Muuqaal: Qisada Hooyo Kinsi ee Maraykanka oo dad badan uga Ilmaysiisay iyo Wixii Qabsaday

Nairobi ( Kalshaale ) Bulshada Soomaaliyeed ee Burburkii dalka  u hayaamay Qurbaha, ayaa ka kulmay dhacdooyin kala duwan oo Cajiib ah, waxaana kamid ah Mid ay ka warantay Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Kinsi.

Waxay sheegtay inay dad ehelka u raacday Xabsiga, Islamarkaana ay halkaasi kusoo Aragtay Wiilyar oo Soomaali ah , kaasi oo aan haysan wax Ehel ah, islamarkaana aan loo haysan Dembi wayn, Waxay   Arintaasi ku Qiimaysay hadii maanta Caruurteedu halkaasi Joogi lahaayeen sida uu xaal Noqon lahaa.

Waxay u istaagtay sidii Wiilkaasi  yar uu garab u heli lahaa,  Dad Soomaaliyeed ayay usoo bandhigtay  waxay waydiiyeen waa Qoloma  Wiilka ? Iyadoo muragaysan ayay ka tagtay, Masaajidka ayay tagtay Hadana Mid kamid ah culimadii ayaa waydiiyey Muxuu ahaa wiilku ? Sidoo uu kale ayay Murugo uga baxday iyadoo Ilmaynaysa sida ay sheegtay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA | SIDA WAX U DHACEEN

Dedaal dheer kadib oo ay gashay waxaa Alle ku guuleeyay inay Wiilkii Soomaaliyeed, oo dhalinyaro ah kuna jiray sanadka u dambeeya dugsia sare  kasoo saarto Xabsiga,  Waxaana Tusaalle wanaagsan u tahay Bulshada Soomaaliyeed oo  marka ay Nabad iyo wanaag ku jiraan Moodaya inay iyagu iska leeyihiin.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Mohamed says:

    Waa hooyo qiimo leh, aragti dheer oo naxariistii somaliyeed qalbigeeda ay weli ku jirto, lehna ruux aan dhiman ee nool.
    Allaha ku barakeeyo hooyo aduun iyo aakhiroba.
    Aamiin

  2. Haji bakyle says:

    Maanshallah , waa Hooyooyinkii la arki jiray , waa dhif iyo naadir hadda aduunka iyo xiligan aynu nool ahay !!! Ilahay ha daayo ubaddkan ha aslaaxiyo

  3. Haji bakyle says:

    Maanshallah , waa Hooyooyinkii la arki jiray , waa dhif iyo naadir hadda aduunka iyo xiligan aynu nool ahay !!! Ilahay ha daayo ubaddkan ha aslaaxiyo

  4. Rooble says:

    Asc meeshii kalshaale.com waa xumaatay Ama aan idhaahdo wariye yaal xariifa ma hayso waxaan leeyay kalshaalaw baryahan dambe warkiinu ma fiicna ee saaxiibayaal ama aan idiinsoo gurmano dee ama keena wax aan ka doodno midkale cali xaraare iyo afartan habrood miyaydan ka ilbixin Bal hada u fiirsada wararka calamka ka socda sida Jabhada Alshabaab Jabhada olf iyo Jabhada caare Shidaalka somaliwayn doorashada golaadhexe iyo gudoomiyaha xusbiga kulmiye oo balo ka taagantay Midkale sadexdaa jabhadood waxaan U taageray maanta waxa weeye shaqo aan yarayn ayay hayaan sida

    (1) alshabaab waxay difaacda cadawga ku soo duulay koonfur somali sida? Kiinya ithopia burundi iyo waxay cago ku qaatan Oo hadanay alshabaab jirin waa hore ayaa koonfur la qaadanlaa ta labaad
    (1) jabhada olf iyaduna sidoo kale waxay haysaa shaqo fiican oo ah in aan cadawgu qaadan ta sadexaad
    (3) waa jabhada kornayl caare oo iyana haysa shaqo fiican oo ah in aan cadawgu qaadan somaliland iyo gobolada waqooyi
    Wbt soo soco igabadhane

  5. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Rooble, adeer sheekadi; “AUNTE Ina godanow Koofurta deganaasho u diid Adduunku Beesha Isaaq ha citiraafe “Waa aragtidi maskaxdi GURNAYD ee Xuseen Bulxan TAANA MAWDKU KA ADEEGAY”. WBT

  6. NUURKANEDERLAND says:

    THANK YOU MY Dear SISTER.
    WAXAY KA MID TAHAY GABADHANI INTA YAR EE DAMIIRKA LEH.NOOLOOW.
    TAASINA WAA SOMALIDA DHABBTA AH!!.
    WAXAANSE FILAYAA DADKU INAYSAN FAHMI KARIN GABADHA WARKEEDA WHY? TOLKAY=(SOMALI) AQOONBAAN ULEEYAHAY,OK.
    SHEEKADU MA AHA SOODEYNTA WIILKA OO
    KELIYA EE WAA SOMALINIMADA,DEREENKII & DAMIIRKII MARKAAS HAGAYEY BAA CAJIIB AHAA!!!.
    M A H A D S A N I D DEH GABADH SO ALIYEED OO SOMALI OODHAN ABAAL UGASHAY MA AHA WIILKA AYSOO DEYSAY OO KELIYA,




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...