MUUQAAL: Axmed Madoobe “Waan u tagayaa Madaxwayne Farmaajo, Waana la Xaliyey Khilaafkii DF iyo Jubaland”

Kismaayo ( Kalshaale ) Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Khudbad ka Jeediyey Xaflad lagu Sagootiyey Raysal wasaare Xasan Khayre ayaa sheegay in la dhameeyay Khilaafkii DF-Somalia iyo Jubbaland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Gacmo-geel Jire Hoose ayaa loo dhaqaa, Qodob walba oo khilaafka ahaa waan dul istaagnay anaga iyo R/wasaarahuba waana ka heshiinay waxaana isku afgaranay in aan Madaxweynaha u tagno si loo dhameeyo Inta dhiman ” Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa inuu Aad ula Qiirooday Soo dhowayntii Balaadhnayd ee Raysal Wasaare Khayre loo sameeyay, Isagoo Mooday inuu Madaxwaynihii Marayo, Wuxuuna sheegay in Sifo khaldan loo dhigay Hadalkaasi oo Markiiba uu ka Cudur-daartay, Mar uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ugu yeedhay Khayre.

Wuxuu ka hadlay Sidoo kale Muhiimadda ay leedahay in Dawladda dhexe ay Xarumo ka samaysato Maamulada iyo Gobolada dalka, Si dadka shacabka ah aysan Dawladda iyo Madaxda uga daawan Warbaahinta oo keliya.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Dhibaatada Amniga ee ka jirta dalka “Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxaa koow ka ah la xisaabtan la’aan ka jirta dowladda Federaalka gaar ahaan Ciidamada Amisom iyo dowladaha deeqaha bixiya” .

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!