MUUQAAL: Maraykanka oo Balan Qaad Culus u Sameeyay Soomaaliya “Nabad kama dhacayso Geeska Afrika, Hadaan Somalia Xasilin” iyo Qorshaha Cusub

Muqdisho ( Kalshaale )   Donald Y. Yamamoto  Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Maraykanku  waxyaabo badan ka caawin doono Soomaaliya, Wuxuuna xusay  in Maraykanka uu hadda kuso laabtay Soomaaliya, islamarkaana aanu mar kale dib u bixi doonin.

Wuxuu ka hadlay Muhiimada Horumarka Soomaaliya ugu Fadhiyo Geeska Afrika, Wuxuuna Hoosta ka Xariiqay inay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa cafinta deymaha, si qarashka ay deynta ku gudi lahayd ay u adeegsato kaabayaasha kale ee dhaqaalaha.

“Horumar iyo nabad kama dhaceyso dalalka geeska Africa haddii aanay Soomaaliya Nabad ahayn iyo horumar ahayn” Ayuu yidhi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO SAFIIRKA 

USAID ayuu sheegay in ay taageerto shirkado waaweyn oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka shaqeeya Kalluunka, Korontada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah, Wuxuuna  xusay in Soomaaliya ay caan ku tahay waxyaabo badan oo isugu jirta qudaarta iyo kheyraadka kale ee badda ku jira.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...