DAAWO: Caare oo Dagaalka Somaliland uga dhowaaqay Garoowe iyo Fariin uu Laascaanood iyo Warsangeli u diray

Garoowe ( Kalshaale ) Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya  Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay.

“Wax isaaq la dhaho ma jiraan Balse Iskaashi ayaa Jira,   Hadii Isaaq jiro  Cadaaladda iyo maamulka ayaa loo Sinaan lahaa,   Soomaali waa Soomaali, Diintu waa diinta Islaamka,  Dhulku waa Dhulkii Soomaaliyeed Iyaga ayaan la Joognaa, waan ka dhinac dagaalami doonaa,   Dhulka Anaga ayaa Naqaan iyo Wadooyinka laga Galo,  Wixii laga dhaxlo waanu u joognaa” Ayuu yidhi Caarre.

Wuxuu ka hadlay  hadal kasoo yeedhay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo kasoo jeeda Beesha Warsangeli,  Wuxuuna sheegay inuu Horay u Qabtay Balse uu sii daayey, Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Kornayl Caarre ayaa Wuxuu Fariin u diray Beesha Warsangeli, wuxuuna sheegay inaanu Isagu Beesha Warsangeli wax dhibaato ah u gaysan doonin, islamarkaana deegaankooda aanu wax dhibaato horay uga gaysan,

Ugu dambaytii Wuxuu Fariin u diray Shacabka Laascaanood Isagoo sheegay inay maanta Faaruq tahay,oo Ciidan aanu Joogin Sool,  Isagoo ku baaqay in Tallaabo Haboon ay Qaadaan.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. cabdi yare says:

    somaliland gacan haadiskaa wey kaheshaaye maad kadaysaan hadda mr caarre waxba idin qaban maayo

  2. Laalays says:

    Walaahay isagoo nool buu qudhmay! Bal u fiirsada Weji ilaa Gaco jidhkiisu wuu dil dilaacay. Xitaa markuu hadlayo dibnihiisa ma kantarooli karo. Calyaa ka daadanaysa!

    Puntland sida ugu dhakhsaha badan waa inay ninkaa is dhaafiso, ama gacanta u soo geliso Somaliland.

    Maaha wax macquula oo Somaliland aqbali karto in aad ciyaalasuuq jabhadaynaya aad egaankiinacka siisaan xeryo, hadana ka cabataan Somaliland baa nagu soo duushay!

    Halkuu Joogo baanu ugu imaan ama idinka dhulkiina ka saari!

    kkkkkk

  3. cabdi yare says:

    caarre waxa uu doonayaa in ay somaliland garoowe ay qabsato

  4. Land of Punt says:

    Laalays
    Caare waa: the beginning and end of riyadii goosashada.
    Puntland ma rabto dagaal iyo burburka Somaliland laakiin idinka ayaa duulaan ah oo ninkaan arinkiisa wadahadal ku xalisaan diiday iyo waxa tabanayo.
    Waad ogtahay in xoog xitaa qabiil yar lagu maquunin karin.
    Somali qabiil kuma kala adkaan karto, taas nin aqli lahayn ayaan ogeyn.
    Bal xooga aad carada digada uga dhigaysaan na tusa!!!
    Boowe tii Somaliland ayadaa isburburinaysa.
    Yaab🙈
    Somali waa dad qabiil ku weyn yahay, haddii wiilasha Habaryonis xitaa laga tabar roonaado oo qaar badan la laayo in Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ka dhexqarxin yaa moog….
    Markay isku waalato ayaa warkayga la xasuusan.

  5. Land of Punt says:

    Laalays
    Caare xitaa haddu dhinto qadiyadda uu bilaabay ayaa jirin, Mutafe Martin maalin ayaa la yaabanaa oo iri; Daanyeer kasta hadaan asaga iyo qabiilkiisa talada loo dhiibin in wax burburiyo rabaa, laakiin beel weyn oo wada caraysan maaha in colaad loola tago ee miiska wadahadalka ayaa wax lagu xalin karaa.
    Ahmed Somali ayaa oran jiray Dhulbahante iyo Garxajis midoobay Somaliana waa midoqday.
    Hadda warsangelina ku dar.
    Allow kala qabooji maryoolaydan waalan, Koofur baa waalnayd hadda Waqoonina waa soo waalan rabaa.
    Ninwalba qori buu la ordayaa! daanyeer.
    Caawa qosol ma jiro, its dangerous situation.☺️

    • abdi mahile GABILEY says:

      MR land of PUNT iam very proud of you always because the only who write his comments in a wise way / samo talis / please keep this way and God bless you

  6. Land of Punt says:

    Laalays
    Midna ogow maaha dhaqan Somaliyeed nin kuusoo martiyey in dhiibto, Puntland waxa keliya oo ka codsan kartaa in dhulkooda duulaan ka qaadin, wadahadalna la furo xukuumadda.
    Hadaad idinka dagaal kusoo qaadan dhul Puntland xukunto sida uu sheegay Caare ayey Puntland dagaalka gelin.
    Marka Muuse Biixi booto waa meesheeda laakiin duulaan waa jid qaldan oo lagu halaagmin.
    Aniga millitary wax ka aqoon ayaa u jeeda in arinkaan colaad lagu xalin karin.
    wbt.

  7. Ali Zubeer says:

    No civil war in Northern Somalia. daanyerka muusa biixi waa in la caydhiyaa qudha

    viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  8. Idoor liqe says:

    Adeer ninkan hore ayuu deegaano uusan la aheyn ugu duulay, maantana wuxuu na leeyahahay waa xaqdaro. Markee ayuu hadaba saxsana ??

    Mida labaad reer qardho waa in ay ninkan iska saaran Hadii kale Dowlada dhexe loo gudbiyo. Somaliya ma aha Eriteria iyo Ethiopia .

  9. Idoor liqe says:

    Laaleyso

    Inaabti dee ninkan waa nin raga Maxaa ka Galay jidhkiisa miyaad Guursaneysa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  10. Idoor liqe says:

    Deg deg

    Xildhibaano iyo Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta ee dowlada puntland ayaa gaadhay Badhan iyo dhahar , iyagoo ilaq bari Gaadhi doona Deegaanka Yube oo maleeshiyaad snm ah Joogaan.

    Source , madaxtooyada puntland ee Villa Somaliya .

  11. Dabshid says:

    Kabiilo hadduu rabo wada hadal ha tago HARGEYSA, hadduu rabo xilna ha tago Xamar.

    laakiin qardho ayaan ka shufteyn waa waxaan laga yeeleyn.

    Koofur ayaa burbursan waa aqli xumo inaan ku darno Waqooyi.

  12. mohamed abdi jama says:

    Col caarre maan jeclayn inuu karaamada iska qaado reerka sharafta leh ee uu haybta guud ka soo jeedana wax u dhimo caarre wadani ayuu ka dhigay xisbi reer oo dhintay

  13. mohamed abdi jama says:

    Adeer gaaz buu ahaa ninkii yidhi jam som land ma dhicayso inay nabad ahaato soomaliyana dagaal iyo dhib ku jirto ? Waa hadal ii suntan goortay ku haboontahayna aan siin doono jawaabtiisa gaaz mustaqbalka xizbiga wadani ee mustaqbalkan dhaw in la toorto oo uu soo baxo waxaa diiday oo gawracay col caarre taana ha la ogaado odayaashii dhaadan jirayow




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...