Topnews: Kongareeska Maraykanka oo ansixiyey Mooshin ka dhan ah dagaalka Yemen

Laascaanod ( Kalshaale ) Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey mooshin cusub oo laga keenay joojinta kaalinta ay ciidamada Maraykanka ku leeyihiin dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Mooshinkan ay soo diyaariyeen Xisbiga Dimuquraadiga ee hada heysta kuraasta ugu badan ee golahaasi ayaa sidoo kale lagu cambaareeyey dilkii Suxufi Jamal Khashoggi iyadoo Golahaasi ka codsaday Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad inay jawaab cad ka bixiso kaalintii uu Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku lahaa dilkaasi.

Xildhibaanada Dimuquraadiga oo gaaraya 223 oo ay wehliyaan 18 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa mooshinkan codkooda siiyey, halka ay ka horyimaadeen 177 xildhibaan oo ka tirsan xisbi Xaakimka Jamhuuriga.

Qoraalka Mooshinka ayaa lagu daray labo qodob oo ay u ololeenayeen qaar kamid ah xildhibaanada Jamhuuriga taasi oo irida u furtay in codka loo qaado, waxaa kamid ah qodobadaasi lagu daray in xiriirka sirdoonka Maraykanka & Sacuudiga uu sii socdo iyo in Baarlamaanka kasoo horjeedo Cunaqabateynta Ganacsi ee ka dhanka ah Israel.

Qaraarkan Golaha Wakiilada ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare ee Senateka ugu danbeyna Madaxweynaha, Donald Trump ayaa la filayaa inuu codkiisa VETO u adeegsado go’aanka Baarlamaanka.

Xukuumada Trump ayaa horey u sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Sacuudiga iyo Imaaraatiga kasiiso dhinaca dagaalka ka socda Yemen oo ay sheegeen inuu qeyb ka yahay ka hortagida awooda Dowlada Iran oo iyadu taageerta kooxaha Xuuthiyiinta Yemen.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...