Daawo: Madaxwayne Geelle oo Booqashadii Somalia soo Afmeeray iyo RW. Mahdi oo ka hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal.

“Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd.

“Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato.

HALKAN KA DAAWO R/WASAARE KU XIGEENKA OO KA HADLAY

Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Dabshid says:

    Madaxweyne Geele ahaa oo Caasimaddiisi labaad ku mushaaxahayo.

    Jabuuti waa Soomaaliya, Soomaaliya waa Jabuuti.

  2. Dabshid says:

    Madaxweyne Geele waa ninkii Sababey in Madaxweyne Farmaajo lagu doorto Xamar ka dib markuu lugaha u taagey Dowladdaan oo lagu soo dhisey Carta,burburkii Xukuumaddii Cali Mahdi ka dib.

  3. Laalays says:

    Madaxweyne Geele dantiisa ayuu wataa. $49 malyuun ayaa dalka Jabuuti sanadkii lagu siiyaa ciidan-kooda kooban ee qaybta ah AMISON. Lacagtaas kuma jirto Saanada hubka/gaadidka dagaal ee dalkasta AMISON ka mida loogu deeqo.

    Madaxweyne Geele waxa intaa u dheer ilaa 1990 in uu aduunka qandaraas kaga qaatay heshiisiin-ta soomaalida xoolana ku qaato.

    Good job ayaan leeyahay Madaxweyne Geele waayo lacagtaa hadaanuu qaadan waxa hubaala in Sangadhuudhi Afrikaana la siin lahaa.

    Ku mustareex madaxweyne maalkaa, masaakiinta Zoo-maala u jeedi/seexi hadal “qiiro leh”

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Laalays says:

    Waa kuwaa ciidamadii uu Armaajo intuu dirays xidho qiira jabaan dal xoreeya, duurka ugu diri jiray! Mushar markay waayeen bay Xamar dib ugu soo laabteen. Qaarna Almuhaligiinta u galeen.

    https://www.caasimada.net/qaar-ka-mid-ah-ciidamada-xooga-dalka-oo-mushahar-laaan-darteed-uga-soo-baxay-dhufaysyada/

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Laalays says:

    Muxuu yidhi wasiir Bayle;

    Zoo_maal waa Mashruuc runtuu asiibay markaa!

    Hada mardhow waxay odhan maa,fiyada villa Zoo-maal maamusha marka la weydiiyo mee mushaharkii;

    ” ciidamada ayaa tirakoob lagu wadaa”

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. sOmalilander says:

    I wonder how Armaajo’s brain looks like, horizontal or vertical!!!

  7. Laalays says:

    sOmalilander
    Inaadeer marar badan ayaad Canada ciyaaro MAN U Yurub ugu timaadaa. Waa kugu hambalyee yaa markasta. Laakiin Man U & Ajax haday isku soo beegmaan kaw baanu idinka siinaynaa sxb!
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Ahmed Somali says:

    ASC.
    War takh-tar baxnaaniya haloo diyaariyo CANUGA Laalays mardhaw waxaan sugnaaba waa Midnimada-aragti siyaasadeed ee Waddani & Khaatumo Statee. WBT




DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...
Prof. Samatar oo Waraysi uga hadlay Kulamadii Isaga iyo Cali Khaliif, Dooda 18-may iyo Arimo Xiiso leh [Muuqaal]
- May 23, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya, waxaana ugu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!