MUUQAAL: Aqalka Senetka oo Meel-Mariyey in Maraykanku Joojiyo Taageerada Sucuudiga

Muqdisho ( Kalshaale ) Aqalka Senat-ka ee Maraykanka oo xisbiga Jamhuurigu uu Aqlabiyad ku leeyahay ayaa meel mariyay qaraar lagu soo afjaro taageerada Maraykanku siiyo xulafada Sacuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaraarkan oo labada xisbiga ay isku waafaqeen waxaa taageeray 54 xildhibaan waxaana ka soo horjeedsaday 46, arrintan ayaana dhirbaaxo ku noqonaysa siyaasaddii madaxweyne Trump uu ku taageerayay Sacuudi Carabiya iyo hoggaamiyahooda oo dhawaan xiisad soo wajahday.

Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan ku hor istaagi doono haddii qaraarkan uu soo dhaafo aqalka uu Dimuqraadigu aqlabiyadda ka yahay.

Dagaalka Yemen ayaa billawday sannadkii 2015kii, kumannaan ruux oo reer Yemen ah ayaana ku dhintay, malaayiin kale ayaana macaluul la il daran.

Maraykanka ayaa Sacuudiga ka iibiya hubka ay dagaalkaas u adeegsadaan, milatarigooduna wuxuu la garab taagan yahay caawimaad dhanka saadka ah iyo taageerada dhanka sirdoonka si xulafadu ay u qaadaan weerarro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyuhu la socon.

Qaraarka Senate-ka oo ah isku day aan la filayn oo lagu doonayo in lagu xakameeyo awoodda madaxweynaha ayaa doonayaa in milatariga Maraykanku ay collaada Yemen faraha kala baxaan muddo 30 maalmood gudahood ah.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    YES BOS.
    WAA SAX.
    SAUDI ROYAL FAMILY IS CRIMINAL FAMILY.sure!
    YEMEN WAXAY HUWANTA SACUUDI,UAE,EGPTY, KADHIGEEN GOOB GEERIYEED & MACALUUL!!!.
    ILLAAHAY HA UGARGAARO MASAAKIINTA YEMEN.
    Ha ILAAWIN DIGNIIMNTAYDII:-
    I.S.I.S=ISRAEI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    HORJOOGAHA ISIS MAAGACA UU SITO EE ABUBAKAR ALBGHDADI MAGACAASI WAA (BUG) MAGACIISA SAXDA AHNA WAXAA LADHAHAA(AKA ELLIOTE SHIMON)WAANA YUHUUDI,MUSLIM ISKA DAAYE XITAA CARAB MAAHA!!!,(HE IS ISRAELIAN TERRORIST).
    ISRAELI FINGERPRINTS ALL OVER 9/11 ATTACK.
    ANTI MUSIMS AGENDA…..WE KNOW THAT.




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...