Dagaal ka dhacay Gaalkacyo, 6-Qof oo ku dhintay iyo Sida wax u dhaceen

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta Gelinkii Hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Kaasi oo gaystay Khasaare kala duwan.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor’imaadkan oo ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Iska hor’imaadka ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed , kaas oo ka dhashay muran dhul oo maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed.

Maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo Nabad-doonno ayaa ku guulaystay iney kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaallamay.

Dhinaca kale,Ciidammada isku dhafka iyo kuwa xasillinta magaalada Gaalkacyo ayaa goobta gaaray, waxaana ay la wareegeen goobta inta xal laga gaarayo.

Magaalada Gaalkacyo oo Horay ay ugu Dagaalami Jireen Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, ayaa Mudooyinkii dambe ku Talaabsatay Horumar balaadhan, kadib markii Xal rasmiya laga gaadhay Colaadii u dhaxayn Jirtay labada maamul,   Waana Arin aan Cuslayn in laga gaadho Colaad ka dhalatay Muran Dhuleed oo u dhaxaysa Laba Maleeshiyo Beeleed.


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. Kalahage says:

    Dhulkii baa soomaalida lagu dhaqaajiyey.meel banaan ayaa la isku dilayaa.

    Meesha ma @lop oo itoobiya ka yimid ayaa dadka ku laynaya.

  2. Kalahage says:

    Dhulkii baa soomaalida lagu dhaqaajiyey.

    Meeshaa banaan ayaa la isku dilayaa.

    Meesha ma @lop oo itoobiya ka yimid ayaa dadka ku laynaya.

  3. Laalays says:

    Kalshaale.ca

    Dad badan oo meesha fekerkooda ka dhiiban jiray ayaa xanibteen. Sii daaya dadka hadii kale aniguna Share holders aan maqaaxida kulahaa waa iibinayaa!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Mr BaHaL says:

    Dadka maxaa kala celinaya?

    Mid jago ku haysta mid kale,mid Gobol ku haysta mid kale iyo Kooxo isku dan ah oo Calan yar ka taagtay Tulooyin badan ayay Somaliya gacanta ugu jirtaa.

    Wixii kala celin lahaa ee dawlad la odhan jiray ayaa Somaliya ka dhintay.

    Tuugii ama Tuugtii ayaa fursad u helay inay wax dhacaan.Dhagar qabihii ayaa fursad u helay inuu wax dilo.

    Kii waalaa ayaa fursad u helay inuukufsado gabadh yar oo caano loo dirtay.

    Inta waxaas oo dhan laga adkaanayo sidaa ayaa lagu jirayaa.Inla laga guulaystaanaa way adagthay.

    Maamul saqajaan – Aka Maamul Goboleeed ayaa yaabay.

    Dalmida

  5. Land of Punt says:

    Kalahage
    waad iga qoslisiisay…kkkkkk
    LOP oo Galkacyo uga soo duulay Galbeed oo dadkii dhul ku dilaya……
    Sxb Lop iyo reerkiisa waa reer Galbeed taariiq ahaan laakiin aniga iyo hooyaday Xamar ku dhalanay, in wax nalaga dhacay mooyee anaga wax ma dhicin, weliba Kacaankii na dhacay…run
    Idinka Habargidir oo gobolada dhexe ka yimid ayaa Xamar qabsaday marka maxaad ugu diidin Cumar Maxamud iyo reer Biciidyahan Galbeed ka yimid in Galkacyo dhistaan…kkkkkkkk
    Aniga cidda isdilaysa ma ogi laakiin Somali dhulka ka badan ee nabad ugu wada noolaada…..🤙

  6. Land of Punt says:

    Hadalkaaga waxaan u fahmay in Cumar Maxamuud ka dhigayso dad Galkacyo gadaal ka yimid…kkkkkk
    iga rumayso ma jiro nin 90 jir ah oo Habargidir ama xitaa Leelkase ah oo ku dhashay Galkacyo.. prove wrong.
    Cumar waa beel weyn oo Galkacyo loo yiqiin Kacaankii ka hor.
    Maantana weli jooga ilaa xeebaha Mudug inkasta oo lagu soo kubaareeyey….
    kkkkkkkkk😃
    LOP maaha nin dhulka hadda la barayo, waa hoppigeyga sida ahaan jirtay oo dhulka Somali u kala degi jirtay.

  7. Land of Punt says:

    Hadaan tusaale ku siiyo magaalada Baran oo maanta Somaliland sheeganayso in British Somaliland waa been.
    waxaa jiray ””heshiiskii Baran”” oo Engriis iyo Boqorkii Majeerteen dhexmaray markii Engriisku Garaad Maxamuud Cali shire of Warsangeli loo tixriilay kasiiradda Sicelles.
    In Shacabkaas aad Garaadkii xirteen yihiin Majertenia oo British protoctrate ka tirsanayn loona saxiisay, shuruuda ahayd in Majeerteenia weerarin ciidanka Britiska oo Sayidka la dagaalamaya oo Isaaq u badnaa.
    Google: Baran declaration.👁🧐
    Majeerteen heshii ka baxay, Britiska dagaal ku qaadeen oo Italia oo cadow ahaayeen oo Boqor Cismaan iyo Caki Yusuf dagaal kula jiray iska kaashadeen sidaas ku duntay boqorooyaadii Hobyo iyo Bandar Qasim aka maanta Bossaso.
    Xamar u qaxeen oo SYL aasaaseen haraagoodii.
    Cali Yusuf nolol lagu qabtay oo Xabsi talyani ku dhintay…….?
    Maxaa taariiqda ka taqaaniin?

  8. hogaamiye says:

    galkacyo waa xudunta colaada somalia
    khalaf & jalaf duo bastardo atasiyone kumasariyo kkkkkkk

  9. cabdi Maxile GABILEY says:

    Salaan sare land of punt waxad ka joogtaa halkii cabdilaahi suldaan alla ha u naxariitee 1960 somali kala talinayey dadkan aad ka waa ninaysid dagaal sokeeye faa iido male /dadkan webka so gala ayaan lahayn dux iyo iimaane ////

  10. Jama says:

    Land of Punta ninka sheegtay ma aha nin wax ka garanaya tariikhda Magaalada Galkacyo.




MUUQAAL: Nin 10-Sano Xanuunsan oo Xafiday Qur’aanka Kariimka ah, Kana Waramay Waayihii Noloshiisa Hore !
- Mar 21, 2019
Burco ( Kalshaale ) Maxamed Cabdilaahi Saalax Wuxuu kamid ahaa Ganacsatada magaalada ...
Jen. Yuusuf Indha Cadde “Ciidamada waxey ka gadoodeen hadalkii R/Wasaare Kheyre”
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale )  Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay mushaar la’aanta dhowr ...
Ciidamada Xooga dalka ” Geesiyaal mudan in la garab istaago” (Warbixin)
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aasaasay 12-kii Bishii ...
Dagaal Qadhaadh oo dhexmaray Ciidanmada DFS iyo Kuwa Al-shabaab
- Mar 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ...
Kenya oo Qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar-jebinayso DF-Soomaaliya
- Mar 21, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ...