London : Diblumaasi Qatari ah oo Darawalkiisa oo Soomaali ah ku Tilmaay Daanyeer iyo Adoon Madow

London ( Kalshaale ) Diblomaasi madax ka ah Safaaradda Qadar ee magaalada London, una  dhashay Dalka Qadar ayaa af Lagaadeeyay darawalkiisa oo Soomaali ah,kuna tilmaamay Ey, Daanyeer iyo Addoon Madow ah, Wuxuuna  darawalkiisa u caayay qaab isir naceyb ka muuqdo.

Darawalka oo ah Soomaali British laguna magacaabo Maxamuud Axmed ayaa dacweeyay diblomaasiga, waxaana Diblomaasiga uu ka codsaday in uu qaato £50,000 oo Laaluush ah dacwaddana uu ka laabto.

Maxamuud ayaa shaqada safaaradda laga eryay sanadkii 2013kii, diblomaasiga u dhashay Qadar ayaa lagu magacaabaa Abdullah Ali Al-Ansari.

Maxamuud ayaa dhowr jeer isku dayay kiiskan in uu Maxkmadda geeyo, hayeeshee dhowr jeer ay ku celiyeen Maxkamadaha London ilaa maxkamadda racfaanka ay 2015kii amartay in kiiska la gali karo.

Darwalka ayaa ku dooday in intii u dhaxeysay 2007dii ilaa 2013kii uu dhowr jeer waxyeello jirka ah u geystay diblomaasigan markii dambana caay iyo shaqo ka eryid isugu daray.

Sheekada Axmed iyo Maxamuud ayaa hadda uun soo shaac baxday, waxaana Maxkamadaha Ingiriiska ay ku howllanyihiin sidii Maxamuud xaqiisa loogu dhicin lahaa.

Diblimaasiga u dhashay Qadar ayaa adeegsanaya qareenno sare, waxaana uu isku dayay in kiiskan uusan gaadhin maxkamadda si hoosana loo dhameeyo.

Diblomaasiga ayaa darawal kale u soo dhiibay lacagta, Maxamuudna u oggolaaday in uu shaqada ku laabto, laakiin Maxamuud ayaa sheegay in uusan shaqada ku laabaneyn lacagtana qaadaneyn ilaa uu caddaalad ka helayo.

Diblomaasiga iyo safaaradda Qadar ee London ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana ay Maxkamadda amartay in kiiskan uu sii socdo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. UN says:

    Odaygaan muu dhowr somali ah u yeero oo ninkaan edbiya. Markaas maxakama laysla aado




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!