DHEGAYSO: Boosaaso Cid leh lama Yaqaan, oo loo Tudhi maayo ” Gudoomiyaha Barri ee Puntland

Boosaaso ( Kalshaale ) Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo Gudoomiyaha gobolka Bari  Waxa uu sheegay in marka la eego magaalooyinka kale Puntland ay ka muuqdaan lahaansho la xiriirta u turid iyo ka shaqeyn amni balse Boosaaso aanay ka muuqan cid lahaanshaha awgeed uga shaqeeya horumarkeeda iyo sugidda amnigeeda.

Sidoo kale Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in uu necbaystay magaca Boosaaso xili marar badan uu xumaaday amnigeeda taasoo uu sheegay in ay ku badatay weydiimo la xiriirta xaalada guud ee magaalada Boosaaso.

Mar aan tagay magaalada Garoowe Waxaan necbeystay ereyga Boosaaso qofwalba wuxuu ileeyahay gudoomiye Boosaaso kawaran waa baryo xoogaa wax ka siyara noqdeen anna boog bay igu noqotay waan kasoo cararay hadeer oo aan amnigii hagaagijinay leyn kale baa soo baxay oo ah in masaajidadii aan lagu badbaadayn marka magaaladan waxaa ka maqan lahaanshihi.

[ HALKAN KA DHEGAYSO ]

Si kastaba hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dad badani siyaabo kal duwan u fasirteen iyadoo hadalkanna uu kusoo beegmayo xili falal amni darro ay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso. ayaa sheegay in lahaansho aysan ka muuqan magaalada Boosaaso xili maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Dabshid says:

    Boosaaso waxaa iska leh, laga mudnayaasha kursiga Garowe.

    waa iney canshuurta ka joojiyaan tuulada Maxammuud Saleeman ee Garowe haddaan lagu kaltameyn kursiga HAGBADDA MS, waa in xal loo helo Reer Waqooyiga Garowe ku soogo tiro buuxinta MAX’UUD SALEEMAAN.

    – Garow waxaa joogo

    – Hagbadle, laga mudne iyo korjoogto.

  2. Asad says:

    Waxan aad ula yaabay dabshid miyaanu ogayn inu yahay adoon laxisaabinayo isku dirka iyo nabaab nimada uu meeshan kuqoro malin kasta mise cuqdadaa kala weyn dembiga uu gelayo mise waa jaahil aan ale swoon?

  3. NUURKANEDERLAND says:

    CAQLIGA LAGAA QAAD DHEH WAA NOOCAA NOOCA DADKA MASUULIYADDA U HAYA.
    BOSASO AFAR CIIDAN BAA JOOGA.
    1=CIIDAMADA PSF OO KA AMAR QAATA CIA.
    2=CIIDAMO EMARATS KA AMAR QAATA.
    3=ISIS OO BUURAHA UGU JIRTA.
    4=CIIDANKA PL OO TAMAR YAR.
    0K,SIDEE AMAAN KU SUGI KARTAA HADIIBA GOBOLKA KULA JOOGAAN CIIDAMO AAN KAA AMAR QAADAN OO LAGU XANTO INEY ISIS,ALSHABAB FANGAREEYAAN!!?.
    YOU ARE NOTHING=ZERO.

  4. Land of Punt says:

    Bossaso waxay nowotay Casumad oo caawa ka dad yarayn Xamar.
    Gudoomiyaga ma fahmin Bossaso maaha Qardho iyo Garoowe qabiil u badan.
    Bossaso dadka caawa wax ka dhoofsanaya ama kala soo degaya ayaa ka badan qabiiladii loo yiqiin.
    gidoomaya wuxuu u baahan in fahmo meel malaayin ku nooshahay anaa leh ma jiri karo.
    Odaygaan nin aqli leh moodi jiray…kkkkkkkll
    Kuye Bossaso cid leh lama yaqaano…kkkkkkk
    Meesha ma tuulo Qardho iyo Garoowe oo kale ayuu mooday.
    War odaygaan iyo kii kale Bossaso Meyer u noqonaya waa in seminar loo diraa, waxa Bossaso tahay= magaalo mitropolitan ah oo jinni jaan iskugu yimaadeen, sidii Xamar ahaan jirtay ama magaaloyinka waaweyn aduunka sida Noirobi oo cidda ku qarxinaysa ogaan karin, hadaadan very sofisticated securty service haysan.
    kkkkkkkkkk
    kuye cid leh waa garan waayey. kkkkkkk
    meesha dowlad amniga sugta u noqo ama adiga ayaa lagu kufsan aakhirka.☹️




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...