Waraysi Xiiso leh: Safiirka Ingiriiska ee Somalia oo ka hadlay Caydhintii Haysom iyo Arinta Somaliland

Muqdisho ( Kalshaale ) Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
Ben Fender ayaa wax badan laga waydiiyey Arrimo ku aadan taageerada UK ee Soomaaliya, Ammaanka, Mashaariicda dib u dhiska Iyo Qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar wax laga waydiiyey Arinta Somaliland iyo DF-Somalia ayuu ku Jawaabay Safiirku “UK ma aqoonsana Somaliland, umana aragto dal madax-bannaan. Arrinta Somaliland waxay u taalaa Hargeysa iyo dawladda federaalka Soomaaliya” 

Warbixintan ayaa kusoo qaadan doonaa Safiirka Dowladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyey ceyrintii Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom iyo inay saameyn ku yeelan doonaan safiirka cusub ee lasoo magacaabi doono.

Safiirka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la ceyriyo Safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Heysom, isagoo qeexay inay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya shaqo muhiim ah oo ay ugu horeyso Amniga iyo Doorashooyinka ayna arrintaas taageero weyn ka geysato Dowladda Ingiriiska.

Wuxuu Dowladaha kale ugu baaqay inay sida Ingiriiska oo kale uga qeyb qaataan kaalmooyinka Soomaaliya loo mariyo hey’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.

Safiirka ayaa si cad u beeniyey inay dowladiisa saameyn ku yeelaneyso magacaabista ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhiisan doono Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaysan Ingiriiska shaqo ku laheyn magacaabista Safiirka cusub balse ay tahay shaqo u taalo Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres sida uu isaga fahamsan yahay.

Bishii January ee Sanadkaan ayey aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ku amartay Heysom inuu si deg deg ah isaga baxo Soomaaliya kadib markii lagu soo oogay inuu faragelin qaawan ku hayo Arrimaha Gudaha iyo madax banaanida Soomaaliya.

Inkastoo António Guterres uu isku dayey inuu Dowladda Soomaaliya ku qanciyo inay go’aankeeda ka laabato haddana wuu ku fashilmay wuxuuna ku dhawaaqay inuu aqbalay amarka Dowladda uuna dhawaan soo magacaabi doono xoghaye cusub.

Hadalkii keenay in la ceyriyo Heysom ayaa ahaa markii uu  qoraal kasoo saaray rabshado  ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay socotay doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna rabshadahaas dhaceyn markii ay Dowladda Soomaaliya si xoog ah usoo xirtay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed kaasoo dhawaan kasoo goystay Kooxda Al-Shabaab.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dib u bilaabeyn kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya ee joogo Magaalada Baydhabo, wuxuuna ciidamada ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida kana fogaadaan isticmaalka xogga iyo caburinta shacabka.

Qaar ka mid ah Dowladaha Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa horey ugu dhawaaqay inay joojiyeen mushaarka Ciidamada Booliska ee Baydhabo ka howlgalo kadib markii ay qeyb ka noqdeyn rabshadaha ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Ali Zubeer says:

    Ciyaartii iyo baroortii jeegaanta ay 28 sano Downing street ku hor booyayeen natiijadooda wataasi; sifir calal shimaal

    Hargysa iyo Burco waa laba gobol oo ka mid ah Soomaaliya

    Somalia is one

    Quraanjooy ku quus qaado

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. NUURKANEDERLAND says:

    YOU ARE NOTHING=ZERO.
    GO FUCK YOUR SELF,YOU ARE ALSHABAB LEADER.
    ALSHABAB+MI6+CIA=ONE.
    SAFIIR UMA AQAANE WAXAAN U AQAANAA MID KA MID AH FANGAREEYAYAASHA ISIS’ALSHABAB.
    SPORKO




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!