XOG CULUS : Cabsida Axmed Madoobe ee Doorashada iyo Kulankii Xalay ka dhacay Kismaayo

Garoowe ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Kismaayo Xalay ku dhexmaray Kulan Xasaasi ah Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Fahad Yaasiin iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida ay Tibaaxeen Ilo lagu Kasoon yahay  Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ugu horeynba shuruud adag uga dhigay inaysan faragelin ku sameyn doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan dhici doonto.

Fahad iyo Kheyre ayaa dhawr jeer ka dalbaday Axmed Madoobe inuu doorashada ka dhigo mid fur furan oo madax banaan isla markaasna ay goob joog ka ahaato Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Axmed oo ah nin aad u adag ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin damaciisa ku aadan inuu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo ee Jubbaland.

labada dhinac ayaa  isku raacay  in Axmed Madoobe loo madax banaaneyno doorashada ka dhici doonto  Jubbaland  inkastoo ay mar kasta wax is badali karaan.

Tan iyo markii ay dhacday Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed,  Islamarkaana uu soo baxay Musharax DF Taageero ka haysta, waxay taasi keentay inuu Axmed Madoobe xirto difaac adag oo uu ku doonayo inaysan doorashada Jubbaland noqon sida middii Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha ugu adag madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna isticmaalaa awood ciidan isagoo dhawr jeer garoonka Diyaaradaha kasoo celiyey qaarna ku xiray shakhsiyaad ay dowladda u magacowday xilal Ciidan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Ali Zubeer says:

    Axmad Madoobe waa mooryaan ka been sheegay himiladii reer jubbaland. So he must go

    He is traitor

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!