MUUQAAL: Maxaa kala Qabsaday Afhayeenka Muuse Biixi iyo Warbaahinta Madaxa Banaan

Hargeisa ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Hargeisa dib ugu soo Noqday Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo Safar maalmihii lasoo dhaafay ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Muus Biixi ayaa warbaahinta u sheegay in ay Imaaraaka ka soo wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

Amaanka geeska afrika,  Xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraatka,   -Kobaca dhaqaalaha,  maalgashiga ,  macdanta iyo tamarta, iibka xoolaha Somaliland,  Dalxiiska,  Xeebaha iyo kalluumaysiga, isusocdka,  suuqyada
iyo Dardargalinta heshiisyadii hore.

Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay in ay kulmeen Muuse Biixi iyo Mansuur Bin Zaayid,  Waxaana Dood ka Kooban Saddex Qodob ka keenay Arintaasi Cabdimaalik Coldoon oo yidhi.


1- Dhinac Qudha [ Somaliland ] ayaa sheegtay qodobada kor ku xusan, oo Imaaraadku ma sheegin.


2-afhyeenku waxa uu adeegsaday weedha wadahadal iyo labada dhinac way wadahadleen ee ma uu sheegin in qodobadaas lagu heshiiyey ama la isku afgartay iyo in kale.


3-Wax sawir ah ama muuqaal ah oo ku saabsan kulanka Muuse iyo Mansoor lama soo bandhigin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL SAXAAFADA IYO AFHAYEENKA

Dhinaca kale Saxaafadda Madaxa Banaan ayaa Su’aalo kala duwan Hordhigay Afhayeenka Madaxwayne Muuse Biixi, Iyagoo wax ka waydiiyey Safarkii Imaaraadka iyo Arimaha ku Gedaaman.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Ali Zubeer says:

    Faataabakh iidoor.com




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...