MUUQAAL: Muuse Biixi oo Xaqiijiyey in Wadahadalkii DF-Somalia iyo S.land uu dhacayo Dalka Chana

Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xaqiijiyey inay  Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland inay mar kale Furaan Wadahadalkii u dhexeeyay Labada dhinac, Kaasi Hakad ku Jiray Labadii Sanno ee lasoo dhaafay, Islamarkaana aan Qabsoomin Intay Xilka hayeen Madaxwayne Farmaajo iyo Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday arrintaas,waxaana ay dowladda Turkiga isku dayday in ay marti geliso shirkaas, Waxaana Somaliland  Codsatay in Xiligaasi in dalal kale lagu soo daro.

Dowladd Turkiga ayaa dhexdhexaadinta ku soo dartay dalalka Sweden,UK iyo Mareykanka,waxaana la isku afgartay in shirkaasi uu ka dhoco dalka Ghana.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in shirkaasi uu 19ka Bishan ka furmayo Dalka Ghana,waxaase uu rajo xumo ka muujiyay in dowladda Federaalka ah aqbasho iyo in kale.

Biixi ayaa sheegay in dhowr jeer beesha Caalamka dhexdhexaadin isku dayday laakiin dhinaca dowladda Federaalka ah ay ka socon weysay.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu soo jeediyay in wadahadallada ka dhacaan Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, Laakiin ay dowladda Soomaaliya diidday, sidoo kalena ceyrisay ergeygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub inuu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Dabshid says:

    Meelkaloo ay ku shiraan Koofur iyo Waqooyiba marnaba hanoo keenina waxaa na dhex dhexaadin Ethiopia.

  2. Kacaanboy21 says:

    Shirka. Waxuu dhacaya Markay kabaxaan gobalka sool .iyo sanaag. Puntland laga rabaa inay zoo afjarto hanka beenta. Ee isku dhererita federalka. Itasa kufilan. Hargaysa iyo burco. Filmka waa dhamaan lahaa ee rabay wayday puntland oo runta taabsiiya.

  3. Guluf says:

    Shirka. Waxuu dhacaya Markay kabaxaan gobalka sool .iyo sanaag. Puntland laga rabaa inay zoo afjarto hanka beenta. Ee isku dhererita federalka. Itasa kufilan. Hargaysa iyo burco. Filmka waa dhamaan lahaa ee ragbayy wayday puntland oo runta taabsiiya oo yiraahda horta maxaad kibirka idiinkuwacan. Oo citiraafka beenta ee ingiriska yiri muqdsho. Lagaxukumaa hargaysa. Iyo jaadkeeda.

  4. Idoor liqe says:

    Alla mayee kuuriyada waooqyi buu ka dhici doona . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Guulwade says:

    Waa wax aan laqadan karin. In farmaajo. Khayre. Dani. Iyagoon xalin. Gobalka sool iyo sanaag oo somaliya laxalin in hargaysa iyo burco. Fikirka khaldan lagulashiro.farmaajo. cali Khaliif. Dani. Way khaldan yihiin. In lalashiro iyadoo n laxalin dhulka ay kusoo duuleen ee dhulka puntland iska sheegtaan. Shacab doonaya somali wayn calanka somaliya wata. Waxa muuqda in madaxda federaalka runta usheeg in masmulka hargaysa .federaalka waxay kuca yar ayaan midnimada somaliya. Hawiyaha. Ma ogaadeen in dhulkooda kaqaato. Maxaa keenay in daroodka siyasigooda warka caayayn wayaan. Dacar haka xumadee. Waliba ee da waxaa leh. Majeerteen dhulbahante warsangali. Arimahan. Waa shaqada. Wasiirka xirr ka calmiga ee kasoo jeeda sanaag. Mr jaamaal. Dani waa sidii gaas oo kale. Cadayn inaan wadahadal dhacayn inta ay sool joogaan.

  6. C/Raxmaan says:

    Hoodi , hoodi .

  7. Ali Zubeer says:

    Baroor.com

    viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...