DHEGAJUUN oo Maxkamad Looga yeedhay iyo Dacwad loo haysto

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ka dalbatay inuu Maxkamada horkeeno Guddoomiyaha Degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun maalinta Sabtida taariikhduna ay ku beegan tahay 16-03-2019.

Guddoomiye Dhagajuun ayaa lagu heystaa inuu fara gelin toos ah ku sameeyay kiisas yaallay Maxkamada Degmada Hodan, sida lagu qeexay warqad ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka.

Waxaa kaloo lagu heystaa Guddoomiyaha Degmada Hodan inuu ku xad gudbay sharafta Garsoorka dalka, islamarkaana uu isticmaalay awood aan loo idman.

Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

C/xakiin Dhagajuun ayaa maalinta Sabtida ah marka uu hortago Maxkamadda waxaa su’aalo laga weydiinayaa eedeymaha loo heysto.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg deg: Dabley Hubaysan oo Boosaso ku dilay Askari ka tirsan ciidanka P.land
- May 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Rag hubaysan ayaa xiligii lagu jiray Salaadii cishe, rasaas ...
WARAYSI: Faysal Cali Waraabe oo Eedaymo Culus u jeediyey C.raxmaan Cirro “Caalamkii ayuu ku diray S.land”
- May 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xubno ka tirsan Xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa gaadhay ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Damalla-xagare -Sanaag
- May 21, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Dagaalkii u dhexeeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ka ...
Deg deg: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda SANAAG
- May 21, 2019
Garoowe ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado ...
LA YAAB : Ilhaan Cumar oo Taageertay dadka isku Jinsiga ah ee isu Galmooda
- May 21, 2019
Laascaanod  ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!