuxuu yiri DHAAXAAN MID HANA QAAD IS BIDAY SOO HOGGAAN BARAY. Horta adeer Ma aqaan inaad garate markaan adiga kula hadla qaar kale oo adiga oo kalana waan ku dhega hadla. *Adeer markaad leedahay WIIL YAR WAAN DHAAFAY, kama hadlayn dàdaada ee waxaan ka hadlay Garashadaada. **Waxaa tiri; *Mana ihi adiga oo kale ma sheegto qolo aanan ahayn. *Adeer ma dhammide ALLAHA kuu gargaaro INTEEN ku sheegtay waxaad igu nabayso?. ***Tan aad leedahay WAXAY helikaraan reer Galgaduud & Hiiraan maxaad kala doontay reer Bosaaso. *Anigu waxaan rabaa inuu reerku wadaago dheefta ee ma rabo JAANTAA rogan. *****Daalayeey. WBT




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!