DAAWO: Daahir Jeesow “Khayre Wuxuu Booqday dad uu Gumaysto, Hogaamiye Madoobe oo Al-shabaab ah”

Kismaayo ( Kalshaale ) Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si la yaab leh uga hadlay Safarka Raysal Wasaare Khayre uu ku Joogo magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Kheyre uu booqday dad la haysto oo aan soo bandhigi karin fikirkooda,islamarkaana uu u taliyo hal shaqsi oo ah Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed madoobe, Madaxweynaha Jubbaland uu ahaa jirey Hogaamiye Al-shabaab, islamarkaana khilaaf hogaanka Shabaab soo kala dhexgalay uu keenay in isaga uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu booqday dad lahaysto, oo ku jira Gumeysi, waxayna la mid tahay masuul ka socda Jaamacadda Carabta oo booqday dhulka la haysto ee Qudus isla markaana la kulmay Israa’iil” ayuu yidhi Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyn Daahir jeesow ayaa ku taliyay in Axmed Madoobe laga hor wareejiyo shacabka Jubbaland,islamarkaana doorashadda dhawaan halkaas ka dhacayso lagu doorto hogaamiyo shacabka Daacad u ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Xarago Xubi Xogtii says:

    Daneystaa,Ila Degayeee,Dayaxaan Dawaafi Lahaayeee,
    Nin Dhirta Dubayaa,Door ka Dayrowyeeeeeeeeeeeeee,
    Sunaha iyo Diinta Nin Dayacaay,Aakhiro Dayraa
    u Danbeynneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeewweee,
    Nin Dadkuu,Isagu isu Doortey,Kala Dilleey, Dadnimo
    laga Dugsaddaa,Diideey Anaa Deelka ka Dalliilsheee,
    Kii Dulmigiisa,Diidabaa,Waa musaafuriis U Dirreeee,

  2. Xarago Xubi Xogtii says:

    Dadyohow, dacwaan Qabaaa,Daadihiyaha, u Diraeee,
    Maxaa Laygu,Deyrshey,Darwiish Runta ku Daalaan
    Ahaeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Daacadnimadu,Nimey Degtey,Weligii, waa Dulmi
    Dareen Siieeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Kuwa Dibiin Daabyada Duulaanka waddaan,
    Daaya Leehayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Dalkeygana,Daruufaha,Dayaca La Deggeey, Ayaan
    Duunyo Deydeyga,Dareen Siiyaaeeeeeeeeeeeeeee,




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!