Halkee ku dambeeyay Muuse Biixi iyo Shacabka Somaliland oo Baafinaya

Nairobi ( Kalshaale )  Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii udambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga warhaynin meel ay ku dambeeyeen.

Shacabka Somaliland ayaa is-weydiinaya su’aalo dhowr ah oo la xidhiidha wefdiga Biixi iyo howlaha mashquuliyey.

Wefdigan ayaa waxa dadweynaha reer Somaliland ugu dambeysay 9-kii bishan oo Caasimada dalka Imaaraadka lagu soo dhaweeyay.

Waxaa la Waysan yahay  Heshiiskii Rasmiga ahaa ee ay wada galeen Somaliland iyo Shirkadda Dpworld,  Iyadoo Madaxweyne Biixi uu dalbanayo heshiiska rasmiga ah oo aan gacanta ugu jirin.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta ayaa Qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu la kulmay madax kamid ah Imaaraadka, inkasta oo uusan dadka la wadaagin Magacyada masuuliyiinta uu Biixi la kulmay.

Dhanka kale dhaxal sugaha Imaaraatka ayaa ka cudur daartay inuu la kulmo Madaxweyne Biixi, Iyadoona intii uu Imaaraadka Joogay uu Madaxwayne Muuse Biixi ku galay baadhis caafimaad, Waxaana la filayaa inuu Hada dib igu soo Noqdo magaalada Hargeisa.

Muuse Biixi ayaa ugu dambayn maanta laga soo Sagootiyey Imaaraadka Carabta Isagoo kusoo Wajahan magaalada Hargeisa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. cabdi yare says:

    waar anna waxa an baafinayaa mw farmaajo sidii u yugandh utagay jan iyo cirib mayl udhigay lamahayo

  2. cabdi yare says:

    waar bala labada mw weyne hala baadidono ma,afduubbaa mise waa sikale




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!