MUUQAAL: Madaxwayne Geelle oo Baarlamaanka Somalia Khudbad Qiiro leh u Jeediyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa Xarunta akademiyada booliska Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) ee magaalada Muqdisho ugu Jeediyey  Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwayne Geelle ayaa ka hadlay Muhiimadda ay leedahay Dawladnimada, Wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda iyo Xildhibaanadu ay Shacabka ka Turjumaan Baahidooda dhabta ah.

Geelle ayaa ku dheeraaday  Masuuliyadda saaran Hogaanka Bulshadu ay doortay, Wuxuuna Xildhibaanada labada Gole kula dar-daarmay inay u Tanaasulaan markasta oo ay Hormiyaraan danta Qaranka, Halka ay ka Fekeri lahaayeen Dan-gaar ah.

Aroortii inta aysan shaqada gelin ayuu ku Booriyey inay Xasuustaan Dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, Kuwa duruufaysan iy Kuwa Barakacay oo Ka sugaya inay wax u Qabato Dawaldoodu.

Khudbadda madaxwayne Geelle ayaa la filayaa inay meesha ka saarto Mad-madow Mudooyinkii dambe ku dhexjiray Labada Golle ee Baarlamaanka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Kalahage says:

    Aabihii dilaalka geeska afrika.jabuuti ayuu soo cunay hadana soomaliya ayuu rabaa inuu ku daro.

    Uhuraha cadowga ah ayaa uga asxaan badan soomaalida.

    50 sano hadaad la joogto sharci kuuma ogola.

    Waa cadow taag la’ balse aan la dareensanayn.

    Soomaalidu wey iska dabo ordayaan haday arkaan soomaali ma fiirinayaan shaqada uu hayo.

  2. Kalahage says:

    Askartii 50 sano ka hor caawinaada loogu diray intooda badan wali sharci lama siinin iyaga oo la fiirinayo qabiilka ay yihiin.

    Heer waxay gaadheen ciisaha iyo godubiirsiga ay u kala abtiriyaan.

    Ku darsoo godubiisigu waa nimankii u soo halgamay jabuuti iska daa soomaalida kaloo.

    Ali zubeer baan ka maqli jiray qof war haya ha kuu warramo.

  3. Najiib says:

    Madaxweyne Geele wadani Soomaaliyeed.

  4. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Odaygani waa ninki somaaliya u sameeyey 4,5 ilaahader
    Mashaakilki laga dhaxlay xal lowaayey wuxu jecelyahay
    Inaanay somaaliya dib cagaheeda isugu taagin
    Isir nacayba lafta iyo ruga kagalay muxu modaya inaan
    La fahmayn sxb sifiicanba lagula socdaa somaaliyana
    Mar uunbay cagaheeda isku taagidonta insha alaah WBT

  5. NUURKANEDERLAND says:

    MURTTI SOMALIYEED BAA DHAHDA:-
    (SHIFO LAGALA QUUSEY!!!).
    GEELOOW WAANO LAGALA QUUSEY KUWAAS,MEEL BAA LOOGA YEER-YEERAYAA!!.

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Kalahage & Khaatumo haanoolaatoo, adeerayaal waxaan u malayna inaad mardhow ku soo biirteen Barxadda faallada siyaasadda Somali ee tartiibsada. *Akhyaaray weligiin ma aragteen nin madaxweyne Dal ah oo Dal kale dhibaatada haysata daraadeed ILLINI uga qubatay? anigu waan arkay C.C.Geelle IDINKUNA?. *Waxba terimayso anaa ooyay LAAKIIN waxaa muhima inaan lagu abaal furin ninkii ku garab taagnaa markaad liidatay. WBT

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Khaatumo haanoolaatoo adeer, 4.5 aaa lagu aflaxay waageedi Laakin hadda waxaa loo baahanyahay in loo gudbo axsaab. WBT
    M




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!