MUUQAAL: Puntland oo Dalbatay In laga Qayb geliyo Wadahadalka DF-Somalia iyo Somaliland

Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyay shirka jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Garoowe, waxaana maanta oo lasoo xidhay shir gudoomiyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi DENI.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay in la ilaaliyo   Midnimada iyo Dawladnimada Soomaaliya, taasi oo ku dhisan hanaan Federaal ah oo wax la wadaleeyahay waxna la kala leeyahay, waxayna Puntland Codsatay in la dhamaystiro Dastuurka iyO Xeerarka kale ee Dalka.

“Puntland ayaa dalbatay in laga qeybgaliyo gor-gortan iyo heshiis walba oo saameynaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, waxaana waajib ah in laga qeybgaliyo oo uusan ku koobnaan kaliya DF-Somalia, sidaas darteed puntland waxey dalbanaysaa iney qeyb ka noqoto Wadahadalada u dhaxeeyada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.”

Sidaas waxaa lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland.

Shacabka ayaa lagu wargeliyey inay la shaqeeyaan  Xukuumadda Puntland, iyadoo lagus heegay inay Puntland ku Howlan tahay difaacada iyo Badqabka Shacabka Puntland.

Codsiga Puntland ee ku aadan inay Qayb ka noqdaan ayaa kusoo beegmaya Xili Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi uu sheegay in Wadahadalku ka Furmi doono dalka Ghana ee Galbeedka Qaarada Afrika.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Hadalkaan ka soo yeeray Dagaal ogahaan hadduu run noqdo oo ay wada hadlaan Barka beesha Sheekh Isaaq ee uu hoggaamiyo Muuse Bixi & Dawladda Somali ee Farmaajo/Khayre waxay tegaysa Yaan XINIINYO lahayn oon dawladda Somali kula hadli karin BEKIIN. WBT

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    WAA KAA DENIBA BILLAABAY ha layla hadlo. WBT

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    WAR reer Kalshaale.com waxaan arkaa inaad IL gaara igu eegaysaane MAXAAD qonsateen? waan ka joogsane. WBT

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    War Waddani & Khaatumo State ma kariwaayeen inay Somalia SHUUSHKA ka saaraan MISE waxay sugaan inay AXSAAB guusha kala wareegaan?. WBT

  5. Laalays says:

    Ma dhici karto inay nasoo hor fadhiistaan!

  6. Mr BaHaL says:

    Ahlan yaa Land of Punt.

    Deni shaqadaada qabso.

    Waa inaad ka qayb gashaan arinkaasi oo aad u joogtaan go’aanka halkaa lagu gaadhay.

    Xagga yooyootanka,muranka iyo qaylada adinka ayaa u xilsaaran.

    Shaqadiina qaybsada kkkk

    Garoowe waa balaayo loo baahan yahay.

    Dalmida

  7. khaatumo haanoolaatoo says:

    123

  8. Ali Zubeer says:

    Adhax jabka gaadhay qarankan ayuu ka mid yahay inaan lays aaminin.

    Hadalka pudhlayn waa marmarsiiyo ay ku doonayso inay ku baxdo.

    Si kastaba Iidoorku waa badow aanan dowladnimo iyo qarannimo waxban ka aqoon.

    Bal Ghana ama America haddii lagula shiro maxay soo kordhinaysaa.

    Miyaysan ogayn in Taamil lagula shiray europe iyo Norh America ugu dambayntiina inta hubka laga dhigay la karbaaashay.

    Saan saanta socota waa nala hadla aan soo hoyanne

    DFS waa inay ka digtoonaada inay dhagaysato baroorta Idoorka keligood waa in shanta beelood ee dega woqooyiga gooni gooni loo arkaa waayo real stakeholders.

    Caana ka dhan

    Viva Soomaaliyeed
    down all Somali traitors

  9. Dabshid says:

    Maamulka Galmudug oo dalbadey in lagu daro wada hadalka u dhaxeeyo dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland

    sidoo kale maamulka degmada Deynile ayaa asaguna codsadey in laga qeybgaliyo maamulkaas.

  10. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LAND OF PUNTLAND; “Ahmed Somali ayaa oran jiray Dhulbahante iyo Garxajis midoobay Somaliana waa midoqday.
    Hadda warsangelina ku dar”.
    £££LOP saaxib, Waddani & Khaatumo State waa 2ba ururo qabiil oo ka kala tirsan 2bada beelood ee ugu badan Beelaha reer Waqooyi Isaaq & Dhulbahanre. *haddaba adeer hadday midoobaan yaa Cadowsana? Garanay inaysan 2bada Maamul raalli ka noqonkarin LAAKIIN waa Maamulkee kan la dagaalama? ma Isaaqba isku raaci inuu la dagaalomo Habar Yonis & Dhulbahaante MISE Puntlandbaa la dagaalami Dhubahante H/Yoonis? Ayyagoo weliba ugu baaqi Beelaha kale Somalinimo aan lakala xigin.
    *LOP adeer waxay ila tahay himilo rag u baahan. WBT

  11. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Waxaan jeclaalahaa inaan helo laacib Barxadda ka boodda oo i yiraah ADEER aragtidaadu CILLADAHAAS BEY leedahay. WBT

  12. Carafaad says:

    Horta Waddani yaad mooday,miyaanu ahayn Xisbi Ay leeyihiin dadka Somaliland kuna dhisan dhawrista Dastuurka Dalka iyo Shuruucdiisa,una hogaansan Jiritaanka,madaxbannaanida Dalka ogolaanayna Kala Qaybinta Somaliland.

    Qar baad jafaysaa ee Tartiibso in badan baad Ku Xiiqday Waddani iyo Khaatumee
    Midda kale Khaatumo Wax la dhahaa ma jirto Hogaamiyeheediina waatuu u hogaansamay Jiritaanka Somaliland,waana xubin Kulmiye ka tirsan.
    HALKAA NAF HA KA DAYIN ALLAY KA TAHAY SOMALILAND WAY JIRAYSAA CADOWGEEDUNA SIDAAS AYAY WELIGOOD U BAROORANAYAANEE.

  13. Baaruud says:

    Axmed Somali, Waxan dareemayaa inaad tahay Somali Ethiopian markaa iska naso ayaan ku dohan lahaa tan waxba lagaa weydiinmaayee




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!