MUUQAAL: Xisbiga Wadani oo kasoo Horjeestay Ciidamada Somaliland ee gaadhay Bariga Sanaag iyo Dagaalka

Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Somaliland ee la geeyay Bariga Gobolka Sanaag, Iyadoo Halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Masuul ka tirsan Xisbiga Wadani yaa sheegay inuu dagaalku Khasaare uun gaysan doono Labada dhinac, Wuxuuna Tusaalle usoo qaatay midkii Tukaraq.

“Wixii khasaare ka dhacay Tukaraq ee ku dhintay labada dhinac waad ogtihiin, Maanta mar kale Wiilal ka dhinta labada dhinac ma Awoodno, Dadku maanta abaar ayay kasoo baxeen, Waxayna u baahnaayeen Gurmad ee looma Baahnayn dagaal, Wadahadal ayaana lagu xalin karaa”.

“Nasiib darro Midkii Caarre kasoo goostay ee loo balanad In Ciidamo lasiinayo oo la Qaramayno, waxaana waday maayarkii Yubbe, Saddex bilood ayaa halkaas fadhiyaa, markaa waxaanu u aragnaa Caarre ku Noqo”.

Wuxuu Fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ” Madaxwaynana waxaan leeyahay YUBBE Ciidan uma baahna, oo iyadaa isku Filan, waxaan leeyahay dib usoo Celi ciidankaa aan Cidna lagala Tashan” .

Ciidamada Somaliland ee Gaadhay Deegaanka YUBBE ayaa sidoo kale la sheegay inu Wajahan yihiin Xingalool, Badhan iyo Jabhadda Caarre Hogaamiyo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. khaatumo haanoolaatoo says:

    horgale ilaahay hakuso hadeeyo

  2. mohamed abdi jama says:

    Kkkkk wadani waa xizbi asqayqan oon kala garanayn wuxuu mucaaradayo iyo qaeanimada jam somland xizbiga wadani coll caaraa kala qiimo badan jam somland ? Warkayga dhagaysta xisbiga Adaniyoow xidigii xizbiga wadani wuu madoobaaday waana runtay waxaa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kan la sii sido? Wadani coll caarre iyo jam somkand intuu isku miisaamuu caarre iyo maamul goboleedka soomaaluyeed ze garoowe ayuu qaatay garoowe iyo caare ? Wuu fashilmay waqdaradaana fishilisay xizbiga wadani!? Allow goob xun xisbiga wadani naftu ma kaga baxday

  3. mohamed abdi jama says:

    Madaxda jam somland iyafana mid baan leeyahay daljan aynu jaarka nahay ee soomaaliya inaan la hadalnaa aduunkay u taal oo goirtay rabaan ku khasbaya labada dhina il nugaylka jahliga ah ee canaadnimada ah iska daayoo intaanu aduunka u sheegno uma sheegtaan garashadeedana ma lihidine cago dhigtoo heshiishka compny da caakamka sidii aad u keeni lahaydeen falowgeed qabta adeer meel qaraxaysa oo degenaasho sarro siyaasadeed gayso oo badeedii lagu haysto la hadalkeedu muxuu idiin kordhin? Adeer markaan idin leeyahay dawladnimada iyo siyaasadda toona garanmaysaan kii inyar idinku dhaamana xitaa inaad dhegeysataan ma kartaan hinaase idin haya madaxsay jam somland baan sheegayaa? Adeer is dejiya raadsada shirkadaha shidaalka iyo macdanaha iyo maalgashiga oo ilooba la hadalja salkan aan jaarka nahay? Hadalkeyga qaatoo cuqdada iska saara waxaan idinku dhaamo qaata

  4. mohamed abdi jama says:

    Boqortooyada ingiriisku way aarsanaysaa iyadoo isu aragtay in britishku ka sareeyo dadka badidiis ayaa afar oday oo u dhashay jam somland ay jaga awood bateen xiligii aanu la midawnay wixii soomaaliya la odhan jiray? Waxay ku noqotay choc ingiriiska inaanu diidnay fikirkiisii ahaa ka jooga somaaliyadan aanu immika jaarka nahay!? Waxaan u sheegayaa uk inaan ku waydiinaynin adiga madax banaanidayada noo gaar ah annaga oo ah jam somland waa mustaqbalkayaga dal ahaan iyo dad ahaan? Tusaale uk midawga yurub ku biiristeeda iyo ka goideedu ma aduunkey u taalaa mise britian? Waxay u taalaa greet britain anagana qadiyadayada aqoonsiga iyo masiirkayagu anaguu noo yaalaa ka jam somland ahaan? Ma jeclin inaad nagu gefto jawaabteedana waxaanu bixin doonaa markaanu aqoonsiga caalamkaka helno!? Waa dhab in uk naga xigto caalamka intiisa kale hadaadse diiday ok waxaanu qaadi doonaa nasiibkayaga good bye greet britain

  5. mohamed abdi jama says:

    Xildhibaan axmed gacan markii shacabku kaa sugayeen inaad mustaqbalka jam somland iyo shacabkeeda karaamayso oo dp world la xisaabtantaan sotii lagu siitey 10 000 $ doolar markaasaad ogolaatay in dp world dalkan xukunto axmed gacan anaa runta kuu sheegayee immikana 10 000 kun baa dhamaaday oo toban kalaad rabtaan ? Hadaan hadalka si kale u dhigana muddo xileedkii baad dhaaftay oo doorashadaad diidaysaa cami? Axmed gacanoow yaa kaa caqli liiteed u waramaysaa! Adeer doorashada ogolow markaad kursiga ku fadhidayba dalkan iyo dadkan waxba ugumaad filnayn mise waaba haddoo xaalkaagu tuuris yahay axmed gacan caga dhigo saaxiib




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!