Duqayntii Maraykanku ka Fuliyey Somalia iyo Trump oo Wada Qorshe Dhabar-jab ku ah AMISOM

Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska Mareykanka ee Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa war kasoo saaray duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen deegaano kamid koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in habeenimadii xalay ay diyaaradaha dagaalku weerareen fariisimo Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Huleey oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Waxa ay sheegeen in duqeyntaasi diyaaradeed ay ku dileen ilaa 2 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab hayeeshee uusan jirin khasaare kasoo gaaray dadka rayidka ee dagan deegaanka ay weerareen sida lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Dalka Maraynkan Donld Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya.

Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed.

Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Guulwade says:

    Kiinya waxay bada ugu dhiiraty waa ciidan baa iga jooga
    1 ciidan baa igajooga.
    2 qaxooti baan hayaa maxaabiisa
    3 dhaqaalaha ayaan ku helaa
    4 madaxwaynasha somali. Waa inay noohogaamaan
    5 jaadka baan gaynaa somaliya
    6 haydaha unka kiinya joogaan
    7 amison lacag iska qaata
    8 carab iskudir .dawlada federaalka iyo mamulgobeledyada
    9 ashabaab dadka shacabka laaya. Si ay amison ujoogo
    10 kiinya bada rabta
    11 imaradka berbera rabaan iyo bosaso
    12 imirat qabilada somali fitna kuladgexjiraan ugu gabada dekada baan dhisayaa. Ganacsiga africa rabaan
    13 dagaalka socda. Su shidaalka aan loo soo saarin
    14 .mamulgoboleed yada ashabaab. Layaqaan meelaha ay joogaan. Aaminsan inay kubaryo tagaan
    15 maamulka hargaysa. Ashabaab rabaan inay caasimada nabad u diidaan. Si iyaga loo yiraahdo waxay qabsadeen. Wayba ku fanaan muqdsho burburto. Hargaysa shidnaato.
    16 gobalka sool iyo sanaag. Iyagoo qabiila ciidan kuhaystaan.
    17 waxgaradka sool iyo sanaag garan dhagayta masmulka hargaysa. Colaada ha socota. Intay wax ka noqonayaan
    18 puntland. Difaaci wayday dad keeda.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    Kjabiir Ku Taqasusey Arimaha Argagaxisada.
    ————– —————-…..
    ALSHABAB+CIA+MI6+AMISOM=ONE.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    OK.
    CID KASTA OO FANGARAYSA AMISOM OO DHAQAALE KUSIISA JOOGISTA SOMALIYA EE HOOSAASINTA AH WAX ABAALA UMA HAYNO WAANA CADOWGA QARANIMADDA SOMAAIYA,
    LKN SOMALI WAXAAN. U SHEEGI WAR SOMALIYA MIYEY ISKA BURBURTEY MISE WAA LA BURBURIYEY?DABCAN WAA LA BURBURIYEY WAXAANA BURBURIYEY (USA,UK & KUWA KABANKA UHAYA).
    WAANA KUWA HUBEEYA,FANGAREYA ISIS,ALSHABAB,ALQACIDA iwm,HADANA NOOGU SHEEKEEEYA SOMALIYA WAANU CAAWINAA!!!!.
    SOMALIYA RAGBAA KAYD KA DHIGTEY UGUNA TALOGALAY INAYSAN SOMALI QAYRAADKEDA KA FAA’IIDEYSAN SOMALIYANA WAXAY U GO’YSAA WAA QAYRAADKEEDA,GEOPOLOTICAL-keeda,(STRATEGE)
    USA,UK,iwm WAXAY UGU TALO GALEEEN MARKAY ALIIDA KHAIIJKA SOO DHAMAYSTAAN(20-sank)GUDAHOOD IN AY SAIIDA SOMALIYA USOO JEESTAAN,INTA KA HORAYSANA WAA LAYNAGA ILAALINAYAA INAYNU XASILO OOLASOO BAXNO,OK,YURANIYAMTA ALJERIYA MARKA LA LAASTANA TEENAA UKAYDA OOLOO SOO JEESANAA,INTAA KA HORAYSANA KALUUN,MACDAN WIXII AY BILILIQAYSAN KARAAN WEY BILIILIQAYSTEEN,FIIRI HADA WAXA SANAAG KA SOCDA,KASOCDA GALMUDUG INTA ALSHABABKU JOOGO=GURASHADA MACDANTA.,
    ALSHABABKA & ISIS BAA U RARA MACDANTA,WAXAANA ADIGA LAGUU SHEEGAYAA KUWAASSI WAA ARGAGAXISO,WAADNA KA DHAGAYSANAYSAAN!!.
    SOMALI WAA INAY KALA GARATAA SAAXIIBKEEDA SAXDA AH & CADOWGEEDA!!.
    TURKIGA & ORDIGAN WAA WALAALKA & SAAXIIBKA KELIYA EE SOMALI LLEEDAHAY!THANK YOU TURKI.
    SOMALIYA UMA BAAHNA NIN SITA DHALASHADA USA,UK INUU MADAXWEYNE KA NOQDO,
    WHY? WAA TUUL CADOW JECEL BURBURKAAGA OO RABA DUNIDA INAY XOOG KU XUKUMAAN,AAMIN MA LEH..
    AMERICAN EMPIRE.
    BRITISH EMPIRE.




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...