Midowga Yurub oo Mamnuucay Diyaaradii Boeing ee Ku buburtay Itoobiya

Muqdisho ( Kalshaale ) Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey in dalalka Yurub isticmaalaan diyaarada Boeing 737 MAX8 iyo 737-9 oo ah nooca diyaaradii Ethiopian Airlines ee soo dhacday Axadii lasoo dhaafay.

Dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa bilaabay inay mamnuucaan adeegsiga diyaaradan oo si weyn looga shakisan yahay in ay ku jirto cilad farsamo oo sababtay shilalka soo noq noqday ee diyaaradan.

Hay’ada u qaabilsan EU-da duulimaadka ee EASA ayaa sheegtay in amarkan uu dhaqan galay xalay saacadu markay ahayd 7dii fiidnimo.

Waxaa sidoo kale amar lagu siiyey shirkadaha aan reer Yurub ahayn in duulimaadyadooda imaanaya wadamada Midowga Yurub aysan isticmaali karin diyaaradan.

Dalalka kale ee mamnuucay diyaaradan tan iyo isniintii ayaa waxa kamid ah UK, Australia, Singapore, India, China, Indonesia, Cumaan, Malaysia, Norway, UAE, South Korea, Ireland, Mongolia iyo Itoobiya.

Dalka Maraykanka oo laga leeyahay shirkada Boeing ee soo saarta diyaaradan ayaan dhankooda weli mamnuucin, waxayna hay’ada duulimaadka u qaabilsan Maraykanka ee FAA sheegtay in diyaaradan ay tahay mid la isku aamini-karo oo sii shaqeyn karta.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    YES BOSS.
    SAASAAN KAA RABAA.
    DAWLO WAA TAAS.




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...