Madaxwayne Geelle oo Khudbad u Jeedinaya Labada Aqal ee Baarlamaanka

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay gaadhay magaalada Muqdisho ayaa maanta la filayaa in uu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro kulan wadajir ah oo khudbad uu ugu jeedin doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa la filayaa in madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qeyb galaan kulankan iyadoona uu noqon doono kulankan mid xasaasi ah oo mudo sanad ah kadib ay isku arki doonaan madaxda dowlada iyo xildhibaanada labada aqal.

Dhinaca kale kulankan ayaa dhabbaha u xaari doonaa isfaham laga gaaro khilaafka xiligan u dhexeeya gudoonka iyo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo horey uu khilaaf sababay wadashaqeyn la’aan soo kala dhex galay.

Madaxweynaha Soomaaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa doonaya in uu heshiis kala dhex dhigo gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka xili uu horey u sheegay in uu ka odeyayn doono khilaafkan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    ODAY GEELLE WAXAA LAGU XASUUSTAA(SHIRKII CARTA 2000)OO AH AASAASKA DFS EE FARMAAJO HADA UU HOGAAMIYO.
    GEELE NOOLOOW WAA NIINKII CHINE & USA GOOB ISUGU KEENAY EE DHAHAY ADEER NACNAC UMA BAAHNIYE NINKASTOOW SALDHIGAAGA KU EKOOW KIRADANA SOO QADIN!!!KKKKK.,CAJIIB.




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!