C.raxmaan C.shakuur oo Faallo ka Qoray Booqashada Madaxwaynaha Faransiiska ee Itoobiya iyo Jabuuti

Muqdisho ( Kalshaale) Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur ayaa Faallo ka Qoray Safarka Madaxwaynaha Faransiisku uu ku tagay Jabuut iyo Itoobiya, Sidoo kalana la filayo inuu Booqdo dalka Kenya.

“Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron, wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma iman. Dhinaca kale, waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqan doono. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “Difaaca Wadajirka ah ee Labada Dal”.

Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta ciidanka Itoobiya iyo la dagalaanka aragagexisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad Badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida, gaar ahaan awoodaha tunka xoogan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka.

Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.”

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!